Home Blog Page 744

(AKHRISO) WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN XAAALADIHII UGU DANBEEYEY EE COVID19.

0

Waxaa dunida ku soo laba kacleeyay Xanuunka COVID19, Somalia waxay ka mid tahay dalalka uu dib ugu soo laaba kacleeyay Cudurka COVID19, Waxaa sare u kac ku yimid Number ka dadka laga helaayo xanuunka iyo sidoo kale warbixinnada ka imaanayo xarumaha Caafimaadka Guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ka helaynaa sare u kac ku yimid bukaanada la il daran calaamadaha xanuunka taas oo muujinayso .

Wasaarada Caafimaadka waxay dib u howl galisay gudiyada iyo tiirarka la tacaalida iyo xakameynta Caabuqa COVID19, waxay sidoo kale wasaarada caafimaadka dib u qaabayn ku sameesay hanaanka gurmadka iyo la tacaalida COVID19.

Waxaa si wanaagsan u shaqaynayaa xarunta wicitaanka dadwaynahay iyo Numberka Free ga a 449 oo ay dadwayanahay soo wici karaan xilli walba oo ay ka helayaan talo iyo ku xiriraan isbitaallada lagu dabiibayo COVID19.

Wasaarada Caafimaadka waxay dadaal dheeri ah ku bixinaysaa sare u qaadida baarita , Xoojinta wacyigalinta iyo tayaynta tabinta Qataraha.

Tirada guud  xogta COVID-19 dalka, laga soo billaabo  bisha March illaa November 2020

1 Tirada Guud ee labaaray Dalka 53,372
2 Tirada Guud laga helay dalka 4,382
3 Bogsashda guud ee dalka: 3,384
4 Dhimashada guud dadka u dhintay xanuunka 108

Xogta COVID-19 ee labaaray laga soo bilaabo  1st ilaa 17th November 2020:
Waxaa Labaray 5,509
Waxaa laga Lagahelay: 153
Waxaa Bogsootay 50
Waxaa u dhintay xanuuka: 1

Xogta oo Faahfaahsan
Banadir Somliland Puntland Koofur Galbeed Jubbaland Galmudug: Hirshabelle Wadarta Guud

Labaaray 2989 1,635 796 30 40 11 8 5509
Lagahelay 19 59 75 0 0 0 0 153
Bogsotay 14 0 25 0 9 2 0 50
Dhimash 1 0 0 0 0 0 0 1

Fiiri Gaara:
Sida muuqata xaalddaha gobalka Banadir waxaa kor u qaaday xaaladaha noogala soo gudbiyay gudaha Xalane (Aden cade International Airport) – UNSOS medical Facility oo soo gudbisay  in ay baaritaan u sameeyeen 443 qofood,waxayna  xaqiijiyeen 257   kamid ah dadkaas la baaray in laga helay cudurka, taaso noqonaysa in 58% xaladaha uu baaray UNSOS medical Facility  laga helay Covid19.

Dowlada Itoobiya oo Beenisay Duqeynta Magaalada Mekelle ee Gobolka Tigreega.

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Gudiga xaalada deg dega ee dowlada itoobiya u xilsaartay gobalka tigreega ayaa lagu sheegay in muuqaal ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafada caalamka oo muujinayay duqeyn ka dhacday Mekelle uu yahay war aan sax ahayn islamarkaana ku saleysan xog TPLF bixisay iyadoo aan laga xaqiijin ciidanka gaar ah ee xaalada deg dega .

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu beeniyay wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayay howlgalka.

Ciidanka difaaca qaranka itoobiya waxay qaadeen weerar howlgalo xaga cirka oo la hubo ka fuliyeen banaanka Mekelle iyadoo laga duulayo xog la helay oo ku saabsan bartimaameed cayiman oo TPLF muhiim u ah ayaa lagu yiri qoraalka

Howlgalka meel marinta sharciga ee ciidanka itoobiya tan markii uu bilowday waxaa ciidanku ka fogaanayeen magaalooyinka si looga dhowrsado qasaare shacabka soo gaara ayaa qoraalka lagu sheegay.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed “Way dhamaatay sedexdii maalin ee loo qabtay in ay isku soodhiibaan Ciidamada TPLF”.

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in sadax cisho oo loo qabtay in ciidanka TPLF ay isku dhiibaan ciidamada Qaranka ay maanta dhamaatay.

Fariin ka soo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha oo lagu gudbiyay luuqada tigreega ayaa ahayd in 72 saac ay isku dhiibaan ciidanka la qalday ee TPLF oo ay naftooda badbaadiyaan

Abiy ahmed ayaa sheegay saakay in inkastoo waqtigu ka dhacay hadana ay wali fursad heystaan dagaalyahanada TPLF in ay ciidanka isku dhiibaan

Ra’isulwasaaraha wuxuu tilmaamay in ciidanka dowladu ay qaadayaan talaabooyin kale oo sharciga lagu meel marinayo.

Warsiika Qorsheynta JFS oo Kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa barnaamijyada hay’adda UNFPA Somalia Mr Andres Thomson.

Kulanka oo ahaa mid kooban ayay labada dhinac ka hadleen xariirka wada shaqeynta, howlaha mashaaricda dalka ay ka wado Hay’adda UNFPA si ay u noqdaan kuwa mira-dhal ah.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan ayaa tusaalayay UNFPA In adeegyada dhabta ah ee ay Umadda u fidanayso In ay ku saleeyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo ay ku cad yahiin baahiyaha dhabta ah dalkeen.

Dalka Peru oo todobaad gudihiis magacaabay Madaxweynihii 3-aad.

0

Baarlamaanka dalka Peru ayaa madaxweyne cusub u doortay sharci-dejiye lagu magacaabo Francisco Sagasti  si loo helo xal siyaasadeed oo lagu dejiyo xiisadda cakiran ka dib markii muddo todobaad gudihii ay is-casileen laba madaxweyne.

Sagasti wuxuu noqon doonaa madaxweynihii saddexaad ee Peru todobaad gudihiis, kadib markii Manuel Merino oo shan maalmood ka hor loo dhaariyay xilkaasi uu is casilay Axadii.

Toddobaadkii hore madaxwayne Martin Vizcarra ayaa isna xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeya laaluush,

Xiisadda siyaasadeed ee dalka Peru ayaa u muuqataa mid qarka u saaran in la xalliyo iyadoo Koongarasku uu doortay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah oo talada sii haya illaa sanadka soo socda oo la dooranayo Madaxweyne kale.

 

Dowlada Itoobiya oo Duqeymo cirka ah ka fulisay Caasimada Tigray ee Waqooyiga Dalkaasi isla markaana diiday baaqyada dhexdhexaadinta.

0

Diyaaradaha dagaalka ee Dowlada Itoobiya ayaa duqeeyay magaalo madaxda gobolka Tigreega ee xasarada ka taagan, ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegay, iyadoo dowladda federaalka ay gaashaanka u daruurtay cadaadisyada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo khilaafka iyada iyo xoogag daacada u ah xisbiga maamulka gobolka Waqooyi ee Tigreega.

Ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa bambooyin ku tuuray magaalada Mekelle iyo hareeraheeda, sida laga soo xigtay afar ilo diblomaasiyadeed iyo milatari oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay Weeraradaasi iyadoo sidoo kalana aysan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dowlada Ethiopia.

Ann Encontre, oo ah wakiilka hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee Dalka Itoobiya, ayaa sheegtay in Shaqaalahooda jooga Magaalada Mekelle, maalintii Isniinta, ay soo wariyeen inay arkeen “duqeyn cirka ah, oo aan ka fogeyn Xaruntooda”.

Ra’iisul wasaare Abiy, Axmed ayaa ilaa hadda iska caabiyey cadaadiska lagu saarayo wadahadalo si loo soo afjaro qalalaasaha ka jiro Gobolka Waqooyi ee Dalkaasi Itoobiya taasoo laga cabsi qabo in xasillooni darro ka abuuri karto gobolka ballaadhan ee Geeska Afrika.

Madaxweyne Donald Trump oo qorsheynayey weeraro ka dhan ah dalka Iiraan.

0

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku fakaray in uu weeraro goobta ugu weyn ee nukliyeerka Iran isbuucii la soo dhaafay laakiin ugu dambeyntii wuxuu go’aansaday inuusan qaadin tallaabadan. ”Sidaasi waxa yiri sarkaal Mareykan ah.

Trump ayaa codsaday codsigan intii lagu guda jiray kulan uu khamiistii la yeeshay kaaliyeyaashiisa ugu sareeyay amniga qaranka, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, ku simaha xoghayaha cusub ee gaashaandhigga Christopher Miller, iyo General Mark Milley, gudoomiyaha taliyaasha wadajirka ah.

Sarkaalka ayaa xaqiijiyay mar uu la hadlaatey Wargeyska The New York Times, in la-taliyayaashu ay ka dhaadhiciyeen Trump inuusan ku dhaqaaqin wareer lagu qaadi Iiran sabab too ah ah halista isku dhac ballaaran.

Aqalka Cad ayaa diiday in uu ka bixiyo wax faalo ah Arintaan,Trump wuxuu waxuu qaatay afarti sano ee madaxweynenimadiisa inuu kujiro siyaasad gardarro ah oo ka dhan ah Iran, isaga oo ka baxay nukliyeerka Iran.

Dowlada jabuuti ka hadashay Colaada Dalka Itoobiya.

0

Dowlada Jabuuti ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee IGAD oo ka hadla colaada itoobiya. Jabuuti waxay sheegtay in ay si buuxda u taageersantahay midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee jamhuuriyada federaalka ee itoobiya.

War ka soo baxay Wasaarrada Arimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti ay si buuxda u taageereyso midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Itoobiya.

Sidoo kale War Saxaafadeedkan ayaa loogu baaqay in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatada is afgaran waaga ah ee dhaxtaalo labada dhinac waxaana ugu dambeyntii Dowlada Jabuuti ay muujisay in ay diyaar u tahay in ay Dadaalada Nabada iyo Xasiloonida ka qeyb ah u gali lahayd.

Halka Hoose Ka Eeg Warsaxaafadeedka.

 

 

(DAAWO) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Kormeeray Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi Dalka Kenya.

0
November, 2019:
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammeystiro dhismaha iyo dacaytirka Xarunta Safaaradda oo dib loo soo celiyey ku dhawaad 30 sano kaddib.
November, 2020:
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlgashay Xarun diblumaasiyadeed oo ka tarjumeysa dib u kabashada dalkeenna, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyey Xaruntii Safaaradda oo ka maqnayd gacanta Dowladda tan iyo sanadkii 1994-tii.

Halkan ka Daawo

(DAAWO) WARKA HABEEN EE ©SNTV // SHUCEYB MAXAMED // 16-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Warka Habeenimo.