Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah (final) ee tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 27aad ee wareegga Afar dhamaadka ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Jilib ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Jilib

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, waxa ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Jilib, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jilib waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 27aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga kama dambeysta ah ee tartanka u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 28aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, waxaa ku tartami doona degmooyinka Beladweyne Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Banaadir, kadib markii Guddiga tartanka uu sheegay in gebi ahaanba la baabi’iyay natiijada tartakii dhex maray labada dambe, waxaana labada degmo tii soo baxda ay isla habeen dambe la tartami doonaan Yaaqshiid oo wareegga afar dhamaadka ku sugan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...