Soo labo kacleynta COvid 19 iyo Saameynta Waxbarasho ee Caruurta Qoysaska tabarta daran.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka SNTV.
Soo labo kacleynta COvid 19 iyo Saameynta Waxbarasho ee Caruurta Qoysaska tabarta daran.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka SNTV.
Tan iyo markii uu safmarkani ka bilowday Hindiya Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee dalkaasi ayaa kor u dhaaftay 9 milyan sida ay sheegeen waaxda tiri koobka maanta oo jimca ah.
Si kastaba ha noqotee kiisaska cusub ee maalinlaha ah ee Hindiya waxaa laga dareemayay hoos u dhac toddobaadyadii ugu dameeyay iyadoo hadda tirada guud ee kiisaska ay taagan tahay 0.6% tirada dadka Hindiya oo ah 1.3 bilyan.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa soo warisay 45,882 oo infekshan cusub ah iyo 584 dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ee Hindiya tan iyo markii uu faafay cudurka ayaa ka badan 132,000.
Hindiya ayaa kaalinta labaad kaga jirta dadka uu saameeyay cudurka covid-19 halka sedexaad ay ku jirto brazil iyo Maxsiko oo kalinta afaraad fadhisa.
Ciidanka Azerbaijan ayaa sheegay inay gudaha ugaleen degmada Aghdam, oo ah tii ugu horeysay seddexdii ay dib u celiso Armenia iyadoo qeyb ka ah heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka uu ka yahay Ruushka si loo joojiyo dagaalka ka socda gobolka Nagorno-Karabakh.
“Cutubyo ka tirsan Ciidanka Azerbaijan ayaa gudaha galay gobolka Aghdam 20, Noofambar oo maanta sida ay shaacisay wasaaradda difaaca Azerbaijan waana degmo ku dhowaad 30 sano ka arriminayeen kooxaha gooni u goosadka ee Armenia.
Iyadoo qeyb ka ah heshiiskii nabadeed ee usbuucii la soo dhaafay, Armenia waxay ogolaatay inay dib u celiso qaar ka mid ah 15 illaa 20 boqolkiiba dhulkii Nagorno-Karabakh ee ay qabsatay Azerbaijan dagaalladii ugu dambeeyay, oo ay ku jirto magaalada taariikhiga ah ee Shusha.
Armenia waxay sidoo kale ku wareejin doontaa degmada Kalbajar ee u dhaxaysa Nagorno-Karabakh iyo Armenia sido kale 25 bishaan iyo degmada Lachin ugu dambayn 1da bisha soo socota.
Is-weydaarsiga dhulku wuxuu markii hore ahaa inuu bilowdo Axadda, iyadoo Armenia ku nool degmada Kalbajar ay u carareen si wada-jir ah ka hor inta aan la gaarin xilliga rasmiga ah ee la wareegidda Azerbaijan.
Laakiin Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa dib u dhigay waqtigii loogu talagalay oo ah hal toddobaad isagoo tixgalinaya “bani’aadamnimada”.
Xiisadii u dhaxeysay wadamadii hore ee Midowgii Soofiyeeti ayaa gaartay meeshii ugu sareysay September 27, markii isku dhacyada Azerbaijan iyo ciidamada qowmiyada Armenia uu ka qarxay deegaanka Nagorno-Karabakh iyo deegaannada ku xeeran.
Nagorno-Karabakh waxay ku taal Azerbaijan laakiin waxaa sanado badan haystay qowmiyadaha Armenia.
Inta badan degmada Azerbaijan ee koonfur-galbeed ee Aghdam waxay ku jirtay gacanta kooxaha gooni u goosadka ah ee Armenia ilaa 1993. Dagaalkii Soofiyeeti ka hor, waxaa ku noolaa ilaa 130,000 qof – oo u badan qowmiyadaha Azerbaijan oo laga saaray guryahoodii.
Iskahorimaadkan oo socday muddo lix toddobaad ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1000 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo labada dhinacba ka tirsan.
10-kii Nofeembar, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo lagu joojinayo dagaalka isla markaana looga shaqeeyo sidii xal buuxa loo gaari lahaa.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa maalinimadii shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay kulan aqoon kororsi ah oo ay ka soo qeyb galeen xirfadlayaal caafimaad oo isugu jira Somaali iyo Turki.
Safiirka Turkiga oo ka hadlay xafladdi furitaankaoo ka dhacday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Erdigaan ex Digfeer,ayaa hambalyo u jeediyay qeybaha dhallinyarada caafimaadka ee ka qeygaalaya kulanaasi,wuxuuna kula dardaarmay in hibadooda aqoooneed ay ku dabaqaan adeegyada caafimaad ee ay u hayaan shacabka.
Intii ay munaasabaddu socotey, dhakhaatiirta da’da yar ee Soomaaliyeed waxay soo bandhigeen aqoonta ay u leeyihiin xirfadaha caafimaad iyo kaalinta ay ka qaadan karaan adeegyada lagama maarmanka u ah badbaadinta shacabka.
Turkiga waxa uu si weyn uga qeyb qaatay hagaajinta nidaamyada caafimaad ee Soomaaliya sida dib u dhiska isbitaalada, tababaridda ardayda caafimaadka iyo dhakhaatiirta Soomaaliyeed.
sanadkii 2015-kiiMadaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Soomaali-Turki (ex Digfeer).
Halkaan ka Daawo Warka Habeenimo ee SNTV.
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka 2021/2025, amniga iyo laba kaclaynta caabuqa Karoona.
Ugu horeyn, golaha wasiirrada ayaa waxey warbixinta amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican marayaan, lana dardargelin doono, iyadoo uu ka codsaday shacabka in ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga.
Golaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ka dhageystay warbixin la xiriirta Caabuqa Karoonaha, iyadoo sheegtay in xanuunku uu soo laba kacleeyay, isla markaana bulshada looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la iskula gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025, arrintan oo qayb muhiim ah ka ah Barnaamijka Xukuumadda.
