Home Blog Page 725

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha  bulshada xilligan  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA, DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO G/ BANAADIR

0

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Ruushka oo xiray dad looga shakiyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso.

0

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa laamaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay inay xireen 19 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Waqooyiga Caucasus.

Hay’addaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen suunka loo adeegsado Qaraxyada iyo hubka darandooriga u dhaca oo ay gacanta ku hayeen tuhmanayaashan.

Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar ee sanadkii hore, maamulka ladagaallanka argagixisada ee Ruushka ay sheegeen in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan ciidammada amniga ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow xarunta dhexe ee Amniga ee koonfurta dalkaasi Ruushka.

Guddiga Qaran ee La dagaallanka Argagixisada ee ayaa ku warramay in qof aan la aqoonsan uu isku dayay inuu xoog ku galo goob ay xubno ka tirsan booliska ka wadeen baaritaanno amni.

Guddiga  ayaa tilmaamay in qofkaasi is qarxiyay, ka dib markii uu xoog ku galay goobtii uu baritaanka ka socday.

Qaraxan ay ku dhaawacmeen Ciidamada ayaa waxuu ka dhacay meel u dhow xafiiska sirdoonka  iyo Nabadsugida Ruushka ee Oshkekin.

Dalka Hindiya oo laga helay nooc cusub oo fayraska Corona ah.

0

Saraakiisha caafimaadka Hindiya ayaa ku dhawaaqay daah furka xaalado cusub oo fayraska corona  ah, kaasi oo markii ugu horreysay la sheegay in laga helay Koonfur Afrika iyo  Brazil.

In ka badan 150 qof ayaa waxaa horay ugu dhacay cudur kale oo la sheegay in uu ka soo ifbaxay Boqortooyada Ingiriiska.

Dad kabadan 100 qof oo uu haleelay xanuunkan cusub ayaa laga helay magaalada Bengaluru ee koonfurta Hindiya.

Xaalada kale ayaa sidoo kale laga diiwaan galiyay dhowr gobol oo ka tirsan Hindiya sida Maharashtra iyo magaalada Mumbai, ee caasimada dalkaas.

Hindiya oo ah dalka labaad ee ay ku noolyahiin dadka ugu tirade badan Dunida, ayaa diiwaan gelisay tiro cusub oo cudurkan ah, tirooyinkan cusub ee uu soo ritay xanuunkan ayaa la sheegayaa in ay ku sii fidayaan gudaha Hindiya.

Horaantii sanadkan ayaa lagu dhawaaqay  in hoos u dhac uu ku yimid  guud ahaan tirada  dadka uu ku dhacay  Corona Virus, laga soo bilaabo Sebtember 2020.

Khubarada caafimaadka Hindiya  ayaa sidoo kale xusay in gurmadka xanuunkan  uu hoos uga dhacay 90%, taasi oo keeni karto in markale uu xanuunkan dib usoo laba kacleeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada Masar oo warqadaha aqoonsiga ka guddoom Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

0

Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar  Saamix  Shukri.

Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna  u  gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo  sidokale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka  kadib ayuu safiirka Soomaaliya  ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doona  xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya  shacabka iyo madaxda  labada dal.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo sidokale Safiirka Safaaradda Soomaaliiya ee Masar.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal+(SAWIRRO).

0
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga labo geesoodka.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Qin Jian, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Kulankani oo uu goobjoog ka ahaa Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray horumarada la sameeyay, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinac kastaba leh, iyadoo sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada Dal.

Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-Saxaafadeed.

0

Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyaga oo garay heshiis la xiriira dhanka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiyada oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob, kuwaas oo kala ah.

1: Cabasho laga muujiyay Guddiga Doorashada ay dowladda Magacaawday.

2: Xal u helida guddiga dooraashada Somaliland.

3: Xaalada Gobolka Gedo.

4: Adkeynta Qoondada Haweenka.

5:Jadwalka Qabsoomida Doorashada.

Dhamaan shanta qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada si ay uga tashadaan, kadibna ay soo saaraan, iyaga oo wada jira inay isku raaceen qodobada ay soo saareen guddiyada.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ku baaqay in 18-02-2021 Madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday ee Dowlada Federalka,Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir shir deg deg ah ay isugu yimaadaan, in kastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkasi lagu qabanayo.

Haweenay Afrikaan ah oo markii ugu horeysay loo doortay Madaxa WTO.

0
Haweenayda lagu magacaabo Ngozi Okonjo-Iweala oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa noqoneysa haweenaydii ugu horeysay iyo waliba qofkii ugu horeeyey oo kasoo jeeda Afrika oo loo magacaabo madaxa Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) oo la aasaasay sanadkii 1995.
Drs.Ngozi ayaa horey usoo noqotay Wasiirka Maaliyadda ee dowlada Nigeria, iyadoo taageero buuxa ka heshay 164 wadan ee xubnaha ka ah ururkaasi.
Dowlada cusub ee Maraykanka ayaa codkooda ku taageeray murashaxada, halka xukuumadii hore ee Donald Trump diidaneyd in haweenaydan xilka loo magacaabo, Trump ayaaba ku hanjabay inuu Maraykanka la noqon doono xubinimada ururka WTO hadii xilkan loo magacaabo haweenaydan Afrika kasoo jeeda.
Xukuumadii Trump ayaa xilkan la dooneysay Murashax Yoo Myung-hee oo kasoo jeeda dalka Kuuriyada Koonfureed.
Haweenaydan oo ah 66 sano jir ayaa horey usoo qabatay Wasaaraddaha Maaliyada iyo Arrimaha Dibada ee dalka Nigeria, waxayna sidoo kale horey uga soo shaqeysay Bangiga Adduunka, iyadoo xilkan cusub heyn doontaa illaa sanadka 2025.

Wasaaradda Shaqada XFS oo hakisay xaadirinta Shaqaalaha Dowladda.

0
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo hakisay xaadirinta shaqaalaha dowladda .
warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa lagu sheegay in la hakiyay xaadirinta shaqaalaha dowladda si looga hortago faafitaanka covid-19 oo markale kasoo labo kacleeyay gudaha dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SHEEKH NUUR BAARUUD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.