Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo maamuusay ardaydii kaalimaha hore ka gashay imtixaankii dowladda

Date:

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan soo dhaweyn iyo dhiirigelin ah kula yeeshay ardaydii Galmudug ee kaalmaha 1-aad, 9-aad iyo 10-aad ka galay imtixaankii dusiyada sare ee dalka – sanad dugsiyeedkii 2020-2021.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen halgankoodii waxbarasho oo ay soo wadeen muddo dheer.

Madaxweynuhu wuxuu shahaado sharafeed gudoonsiiyey Cawaale Axmed Awcali oo ah ardaygii kaalinta 1-aad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee  dalka, Maxamed Cabdinaasir Saciid, iyo Maxaad Cabdirisaaq Maxamuud oo iyaguna galay kaalmaha 9-aad iyo 10-aad.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dowladda Galmudug ayaa wasaaradda waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ka geysteen sare u qaadida aqoonta iyo tayeynta waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...