Home Blog Page 735

Ciidanka Itoobiya oo TPLF kala wareegay magaalo 116-KM u jirta caasimadda gobolka Tigreega ee Mekelle.

0

Sida uu sheegay golaha xaaladda deg degga ee Itoobiya u xilsaartay gobalka Tigreega, ciidanka dowladda ayaa la wareegay saakay magaalada Adigrat.

Nawaaxiga Adigrat waxaa ka socday dagaal illaa shalay galinkii danbe kadib markii ciidanka federaalka Itoobiya qabsadeen shalay magaalooyinka Axum iyo Adwa.

Adigrat waxay 116 km u jirtaa magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigreega.

Dagaalka muddada ku dhow 20-ka cisho ka socda waqooyiga Itoobiya ee u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo TPLF ayaa u muuqanaya mid dowladdu horumar ka sameyneyso.

Qeybo badan oo ka mid ah galbeedka,koonfurta iyo waqooyiga gobalka Tigreega ayaa galay gacanta ciidanka Itoobiya.

Xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

0

Munaasabadda xuska 46 sano guuradii kasoo wareegtay maalinta macalinka soomaaliyeed ee 21 Novembar ayaa maanta waxaa magaalada Gaalkacyo uga qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug, maamulka dagmada Gaalkacyo, macalimiinta wax ka dhiga qaar ka mida  dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee magaalada iyo waalidiin.

Munaasabadda oo ay soo agaasintay wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay macalin  Abshir Maxamed Cali oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Galmudug isagoo tilmaamay in ay u taaganyihiin kobcinta garaadka iyo aqoonta ardayda ku nool deegaannada Galmudug.

Ku xigeenka duqa dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ka mahad celiyay qabashada munaasabadda xuska maalinta macalinka soomaaliyeed, isagoo dhanka kalana xusay in dagmadu ay la shaqeyn doonto bahda waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khaliif ayaa sheegay in wasaaradda waxbarshada Galmudug ay xoogga saari doonto ka warheynta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla deegaannada Galmudug iyo maamuuska ay mudanyihiin.

Munaasabado lagu weyneynayo maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka November ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka,waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

(AKHRISO) Macallinka waa Musbaaxa Dunida-(Warbixin).

0

21-ka November waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanad guuradii 46aad maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta  oo Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii ayaa dowladdii Soomaaliya u astaysay 21ka November maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, iyadoo la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaa ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ), ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii bud-dhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhaxda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud Axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen waxbarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii Ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xorriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macallinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabbaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha ama macalimiinta Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkaysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macallinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada.Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

W/Q: Gobdoon. 

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle oo booqday Xeryaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa kula dardaarmay Sugida Amniga+(SAWIRRO).

0

Madaxweyne ku-xigenka Dowlad Goboleedka hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed)  oo uu wehliyo Gudomiye ku-xigenka 1aad ee Barlamanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday Xerada ciidanka guutada 5aad ee  xooga dalka Soomaliyeed ee lamagalaay.

Saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee Soomqaaliya oo ku sugnaa Xerada lamagalaay ee magaalada Beledweyne ayaa soo dhaweeyay Mas’uuliyinta iyadoo halkaasi warbixin ku aadan Amniga iyo u diyaar garowga Doorashada Xildhibaanada dalka oo la filayo in dhawaan lagu qabto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan Gaar ahaa magaalada Beledweyne laga siiyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabe Yuusuf Axmed Hagar iyo Gudoomiye Ku-xigeenta 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha iyo Ciidanka Xooga Dalka Sida ay xil isaga saareen Amniga Dalka iyagoo habeen iyo maalin u taagan Arrinkaasi waxayna ku wareejiyay Ciidanka 3 neef oo geel ah oo ciidanka loogu talagalay islamarkaana ah dhiiro galinta Ciidanka.

Ugu dambeyntii Mas’uulinyiintan ayaa si adag ula dardaarmay Saraakiisha iyo Ciidamada Xooga in ay balaariyaan sugida Amniga Gobolka Hiiraan xili lafilaayo in doorashada xubnaha xildhibanada Golaha shacanka qeyb ka mid ah lagu dooran doono Magaalada Beledweyne.

Maamulka iyo Ciidamada Amniga Galmudug oo ku guuleystay Xalinta Xiisado Colaadeed oo ka jirtay Xadka Gobolada Mudug iyo Galgaduud+(SAWIRRO).

0

Maamulka Galmudug Oo Kaashanaya Ciidamada Amniga Qaranka Gaar Ahaan Ciidamada Boliiska Iyo Kuwa Xoogga Dalka Ayaa Ku Guuleeystay Xalinta Xiiso Colaadeed Oo Maalmihii U Danbeeyay Ka Jirtay Deegaanada Baxdo Gaabo Iyo Wanakiir Oo Ku Yaala Xadka Kala Qeybiya Mudug Iyo Galguduud Kuwaas Oo Ka Dhashay Muran Ku Aadan Baraako Iyo Bacaha Biyaha Lagu Keydiyo.

Ciidamada Amaanka Iyo Masuuluiyiinta Maamulka Galmudug Ayaa Gabi Ahaanba Aasay Baraagihii Iyo Biyo Keydiyaashii Kale Ee Muranku Ka Jiray Qaar Ka Mida Odayaasha Deegaanadaasi Ayaana Ugu Horeyn Ka Mahad Celiyay Talaabooyinka Uu Qaaday Maamulka Galmudug.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali Ayaa Isna Dhankiisa Ka Hadlay Kaalinta Ciidanka Booliiska Federaalka Ee Ka Howl Gala Galkacyo Iyo Cadaado Ay Ka Geysteen Xalinta Xaaladaha Kasoo Cusboonaaday Deegaanadasi.

Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Bulshada Baarlaamnka Galmudug Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare Ayaa Isna Dhankiisa Ka Amaanay Dadaalka Ciidamda Amniga Qaranku Ay Uga Qeyb Qaateen Xalinta Xaaladaha Ka Jiray Deegaanada Baxdo Gaabo Iyo Wana Kiir.

 

Midowga Afrika oo Ergo u magacaabay xalinta colaada Itoobiya ka aloosan.

0

Madaxweynaha koonfur afrika Cyril Ramaphosa oo iminka ah hogaamiyaha ururka midowga afrika ayaa 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf, madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe,    Madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqda ugu horeysa ee ergadan ayaa ah in dhamaan dhinacyada ishaya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta qilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida  Itoobiya ayuu yiri Cyril Ramaphosa.

Arintan ayaa timi kadib markii madaxweynaha itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay madaxweyne Cyril Ramaphosa.

 

Finland ayaa galeysa xayiraad kadib markii ay kordheen kiisaska cudurka Coronavirus.

0

Magaalooyinka Helsinki, Espoo, Vantaa iyo hareerahooda oo kamid ah Dalka Finland ayaa la go’aamiyay xadaymo cusub laga bilaabo 23.11.2020 waxaana ay socon doonaantaa mudo saddex toddobaad ah, taasoo ay ujeedadeedu tahay sidii lagu joojin lahaa faafista feyruska corona.

Midka ugu weyn xadaymahaas cusub ee la soo rogay waa, in kulamada guud ee gudaha lagu qabanaayo ama la isugu imaanaayo aanay ka badnaan karin 20 qof. Taa macnaheedu waa in munaasabadaha isboortiga iyo xafladaha kale sida riwaayadaha, aan la qaban karin mudadaas saddexda toddobaad ah ee soo socota, iyadoo intaa kahorna ay howlwadeennada dowladdu arrinka qiimeyn ku sameyn doonaan.

Munsaabadaha gaarka ah ee dadku ay yeelanayaan sida xafladaha dhalashada, kuwa ardeyda, kuwa qoysaska iyo qaraabada sida aroosyada iyo xafladaha diimaha, 10 qof ka badan la isuguma imaan karo.

Dadka waaweyn waxaa khasab ku noqoneysa in ay joojiyaan hiwaayadihii ay aadi jireen, waayo howlaha isboortiga kala duwan ee lagu qabanaayay hoolalka gudaha ah waa la joojiyay. Tusaale ahaan dadka waaweyn ma aadi karaan saddexda toddobaad ee soo socoda hoolalka isboortiga ee magaalooyinka ee lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan. Wixii ka yar 20 sano jir way sii wadan karaan hiwaayadahooda.

Dugsiyada dhexe waxaa isniinta laga bilaabo loo soo jeedinayaa in ay qaataan af-shareerka.

Dugsiyada sare iyo macaahidda muddo dheer ayaa laga isticmaalayay af-shareerka, ardayda iskuulladaasna hadda inta badan waxaa ay waxbarashada ku qaadan doonaan guriga, iyadoo ardayda qaarkood mar la gelin doono waxbarashada dhanka internetka ee guriga, qaarna ay iskuulka ku qaadan doonaan.

Inta ugu badan xadaymaha cusub ee la soo rogay wax saameyn ah kuma yeelanayaan caruurta dhigata dugsiyada hoose. Carruurtaas dugsiyada hoose lagama rabo in ay af-shareerka qaataan, iskuulkana lagama xiraayo sidii dhacday gu’gii la soo dhaafay, ee caadi ayay u wadanayaan. Xafladdii xornimada dalka ee sannad walba loogu yeeri jiray ardayda fasalka afaraad ee iskuullada dalka, sannadkaan waxaa loo beddelay dhanka internetka, oo qaab firjiwaal ahaan ah ayay u dhici doontaa.

Goobaha guud ee la isugu yimaado, hoolalka dabaasha waxaa la xadeynayaa cadadka ama tirada inta qof ee imaan karta hoolka, khaanadaha dharka la gashadana kalabar waa la xiri doonaa. Maktabadahana waxaa la yarayn doonaa hoolalka wax lagu akhristo.

Xadaymahaan cusub waxaa loo qaatay, sababtoo ah cudurka safmarka ah ayaa caasimadda iyo hareeraheeda wuxuu galay heerkii saddexaad ee faafista. Wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada ayaa bishii sagaalaad waxaa ay go’aamisay in cudurkaan safmarka heerarkiisa loo qaybiyo saddex qeybood, kuwaaso kala ah heerka
asaasiga ah, heerka karaar qaadashada iyo heerka faafista.

Heerka faafista ayaa ah kan ugu daran, waxaana macnaheedu yahay in tirada csub ee faafista feyruska ay si xoog leh kor ugu socoto. Xadaymaha haatan la soo rogay oo soconaaya saddexda toddobaad ee soo socota, haddana waxaa lagu sii kordhin karaa saddex toddobaad oo kale, haddii faafsita feyrusku ay hoos u soo dhici weyso.
Nadifo Ali Shador
Helsinki – Finland

Ciidanka Itoobiya oo qabsaday labo magaalo oo muhiim ah, kuwaas oo ku yaala gobalka tigreega.

0

Gudiga xaalada deg dega ee dowlada itoobiya u magacoowday gobalka tigreega ayaa sheegay in ay ciidanka dowlada itoobiya la wareegeen magaalooyinka Axun iyo Adwa ee ismaaulka tigreega.

Gudigu waxay kaloo tilmaameen in ciidanku qabsadeen nawaaxiga deegaanka Adigrat.

War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga ayaa lagu tilmaamay in ciidanku ay guulo ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan TPLF .

Waxay sheegeen in TPLF difaac isku dayeen inta u dhaxeysa Axun iyo Adwa balse laga adkaaday .

Deegaanka Axun waxaa ilaa shalay ka soconayay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka itoobiya iyo TPLF.

Ciidanka dowlada ayaa shalay dagaal kula wareegay magaalada Shire .