Wafdigii RW Rooble ee safarka ku tegay Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisii ayaa galabta gabal dhicii dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa muddo seddax cisho ah booqasho ku joogay Kenya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Roobe ayaa intii uu joogay dalkaas Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliiyeed ee ku nool Kenya, siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo wakiillada Beesha Caalamka ee degan Nairobi.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa daarnaa soo celinta iyo wanaajinta xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo hadda guddi farsamo ay labada dal u xir saareen, si loo soo afjaro khilaafka, isla markaana shucuubta labada dal loogu abuuro xiriir dhan kasta ka dhisan iyo iskaashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...