Home Blog Page 734

Xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo Asteeyey maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxana maanta Xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed  ka soo qeyb-galay  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle {Jaabiri) ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Senataro, madax ka socotay Hay,adda Turkish Ma’rif, La taliyaasha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan Wasaaradda Waxbarashada, Hay’adaha ka shaqeeyo Waxbarashada, Daladaha Waxbarashada, Maamulayaal, Macallimiin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa ka hadlay mudnaanta gaarka ah oo ay leedahay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu macallinku yahay hoggaamiyaha xilliga adag iyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in macallinku yahay iftiinka bulshada, waxa uuna hambalyo u diray macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ugu weyn Dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyahiin Bulshada.

Warbixin ku saabsan saameynta caabuqa COVID-19 oo laga wareystay Wasiirka Caafimaadka+(SAWIRRO).

0

Guddiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan soo diyaarinta warbixin ku saabsan saameynta Caabuqa Saf-mareenka COVID-19 ayaa la kulmay xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Marwo Dr. Fawzia Abiikar Nuur.

Kulanka ayaa Wasaaradda looga xogwareystay su’aalana looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin saameynta Caabuqa COVID-19 ku reebay Dalka iyo qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Farxiya Muumin Cali.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadraalka Soomaalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabadda maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed, isagoo urajeeyay in sanadkaan kiisa kale ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Hambalyo ayaan u dirayaa macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan uga abaal haynaa barbaarinta wanaagsan. Macallimiintu waa furaha horumarka dalkeenna, waana kuwa soo saara jiilal ku hubeysan aqoon. Waxaa naga go’an   in ay helaan mudnaanta ay xaqa u leeyihiin”.

21-ka November sanad kasta maanta oo kale waxaa gayiga Soomaalida looga dabaal dagaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afganistaan.

0

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 31 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal ah saakay ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta Dalka Afgaanistaan.

Boolisku waxay sheegeen in weerarku dhacay waqtigii dadku ay shaqda aadayeen, taas oo ah xili mashquul badan.

Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow goobaha ay saafaradaha iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah ka dagan yihiin magaalada Kabul.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyada oo shirka deeq yaboohida Afgaanistaan uu labo cisho kaddib ka furmayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Afgaanistaan

(AKHRISO) FARRIINTA Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Maalinta Macalinka Soomaaliyeed.

0

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO EE MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee Qiimaha Badan,,

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaah Wabarakaatuhu,

Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan Bareyaasha Soomaaliyeed la qaybsanayaa xuska maalintan qiimaha badan.

Macallimiinta Soomaaliyeed waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed iyo sharafka dalka.

Bareyaasha Soomaaliyeed waxa ay door weyn ka soo qaateen dowladnimada, horumarinta bulshada, dib u soo nooleynta wax-barashada iyo xoojinta midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa bogaadin mudan dadaalkii joogtada ahaa ee Bareyaasha Soomaaliyeed ay ku bixyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqeysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahiyaha waxbarasho.

Dalkeennu maanta waxa uu ku tallaabsaday horumar weyn oo dhanka dib u habeynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada ah, iyada oo la hirgeliyey Manhaj Qaran oo mideysan, kana turjumaya baahiyaha garasho iyo aqooneed ee carruurta Soomaaliyeed.

Dowladdu waxa ay mudnaanta koowaad siisay tayeynta Macallimiinta Soomaaliyeed, kor u qaadidda tiradooda iyo mushaharkooda, iyada oo tirada macallimiinta Dugisyada Dowladda ay kor u dhaafayaan 16-kun oo macallin halka sanadkii 2017-kii ay ahaayeen 9 kun oo kaliya.

Dhammaan arrimahani waxa ay muujinayaan Qorshaheenna Qaran ee ku qotoma diyaarinta jiil aasaas u noqda Soomaaliya horumarsan oo la jaanqaadda dalalka kale ee Caalamka.

DHAMMAAD

Maayarka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug oo ka qeyb galay olale Nadaafadeed oo laga sameeyay Magaaladaasi+(SAWIRRO).

0

Olalayaan Nadaafadeed ee lagu soo celinayay Hanaanka iyo Bilicda Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Maayarka Degmada ,ku xigeenkiisa iyo shacaka xaafadaha Gaalkacyo

Guddoomiyaha Daladda Rajo Baashe Xasan ayaa sheegay in Nadaafada ay muhiim u tahay Deegaanka iyo bulshada waxuuna ku booriyay qeybaha bulshada in si wada jir ah looga wadda qeyb galo Ololahan nadaafada.

Maayarka Degmada Gaalkacyo Galmudug cabdiraxmaan sh Xasan ayaa tilmaamay in ay arrinkaani muhiim u yahay Degmada isagoona kaga mahad celiyay Bulshada doorkooda ay ka qaadanayaan waxuuna tilmaamay in si wada jir ah looga qada qeyb galo.

Maamulka Cusub ee Degmada ayaa sheegay inuu door muuqda siin doono Bilicda iyo faayo dhawrka Caafimaad ee Magaalada Gaalkacyo.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka+(SAWIRRO).

0

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay’adda Garsoorka Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegey in  ay ka go’an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku habboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisa leh maamulka Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahad celiyey cid kasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay’adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

Digniino laga soo saaray roob dabeylo wata oo ka da’a Puntland.

0

Maamulka gobolka Bari ayaa digniino kasoo saaray roobab wata dabeylo oo laga yaabo in 48-ka saac ee soo socda ay ka da’aan gobolkaas, sida ay sheegeen hay’adaha saadaasha hawada.

Digniinta ayaa ku socta xoolo dhaqatada,kaluumeysatada iyo dadka ku nool meelaha togaga iyo dooxooyinka ah, si ay uga fogaadaan dhibaatooyin ka dhalan kara roobab dabeylo wata oo ka da’a.

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Abwaan oo la hadlayay Warbaahinta qaranka ayaa ku adkeeyay bulshada ku nool gobolka Bari in ay si gaar ah u taxadaraan 48-da saac ee fooda inagu soo haysaa.

Sanadihii dambe waxaa qeybo kamid ah gobollada Puntland saameeyay isbeddelka cimillada adduunka,waxaana kusoo noqnoqday roobab sababa khasaare kala duwan.

Wasiirka Haweenka XFS oo daah-furtay qorshaha Qaran ee hirgelinta Axdiga haweenka Soomaaliyeed+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda aadanaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta daahfurtay qorshaha qaran ee hirgalinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 100 ergo oo ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim oo ka hadashay madasha ayaa sheegtay in ay ka go’antahay dhaqan gelinta axdiga oo ah mid ay haweenka Soomaaliyeed wakhti badan geliyeen soo saaristiisa.

Xoghaya Arrimaha Dibada Mareykanka oo Imaaraadka Carabta kala hadlaya ganacsiga hubka.

0

Xoghayaha arrimaha dibedda dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa lagu wadaa in uu la  kulmo amiirka dhaxalka leh ee Abu Dhabi ,si ay ugala hadlaan heshiis ganacsi oo xagga hubka ah oo la qorsheynayo inuu dhex maro Mareykanka iyo Isutagga Imaaraatka Carabta.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay doonayaan in hub gaaraya 23 bilyan oo doolar ay ka soo iibsadaan Mareykanka,waxaana nuucyada hubka ay doonayaan ka mid ah Diyaaradaha Droniska ee loo isticmaalo sahanka iyo kuwa qaada ama xambaara gantaalada.

Safarka Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka ee dhinaca Imaaraadka Carabta,waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xoojinta xiriirka cusub ee dhexmaray qaar ka mid ah waddamada Khaliijka iyo Israel.

Bayaan ay soo saartay toddobaadkan, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa lagu sheegtay in Pompeo uu la kulmi doono Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo inta badan loo tixgeliyo xukunka dhabta ah ee dalka, si ay uga wada hadlaan heshiiska Imaaraadka iyo Israel “iyo arrimo kale oo khuseeya labada dhinac oo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga iyo ka hortagga waxa lagu sheegay saameynta Iran.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa isku dayaya inuu hub qiimigiisu yahay $ 23bn laga iibiyo isutagga Imaaraatka Carabta,hasa yeeshee qaar ka mid ah Senetarada Aqalka Sare ayaa ka hor yimid arintaas.