Home Blog Page 724

Wasiirka C/fimaadka Oo Ka Warbixisay Halka Ay Mareyso Xaaladda COVID “SAWIRRO”

0

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 4 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, Hirshabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux.

48 kamid ah bukaannada cusub waa rag 21-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

In Ka Badan 90 Tuulo Oo Ku Baaba’ay Fatahaad Ka Dhacday Degmada Luuq

0

Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobalka Gedo  Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo ee uu maro Webiga Jubba uu ku fatahay isagoo khasaaro lixaad leh tuulooyinkaasi gaarsiiyay.

Mudane Towfiiq  oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dilaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadka, haatana ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka.

Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay la soo gaarto gargaar Bini’aadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba.

Booliiska Galmudug oo beeniyay in koox Al-Shabaab ah laga daayey saldhigga Dhuusa-mareeb

0

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Taliska Booliiska Galmudug ayaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Hadal Xalay ka soo yeeray Sarkaal Booliis ah oo ku saabsanaa in Saldhiga Booliiska Dhusamareb laga sii daayey Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ku howlanaa Tayeynta Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug iyo Talisyadoona waxaana is badal weyn uu ku yimid Hababka ay u howlgalaan
Taliyaha Ciidanka Booliiska Galmudug Gaashaanle Sare C/kariin Xuseen Macalin ayaa Warbaahinta u sheegay in hadaladaasi ay yihiin wax aan Sal iyo Raad Toona lahayn,isagoo xusay in Salkaal kaasi looga baahan yahay caddeyn Maadaana Warkani uu dhaawacayo Sumcada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliska Booliiska Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ku howlanaa Tayeynta Ciidamada Booliiska ah ee ka Howlgala Deegaanada Galmudug iyo Talisyadoona waxaana is badal weyn uu ku yimid Hababka ay u howlgalaan

R/wasaare Khayre oo guddoomiyey shir looga hadlay saameynta dhaqaale ee Covid-19

0

Muqdiaho:(SNTV)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Xali Khayre ayaa guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus,

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka.

R/wasaare Khayre ayaa guddiga kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo xakameeyo fidista Fayraska Corona.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirka socday lagu soo qaaday saameynta dhaqaale ee uu bulshada ku yeeshay Covid-19 iyo sida loo wajahayo, xilli dalka uu ku jiro xaalad adag.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.

Dadka uu haleeyay COVID19 waxuu gaaray 4-milyan iyo 270 kun oo dhimasha ah

0

Fayraska Corona wuxuu diley ugu yaraan 271,780 qof tan iyo markii ugu horreysay oo uu ka soo ifbaxay dalka Shiinaha bishii  December ee sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay wakaaladda wararka Faransiiska Jimcihii, sida ay xaqiijinayaan ilo rasmi ah tirada dadka dunida ee uu haleelay Corona Virus waxay gareen 4-milyan oo xaalad.

Jimcihii Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay dhimashada 1,635 qof oo uu sababay Corona 24 saac gudahood.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ka walaacsan wararka dhiilada ah ee ka soo kordhaya Corona Virus maaddaama xogta la helay ay muujineyso in wadanka uu lumiyay in kabadan 20 milyan oo shaqooyin ah tan iyo markii gudaha dalkaasi uu ka dilaacay xanuunkan.

Sidi xaalada degdega ah loo giyay Mareykanka heerka shaqo la’aanta ayaa kor u kacday 14.7%, waxaana la sadaalinayaa haddii ay sii socota xaaladaha uu abuuray xanuunkan in shaqo la’aanta ay gaari karto 25%  bilaha soo socda.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ku taliyay in la ilaaliyo dhamaan xuduudaha dalalka Yurub inta laga gaarayo 15 bisha June si loola dagaallamo cudurkan faafa ee Corona Virus.

Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Oo Sheegay In Uu Bilowday Barnaamijka Baxnaano

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todabaadka ee waraahin qaranka ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano uu bilaawday lixdii bishaan islamarkaana uu gaaray 17,666 qoys oo Soomaaliyeed ee Guud ahaan dalka oo lacagtooda loogu shubay teleefonadooda gacanta.

Marshuucaan waxaa ilaa iyo haatan laga fuliyay deegaano ka tirsan Maamulada Jubbaland,Koofur-galbeed iyo Galmudug.

Halka Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland ay dhawaan gaari doonaan maadaama ay socdaan qorshahii lagu gaarsiin lahaa ama loo xulan lahaa in dadkii loogu talagalay la gaarssiyo .

Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliland ay ka mid tahay goobaha la geyn doono hase ahaatee ay ka duwan tahay maamulada kala oo si gaar loo qiimeyn doono.

“Soomaaliland waa ka  mid tahay qorshaha in la gaarsiiyo Mashruuca Baxnaano hase ahaatee waa ka duwan tahay Maamul-goboleedyada kale ee dalka waxaana u qiimeyn doono si gaar ah “Sidaas ayuu yiri wasiirka Sadiiq Xirisi warfaa.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed waxaana ka taageeray Bankiga aduunka waxaan bishii setember iyo sanadkii tagay ee 2019 lasoo marsiiyay golaha wasiirada ee Xukumadda Federaalka Soomaliya waxaana loogu talagalay in lagu taageero dadka saboolka ah eek u nool guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay  18 bishii april Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Tartamayaasha Kaxda Oo U Soo Gudbay Wareegga 2-aad Ee Tartan Cilmiyeedka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa Afar iyo Tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Heliwaa Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Heliwaa, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka shan iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Garoowe Vs Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobolada Nugaal iyo Benaadir.

Barakacayaasha Daadadkii Ku Dhuftay Bacaadweyne Oo Dalbanaya Gargaar “Sawirro”

0

Weli xaalad adag oo la xariirta dhanka Nolasha ayaa ka taagan deegaanka Bacadweyne ee Koonfurta, taasoo saamayn ku yeelatay qeybaha bulshada, waxaana Faadumo Axmed Maxamuud iyo Nuuro Yuusuf Cabdi oo ka mid ah bulshada Bacaadweyne iminkana ku hoyanaya baadiyaha ayaa dalbanaya Gurmad deg deg ah.

Siiyaha Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saciid Siyaad ahna Wasiirka Ba’ada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay Bacaadweyne ka dhalan karto qatar caafimaad iyo mid nolaleed, taasoo u baahan in laga jawaabo

Deegaanka Bacaadweyne oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roob halkaas ka da’ay wali ma jiro wax gurmad ah oo gaaray.

Shixnaddii 2-aad Ee Agab C/fimaad Oo Shiinaha Ka Timid Muqdisho Soo Gaartay “Sawirro”

0

Soomaaliya waxa ay guddoontay shalay oo Khamiis ahayd (7 May) shixnaddii labaad oo ah kaalmo agab caafimaad oo ay ku deeqday Dowladda aanu saaxiibada nahay ee Jamh. Shacbiga Shiinaha si looga hortago xanuunka Koroona feyrus, iyadooo ka koobnayd maaskaro, galoofyo, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda-caafimaad iyo dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Deeqda caafimaad ee dowladda Shiinaha waxa ay ka qeyb tahay xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya, waxaana la filayaa in gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ay soo caga dhigtaan duulimaadyo kale oo sida kaalmooyin caafimaad oo muhiim ah oo ka kala imaanaya Dowladda iyo Hey’adda Jack Ma.

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxa ayna bogaadinaysaa hindisahani bani’aadannimo ee looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus, waxa ayna dadaal ballaaran ku bixinaysaa sidii agabkaasi caafimaad loo kala gaarsiin lahaa dhammaan gobollada si loogu adeego shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.

Hiiraan Oo Bilowday Caratuur Looga Hortago Fatahaadda Webiga “Sawirro”

0

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa bilaabay in ay caratuur ka sameyaan tuulooyinka hoosyimada Beledweyne si fatahaadda looga badbaadiyo shacabka tuulooyinka ku dhaqan, maadaama ay tabcan jireen dhulbeereedyo aad u waaweyn oo  nuucyada kala duwan oo dalagyada ka soo go’i jireen  tuulooyinka Bacaad  iyo Qooqaani aya ka mid ah goobaha laga bilaabay biya xireenada.

Maamulka iyo Guddiga arrimahan qaabilsan ayaa ku howlan sidii biyo xireenno loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu fatahaado ka geysto magaalada Beladweyne, waxaana jirta meelo uu hadda ka soo jabsaday biyaha Webiga, taasi oo sababtay in qaar ka mid ah dadka degan Beledweyne ay iminka bilaabeen inay guryahooda ka barakacaan.