Home Blog Page 725

Wasaaradda caafimaadka XFS oo soo gabo-gabeysay shir looga hadlayay qorshaha nafaqada ee 2021/2022.

0

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, qeybteeda mashruuca nafaqada ayaa soo gabogabeysay shir lagu lafa gurayay soo saarida qorshaha nafaqada ee sanadka 2021/2022, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo leysla gartay sidii sare loogu qaadi lahaa ka wadashaqeynta nafaqada iyo in iskaashi buuxa laga yeesho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada dalka.

Gabogabadii shirka ayaa billad sharaf ay ku muteysteen kaalinta ay ka qaateen qorshaha nafaqada iyo sahminta nafaqeeyayaalka yaryar (Micronutrient Survey-2019) wasaaradaha caafimaadka Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

Ra’iisul wasaare Rooble oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Baydhabo+(SAWIRRO).

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladda oo madaxweynaha Koofur galbeed mudane, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusayay waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax-dhigay Dhismaha Xaruunta ay yeelanayso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed+(SAWIRRO

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si wadajir ah u  dhagax-dhigay  Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed.

Dhismaha Xaruunta wasaaradd Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed  waxa iska kaashanaya  labada Wasaaradood  ee heer  federal iyo heer dowlad- goboleed waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta  Gobolladda si loo daadajiyo  shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.

Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u  dhagax-dhigay  Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed.

Dhismaha Xaruunta wasaaradd Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed  waxa iska kaashanaya  labada Wasaaradood  ee heer  federal iyo heer dowlad- goboleed waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta  Gobolladda si loo daadajiyo  shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.

(DAAWO) BARNAAMIJKA QURBA JOOG ©SNTV // 25.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Qurbo Joog SNTV.

Qaramada midoobe oo sheegtay in qaxootiga itoobiya ka yimi ee gaaraya Sudan ay kordheen.

0

Heyada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ee ka baxsanaya dagaalka waqooyiga itoobiya ay soo kordhayaan.

UNHCR waxay tilmaantay in iminka 40,000 ay kor u dhaafeen dadka qaxootiga ee gaaray bariga Sudan

Labadii cisho ee ugu danbeysay waxaa xadka Sudan gaaray 5,000 oo qof kuwaas oo caruur iyo haween u badan .

UNHCR waxay sheegtay in 300 oo caruur ah kuwaas oo aad u nafaqo daran hada la quudiyo islamarkaana la siiyo daryeel caafimaad.

Qaxootiga waxaa la siiyaa cuno bisil waxaana loo sameeyay goobo biyo ay ka cabaan iyo musqulo .

UNCHR waxay sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii dadka qaxootiga xuduuda looga dheereyn lahaa oo loo geyn lahaa gudaha Sudan.

Ilaa 8,000 oo qof ayaa hada la geeyay deegaanka Um Rakuba oo 70km gudaha Sudan ah.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA EE ©SNTV // 24.11.2020.

0

Halka ka Daawo Barnaamijka Falaqeynta SNTV.

Ogeysiis: jagooyin shaqo oo ka banaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

0

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee dowaldda Soomaaliyeed wuxuu xayeysiinayaa jagooyinkaan ee ka banaan Hay’adda Duulista Rayidka fadlan booqo web page

Tel: 0615499078  Hassan Mire Ama Tel: 0615516560 Ahmed Giirow

htt://ncsc.org.so/jobs

 

 

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed oo ka hadlay qorshaha uga degsan waxbarashada carruurta aan waxba heysan+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Xasan Waliid ayaa sheegay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mudane Maxamed Yuusuf Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mashaariicda uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xariga ka jaray ay qeyb ka ahayd iskuul loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta agoonta ah iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin inay geeyaan iskulaadka sida gaarka ah loo leeyahay.

“Koonfur Galbeed waxa ay ka koobantahay 18 degmo, saddex ka mid ah Nabadiidka Al-Shabaab ayaa heysta, laakiin dadkii deganaa ayaa u soo guuray degmooyinka dowladdu gacanta ku heyso, waxaana noo qorsheysan in dadka soo barakacay aan u diryaarino xarumo waxbarasho oo u gaar ah”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waalidiinta ku boooriyay inya dhiiri geliyaan waxbarashada carruurtooda oo ay siiyaan fursado ay wax ku bartaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybta lixdamaad iyo Dugsiga tababarka Ciidanka ee Baydhabo+(SAWIRRO).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka.

Mudane Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka warbixiyay socdaalka Madxaweynaha Hirshabeelle.

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegey in uu Beledweyne ku wajahanyahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo dhinaca kale sheegay in lala fariisanayo cid walba oo tabasho qabta, si looga gaaro xal waara.

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka socdaalka uu ku jooga Hiiraan ay tahay mid uu ugu gogol xaarayo socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo in dhamaadka todobaadka uu halkaasi gaaro, waxaana uu intaa ku daray in uu si horudhac ah kulamo ula qaatay qeybaha bulshada Hiiraan ku nool.

“Qofkasta oo cabaneysa waan la fadhiisaneynaa, waxay ka cabaneyso waan ka dhageysaneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan xalino tabashooyinka ay bulshada qabaan, si loo helo bulsho wax wada qabsata” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa tilmaamay inay qorsheynayaan sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana looga sifeyn lahaa deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan Hirshabeelle maleeshiyaadka Al-Shabaab.