Guddoomiyaha Waajid “13 Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaano hoos taga Waajid”

Date:

Waxaa sii kordhaya khasaraha Al-Shabaab loogu geystay howlgal ay ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay si wada jir ah uga fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Degmada Waajid Maxamed Macalin Yuusuf oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay korortay tirada maleeshiyada Al-Shabaab ee looga dilay howlgalkii maanta, kuwaasi oo tiradoodu gaartay ilaa iyo 13 maleeshiyo ah, ayna jiraan khaasare kale oo kooxda la gaarsiiyay.

“Tuulooyin hoostaga degmada Waajid oo maalmihii la soo dhaafay ay argagixisada ku dhibaateynayeen shacabka ayaa lagu guuleystay in goobta laga ceyriyo, loona geysto jab xoogan, waxaana laga dilay 13 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, qaarkood iyaga oo dhaawac ah oo ay ciidanka soo qaadeen ayay jidka ku dhinteen”. ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Maxamed Macalin Yuusuf ayaa xusay in howlgalka uu yimid kaddib markii ay soo badatay cabashada ay maamulka u soo gudbiyeen dadka deegaanka oo qaarkood ka soo barakacay tuulooyinka, isagoo intaa ku daray in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii dambe howlgallo ka waday qaar ka mid ah gobollada dalka, kaasi oo lagu ciribtirayo Nabad diidka Al-Shabaab, waxaana ay  ciidamada ka soo hooyeen howlgalladaas guulo wax ku ool ah, iyagoo ka qabsaday deegaanno badan oo ay kolkiisa hore dadka ku dhibaateyn jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...