Sawirro: Wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo WHO oo dhakhaatiir tababar ugu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb

Date:

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka mudo sadax maalmood ah Dhuusamareeb uga socday, 42 xirfadle caafimad oo ka kala yimid xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Galmudug, kuwaas qaatay aqoon kororsi la xiriira  daweynta, xakamaynta iyo ka hortagga cudurada faafa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Tababarkaas waxaa si wadajir ah qabtay wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo hey’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxaana maanta munaasabadii lagu soo xiray ka qayb galay madax ka kala socotay wasaaradda caafimaadka Galmudug iyo hey’adda WHO.

Dr. Maxamed Bishaar Shire Faarax oo ah madaxa dhakhaatiirta Galmudug ayaa ka waramey kaalinta kor u qaadida  aqoonta xirfadlayaasha caafimaadka ee ka howlgala Galmudug ay ka cayaari karaan badbaadada bulshada Soomaaliyeed, isagoo codsaday in la soo kordhiyo oo muhiimad gaar ah la siiyo tababarrada dhakhaatiirta Soomaaliyeed.

Dhankiisa Cabdixakiin Maxamed Diiriye Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo siyaasadda ee wasaaradda caafimadka Galmudug oo tababarka si rasmi ah u soo xiray ayaa ka dalbaday shaqaalaha in ay hirgaliyaan culuumta la siiyey oo ku timid baahi muuqatay oo dhanka xarumaha caafimaadka ka timid, taas oo ay muhiim tahay in deg deg looga soo kabto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay guulaha...

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Madasha Iskaashiga Geeska Afrika 

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige...

Wasiir Al-Cadaala: “Meydadka Khawaarijta ayaa daadsan Wargaadhi”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa...