Dhageyso: Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugan Camaara kana war bixiyey howlgalkii maanta

Date:

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug oo maanta laga saaray argagixisada Al-Shabaab ayaa la hadlay Radio Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo daraawiishta Galmudug ayaa maanta gudaha u galay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga firxadeen argagixisadii Al-Shabaab ee dhuumaaleysiga ku joogtay Camaara.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa noo sheegay in deegaanka ay ka bilaabeen wacyi gelin ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana ay maanta fagaarayaasha Camaara kula hadleen bulshada ku nool magaaladaas, si looga dhaadhiciyo inay iska dhiciyaan cadawgaan baneystay dhiigooda iyo maalkooda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada gudaha u galay deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiiyay inay u suurta gashay inay la wareegaan guud ahaan magaalada Camaara, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysa jirtay argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay ka firxadeen magaalada Caraama, markii ay ka war heleen in lagu soo wajahan yahay.

Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug waxay ka mid tahay magaalooyinka faro ku tiriska ah ee Galmudug oo argagixisado ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed, balse maanta ayey ciidamada Qaranka u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu Cabdi Qeybdiid siiyey Radio Muqdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...