Home Blog Page 744

Wasiirka Cadaaladda oo kulan afur ah u sameeyay Taliska ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Wasiirka Caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa saraakiil uu hogaaminayey Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan  iyo  kooxda Fanka ee Onkod Afur ugu sameeyey xarunta Wasaaradda

Kulankaan Afurka ayaa inta lagu guda jiray Wasiirka wxuxuu saraakiisha asluubta ka xogweraystay howlaha adage ee dalka iyo dadka u hayaan ciidanka asluubta, iyaga oo ugu waramay halka ay howshu marayso

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliyey la kulanka iyo afurka uu u sameyey saraakiisha uu ka mid yahay.

Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shaqo adag oo ah waajib Qaran ay ciidanka asluubta Soomaaliyeed u hayaan bulshada, isaga oo intaas raaciyey inay ciidanku mudanyihiin in lagu dhiiri geliyo shaqada ay hayaan.

Habeen ka hor ayey ahayd markii Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ay afur la yeesheen saraakiisha ku howlan Amniga magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jeddah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isagoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka, si uu u soo Cumreysto.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa magaalada Jeddah ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaraddda Soomaaliya ee Dalka Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Madaxda boqortooyada Sacuudiga.

7 Carruur ah oo ku dhimatay guri ku yaala Buula Xuubeey oo uu roob ugu soo galay xalay “SAWIRRO”

0

Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in 7 carruur ah ay ku geeriyoodeen guri ku yaala Degmada Wadajir kaddib markii ay biya ugu soo galeen guriga, kaasi oo ka dhashay roobkii xalay ka da’ayay magaalaga caasimadda ah ee Muqdisho.

7-da carruurta ah ee guriga ku geeriyootay ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen isku hooyo, labo waa ay wada dhasheen halka labada kale ay ahaayee ka mid ahaayeen qaraabada reerka musiibada ku habsatay sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Sadiiq Aadan Cali.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in qoyska ay mar dhaw dageen guriga biyaha ugu soo galay, kuwaasi oo kolkii hore biyo darteed uga soo barakacay xaafado kale oo ku yaala magaalada Muqdisho, balse ugu dambeyn gurigii ay maciin bideen ayaa waxaa ku qabsatay musiibo kale.

 

Dowladda Hoose ee Xamar oo shaqo ka qabatay dib u furidda isgoyska Miranaayo “SAWIRRO”

0

Iyada oo la fulinayo amarka Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa Waaxda Howlaha Guud ee Dowladda Hoose ee Xamar waxaay shaqa ka qabteen isgoyska Miranaayo oo malhaan u xirnaa.

Howlwadeennada Waaxda Howlaha Guud ayaa gebi ahaanba ka qaaday carradii la dhigay bariga magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Miranaayo, waxaana dib loo furay dhamaan waddooyinka magaalada.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u amba baxay Dalka Boqortooyada Sacuudiga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya si uu ugu soo cimreysto maalmaha yar ee ka dhiman bishan barakeysan ee Ramadaan, dalka iyo Soomaaliyeedna uu ugu soo duceeyo.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa sii sagootiyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nur (Jaamac)

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa sii wadi doono isku dubbaridka iyo diyaarinta shirka lagu ballansanahay yahay 20ka bishan May inuu ka furmo Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya. Marxuumka oo xilal kala duwan soo qabtay ayaa noqday Ra’iisal Wasaare Ku-xigeen, Wasiir, Danjire iyo xilligan oo uu ahaa xildhibaan aad looga qadariyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna door ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo xilal muhiim ah ka soo qabtay Xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka soo maray.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdullaahi Sh. Ismaaciil

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ahaa Mudanayaasha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay Barta Twitter ka Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qornaa Sidaan “Waxaan Qoyskii uu ka baxay, Asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ahaa Xildhibaan Qaran, Ex RW ku-xigeen iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dalka. Jannadii Firdows Allaha geeyo Ehelka iyo Ummaddana samir Allaha ka siiyo”

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay Geerida Allaha u naxriistee Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

0

‎إنا لله وإنا إليه راجعون

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddooomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey  ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

“INNAA Lillaah WA INNAA ILLEEHI Raajicuun, rabbi ha u naxriisto Xildhibaaan Marxuum Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsanaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed muddadii uu ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uu ahaa nabadoon kaalin weyn kasoo qaatay dib u heshiisiinta iyo Dowlad dhisida Dalka, Wuxuu ahaa shaqsi ay qaranimada wax walba kala weyntahay inta Badan wakhtigiisana ku bixiyay dhisida dowladnimada Soomaaliya rabi naxriistii jano haka waraabiyo dhamaan guddoonka iyo xildhibaanada Golaha Shacabka Oo aan afkooda ku hadlaayo,qoyskiisa,eheladiisa iyo Sidoo kale guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed samir iyo iimaan Illaahey haka siiyo” ayuu yiri Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxa uu ka tirsanaa sedaxdii Baarlamaan ugu dambeysay ee Dalka isagoo xubin ka ahaa Guddiga garsoorka ee Golaha Shacabka,waxaana uu maanta ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga 4aad ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 25aad ee wareegga Saddexaad ku tartamay Degmooyinka Wadajir Vs Yaaqshiid oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir Vs Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Wadajir

Tartameyaasha Degmada Wadajir Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Wadajir, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, waxa ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Wadajir, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 25aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 4aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee gobolka  Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 26aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Warta Nabadda iyo Beladweyne oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan.

Amiirka Qatar oo war ka soo saaray dib u soo noqoshada xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

0

Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweynayo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Amiirka ayaa sheegay in go’aankii lagu soo celiyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid geesinimo leh, isagoo labada dal u rajeeyey inay hadda kadib ka wadashaqeeyaan amniga iyo xasiloonidooda.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Mudane Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Kenyatta go’aanka xigmadda iyo geesinimada leh ee ay ku soo celiyeen xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan si dhab ah ugu rajeynaynaa labada dal ee deriska ah iyo dadkooda nabadgelyo iyo xasilooni, waxaan xaqiijinayaa in Qatar waligeed sii wadi doonto ku dadaalka wanaaga iyo nabadda” ayuu Amiir Tamim ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.