Home Blog Page 726

Ciidamo badan oo ka tirsan TPLFoo isu dhiibay ciidanka dowladda Itoobiya

0

Golaha xaaladda deg dega dowladda Itoobiya u xilsaartay howlgalka ka socda Gobalka Tigreega ayaa sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan TPLF ay isa soodhiibeen.

War qoraal ah oo golaha ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankan oo ka faa’iidasanaya baaqii dowladda ee ahaa in ay isudhibaan 72-saac, ay isu soo dhiibeen ciidanka dowladda.

Gobalka Cafarta oo dhanka bari Tigreega xuduud kala leh ayaa la sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gaarka ah ee TPLF ay iska soo dhiibeen.

Dhinac Koonfureed waxaa gobalka Tigreega ka xiga Ismaamulka Amxaarada, waana meelaha ay ciidanka dowladda duulaankii ugu horeeyay ka soo qaadeen .

Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga dalka Eritrea waxaana sidoo kale duulaan ka soo qaado dhanka waqooyi ciidanka dowlada Itoobiya oo qabsaday magaalooyinka waqooyiga ku yaalo.

Dhinaca galbeed waxaa ka xiga dalka Suudaan halkaas oo dad badan oo colaadda ka cararaya ay u baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida oo gaaray Doolow+(SAWIRRO).

0

Sarakiil ka tirsan Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta garay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Sarakiisha maxkamadda waxa hogaminayay Guddomiyaha Maxkamadda Qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdule Aadan, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Maamulk Degmada, Saraakiil ka tirsan ciidamada iyo xubno kale.

Wafdiga ka socda Maxkamadda Darajada 1aad ee ciidamada Qalabka sida ayaa ujeedka socdaalkooda la xiriirtaa qaadidda dawaclo ku saabsan dilal dhawaan ka dhacay Degmoyin ka tirsan  Gobalka Gedo.

 0     

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid taliyhihii hore ee ciidamada Cirka Soomaaliya.

0

Ra’iisulwasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xussen Rooble ayaa tacsi udiray dhammaan dadka Soomaaliyeed geeridii ki timid taliyhihii hore ee ciidamada cirka Soomaaliya

Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Gen.Khaliif Ciise Mudan.

Marxuumku waxa uu ahaa muwaadin qiime badan oo qarankiisa ugu soo adeegay si daacad ah oo hagar la’aan ah. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ka waraabiyo annagana uu samir iyo iimaan naga siiyo.

Maamulka Punland oo ka tacsiyadeysay geeridii ku timid General khaliif Ciise Mudan.

0

ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan dowlad goboleedka punland iyo kan shacabka ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee gen. khaliif ciise mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka turkiga.

Alle ha u naxariistee khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka dowliga ah, waxa uu soo noqday taliyaha ciidamada cirka soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii puntland, waxa uu kasoo noqday puntland wasiirka wasaaradda amniga iyo ddr-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne ku-xigeenka puntland  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum gen. khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu alle swc uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo jannatul fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda soomaaliyeed iyo shacabka puntlandba.

Burbur Xoogan oo soo gaaray Magaalada Shire oo ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee Waqooyiga, islamarkaana Ciidamada Itoobiya iyo TPLF ku dhax dagaalameen.

0

Dejena hotel oo ku yaala bartamaha magaalada Shire ee gobalka tigreega dalka itoobiya wuxuu ka mid ahaa meelaha ay dagi jireen dadka dalxiiska u aada goobaha taariiqiga ee waqooyiga itoobiya.

Dhismaha hoteelka ayaa ku burburay dagaalkii ciidanka itoobiya iyo kuwa TPLF ku dhax maray magaalada.

Inkastoo xaalada magaalada degan tahay ayna si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya hadana waxaa ka muuqda raadadka colaada.

Magaaladan oo ay ku noolaayeen dad lagu qiyaasay 47,283 qof ayaa iminka ah cidla waxaana dadka badankood ay ka carareen ka hor inta aan dagaalku dhicin.

Dadka arimaha itoobiya ka faalooda ayaa sheegaya in ay waqti qaadan doonto kabashada burburka gaaray kaabayaasha dhaqaalaha ee waqooyiga itoobiya.

Meelaha burburay waxaa ku jira garoomada diyaaradaha iyo buundooyin muhiim ahaa.

Askari ka tirsan Ciidamada qalabka sida ayaa Muqdisso ku dilay dhowr qof oo ay ka mid ah tahay Hooyadii dhashay.

0

Xaafadda Cali Kamiin ee degmada Warta ee gobolka banaadir Xalay waxaa ka dhacay fal naxdin leh Askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo Nuuraay dhegojuun ayaa ku dilay lix qof oo dhammaan ah familkiisa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix kale oo isla familka kadib markii uu ku qarxiyay Bob gacmeed.

Dadka ku dhintay  waxaana ka mid ahaa hooyada  dhashay iyo wiil yar uu isag dhalay sidoo kale isaga laf ahaantiisa waxa uu ka mid yahay lixda ruux ee dhawaaca uu soo gaaray.

Maamulka degmada warta nabadda oo aan xiiiri la sameynay waxa ay inoo sheegeen in dhaawacyada la geeyay mid ka mid ah cisbitaalada magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo.

Sida la sheegay falkaan ayaa yimid kadib markii awiilka mid ah  familkiisa isku dayeen inuu ka qaado qori uu watay markii uu arkeen inuu  isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya taasina ay ka dhalatay inuu ku qarxiyo bab gacmeed uu ku hubeysnaa.

Arrintaan ayaa waxa ay fal amakaak iyo fajac ku noqotay dadka ku nool caasimada iyadoo muddooyinka ay dalka kusoo kordhayeen dhacdooyinka laga argagaxo gaar ahaan dadka ehelka ee isdilaya sida wiil iyo waalid ,nin iyo xaskiisa iyo falalkale oo ka m id ah dadka isxigta ah.

Tababar loo furay qaar ka mid ah howl-wadeenada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Xaaji Xuseen ayaa xarunta Wasaaradda ka daahfurtay tababar la xiriira Tayeenta shaqaalaha.

Tababarkan ayaa Waxaa ka qeybgalay  madax qeybedyada  iyo howlwadeennada waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka ah ee Somalia.

Ujeeddada tababarka ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda Shaqaalaha, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali uu daahfurka ka sheegay tababarka inuu noqon doono mid la joogteyn doono si loo helo shaqaale awood u leh howlaha ay u hayaan bulshada.

Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Soomaaliya Oo Geeriyooday.

0

Taliyihii hore ee ciidamada cirka soomaaliya dowladii militeriga Gen khaliif ciise Mudan ayaa ku geeriday wadanka turkiga oo uu mudo ku xanuusanaa.

Marxuumka ayaa soo noqday wasiirka amniga puntland xukuumadii Cabdiraxmaan Faroole sidoo kale waxa uu  kamid ahaa musharixiintii kula tartamay xilka madaxweynaha puntland doorashadii 2019 ee uu hada hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Hadii aan fiirino taariiqdiisa oo kooban

Wuxuu ku dhashay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland sanadkii 1954-tii,wuxuuna ku qaatay waxbarashadiisii hoose,dhexe isla magaaladda Boosaso,sidoo kale wuxuu dugsiga sare ka dhigtey Dugsiga Jamaal Cabdinaasir magaaladda Muqdisho ee  Gobolka Banaadir.

1974-tii wuxuu dhamaystey jaamacad ku taala dalka Ruushka,wuxuuna noqday duuliye sarre (Pilot) ka tirsan ciidamadii cirka Soomaaliya,ka dibna wuxuu noqday taliyihii u dambeeyay ee ciidamada cirka dowladdii uu hogaamin jirey Alle ha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre.

Sanadkii 1986-dii wuxuu ka qaatay jaamacad ku taala dalka Mareykanka shahaadada Master-ka gaar ahaan cilmiga, Master of Business MBA (leadership, Human resource and management.

Ugu dambeyn goordhaweyd ayuu ku geeriyooday wadanka Turkiga Allah ha naxariistee Generaal khaliif Ciise Mudan.

(DAAWO) WARKA KOOBAN.SNTV 24.11. 2020.

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA ©SNTV // SUGAAL // 23-11-2020.

0

Halkaan ka Daawo Barnaamijka Falanqeynta SNTV.