Halka ka Daawo Warka Habeenimo ee ©SNTV.
Hay’adda FAO ee QM u qaabisan Beeraha oo ka Digtay Ayaxa ku soo wajahab Gobolada Konfurta Soomaaliya.
Hay’adda QM u qaabilsan Cunada iyo beeraha ee FAO ayaa ka digeysa ayax lixaad leh oo ku wajahan Qeybo ka mid ah gobolada konfurta soomaaliya ee Beeraha hodanka ku ah.
Ayaxan ayaa waxaa la sheegay in Dabeyluhu saacidayaan islamarkaana ay qeyb ka yihiin duulaanka uu ugu jiheystay konfurta soomaaliya.
Galmudug iyo Puntland oo ah meelaha ugu daran ee Soomaaliya Ayaxu saameeyay ayaa waxaa hada isbiirsanayo is aruursanaya korankoradu ayaxa halkaasi kaga tagay taasoo Koonfurtu ku sii jeeda.
Hay’adda FAO waxaa ay sheegtay in xilligan oo ah xilli roobaadka Soomaaliya islamarkaana Dabeylo xoog leh ay jiraan ay Ayaxa qeyb weyn ay ka qaadanayaan ayna adagtahay in Ayaxa lala Dagaalamo.
Alphonse Owuor oo ah Sargaal ka tirsan Hay’ada FAO ayaa sheegay in la dagaalanka Ayaxa ay tahay caqabad aad u adag oo hada soomaaliya ka jirta waxaa uu sheegay in Wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo sidoo kale Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo kaa shanaya Hay’adda FAO ay wadaan dadaal xoogan leh oo lagu xakameynayo Ayaxa Soomaaliya.
Ayaxan ayaa FAO ka Digeysaa hadii uu gaaro konfurta Soomaaliya in uu waxyeelo u gaysan doono beeraha Soomaaliya islamarkaana adkaan doonto in Ayaxaasi la wiiqo ama laga adkaado.
Soomaaliya ayaa iminka la qayaasayaa in ilaa shan malyan oo qof ay u baahanyihiin cunto ay cunaan.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo tacsiyeeyay Geerida Ra’iisulwasaarihii hore Marxuun Cumar Carte Qaalib
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle u naxariiste Ra’iisal wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo toddobaadkan ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan oo lasoo gaarsiiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in in Madaxweynaha uu tacsi gaar ah u dirayo qoyska uu kaa baxay Marxuum Cumar Carte Khaalib oo ahaa shaqsi mug iyo Miisaan kulahaa Bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda isla markaana usoo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa Alle uga baryay in qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Samir iyo Iimaan uu ka siiyo , Marxuumkana Jannadii Firdowsa Aheyd Rabi ka waraabiyo.
(DAAWO) Shugri Calow oo u sharaxan guddoonka deegaan King County Gobolka Washington oo Minnesota lagu soo dhaweeyay+(MUUQAAL).
Shugri Calow oo u sharaxan guddoonka deegaan King County Gobolka Washington oo Minnesota lagu soo dhaweeyay,
Halkaan ka Daawo Muuqaalka.
Safiirka Itoobiya ee Dalka Sudaan oo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan Sudan taageeridda qaxootiga Itoobiyaanka ah.
Safiirka Itoobiya ee dalka Suudaan ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay kala shaqeynayaan sidii loo taageeri lahaa qaxootiga ka cararay Waqooyiga Itoobiya ee Suudaan gaaray.
Danjire Yibeltal Aemero wuxuu tilmaamay in Galbeedka gobalka Tigreega oo ay qaxootiga badankood ka yimaadeen hada la xureeyay oo gacanta ciidanka dowladda uu ku jira qaoxootigana si nabad ah ay ugu noqon karaan deegaannadii hore ee ay ka soo barakaceen.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin inay la wareegaan qoxootiga Itoobiyaanka ah ee Suudaan gaaray.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la diiwaan galiyay 35,000 qoxooti ah, kuwaas oo gaaray bariga dalka Suudaan .
Midowga Yurub ayaa shalay u qorsheeyay 4 malyuun oo Euro si loogu caawiyo qaxootiga Itoobiya ee Suudaan jooga.
Ethiopia oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay hub iyo banbaanooyin si sharci darro ah lagu heystay.
Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .
Baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ayey sheegeen in 113, isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa .
Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.
55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay.
Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .
Booliska ma sheegin dad ay soo qabteen oo arintan lala xiriirinayo inta ay ku guda jireen howlgalka qorsheysan ee hubka lagu soo helay
Xildhibaan Ubax Tahliil oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).
Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Oshaco ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo boqolaal ruux oo matalayya bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool Gaalkacyo.
Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta intii lagu guda jiray soo dhaweynta ayaa u mahadceliyay Xildhibaan Ubax Tahliil, isagoo xusay in ay aad ugu faraxsanyihiin socdaalkeeda ay ku timid magaalada Gaalkacyo.
Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Maamulka Dagmada Gaalkacyo iyo bulshada qeybahooda kala duwan soo dhaweynta ay u sameeyeen, iyadoo xustay in shacabka Gaalkacyo ay yihiin kuwa ay caddahay in rabitaankoodu shaqeynayo, maadaama ay doorteen Maamul iyaga ay rabaan.

Guddiga isutagga shirkadaha diyaaradaha oo war kasoo saaray canshuurta Garoonka Aadan Cade ee Muqdisho.
WAR SAXAFADEED
Haddaba Isutagga Shirkadaha Diyaaradaha Somaliyeed oo ah mid ay hoos yimadaan kuna midobeen tiro kor u dhaafeysa 70% dayuuradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka ee ka hawl-gala garoonka Aadan Cadde ayaa war-saxafdeedkan waxa ay ku caddeynayaan.
In aysan la wadagin mas’uliyiinta guddiga kor ku xusan arragtida iyo eedeymaha loo soo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadda Favori ee ka gashaya Garoonka Aadan Cade qodobada hoos ku xusan.
Isutaggu wuxuu halkan ku caddeynayaa in uruurinta lacagaha adeegyada iyo cashuuraha ay qabato shirkadda Favori yihiin kuwo waafaqsan sharciga kana mid ah qodobada heshiiska Favori iyo Xukuumadda Somaliyeed ayna xaqiiqada ka fog tahay in kuwaasi yihiin ku takrifal sida hadalka mas’uliyiinta guddigu u ekeysiyeen. .
Isutaggu wuxuu qirayaa in muddadii ka dambeysay hirgelinta heshiiska xukuumadda Somaliyeed iyo Shirkadda Favori hirgalay,la dareemay kor-u-kac muuqda oo ku yimid Dhaqaalah ka soo xerooda garoonka Aadan Cade.
Isutaggu wuxuu qirayaa in iyadoo ay jiraan xaalado adag oo uu keenay cudurka COVID19 haddana ay muuqdaan hawlo baaxad weyn leh sida buuxinta qeybta badda, gaar ahaan ballarinta garoonka.
Ugu dambeyn, Isutaggu wuxuu qirayaa in ay jiri karaan dhaliilo iyo hawlo sixitaan u baahan, taasna loo baahan yahay in goobaha munaasabka ah looga wada
Gudddomiyaha Isutagga Shirkadaha Diyuuradaha Somaliyeed Maxamed Diini.
Dalka Mareykanka oo Musharixiinta Soomaalida ee u taagan golayaasha deegaanka ku soo kordhayaan.
Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in ay kordhayaan aqoonyahanada Soomaalida ee isu taagaya jagooyinka siyaasadeed ee loogu tartamayo deegaanada dalkaasi Mareykanka.
Shugri Coloow oo u sharaxan guddoonka deegaan King-County ee Gobolka Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka mid ah xubno hor leh oo doonaya in ay isu soo sharaxay deegaanno dhowr ah.
Gabadhaasi,ayaa haatan ku sugan Gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin dadka Somalida,iyadoo kulamo la qaadan doonta qeybaha bulshada kala duwan eek u nool halkaasi.
wariyaha war-baahinta qaranka ee dalka Mareykanka Abdixakim Abdi ismai ayaa soo sheegaya in dadka Soomaaliyeed ay guullo ka soo hooyeen tartamadii doorashooyinka ee loo galay golayaasha deegaanka iyo Aqalka Wakiilada ee dalka Mareykanka.
Wasiirka Shaqada JFS oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka Degmada Galdogob+(SAWIRRO).
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo socdaal shaqo ku jooga degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka.
Kulanka oo ka qabsoomay hoyga uu Galdogob ka degganyahay wasiirka , ayaa aad loogu dheeraaday arrimaha nabadeynta,horumarinta deegaanka iyo xoojinta shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Bandiiradley iyo Galdogob,iyadoo odayaasha dhaqanka ay codsadeen si loo gaaro dhaqan-gelinta qodobbadii lagu heshiiyay inay muhiim tahay waji saddexaad ee shirkaa.
Odayaasha Dhaqanka ayaa Wasiirka uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid degmada Galdogob,wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo Horumarinta Bulshada, iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulanka uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka uga warbixiyay qorshaha socdaalka uu ku yimid degmada Galdogob iyo guud ahaan deegaannada Puntland , ayaa u sheegay inuu dadaal gelin doono dhaqangelinta dib u heshiisiinta bulshada , horumarinta iyo wax ka qabashada baahiyaha jira.
Wasiir Duraan, ayaa ku boggaadiyay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka hannaanka wanaagsan ee xasillinta iyo horumarinta deegaanka, ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda midnimada,wadajirka iyo adkeynta ammaanka.
Kulanka uu Wasiirka la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka degmada Galdogob ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha degmada Galdogob, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno kale oo ka tirsan qeybaha bulshada.

