Suxufiyiinta ka howlgala Baydhabo oo loo furay tababar

Date:

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa tababar ku saabsan tabinta wararka doorashooyinka uga furay magaalada Baydhabo qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka howlgala Baydhabo

Ku dhawaad 30 Wariye oo ka howlgala Maamulka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta tababar uga furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doono muddo Seddax maalin ah, kaasi oo ku saabsan sida loo tabiyo wararka doorashooyinka iyo qoondada Haweenka.

Tababarkan waxaa iska kaashanaya Xafiiska hawlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ee (SOWEJA).

Furitaanka tababarka waxaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed,  Mudane Ilyaas Cali iyo Madaxa Xafiiska Kooxda Xiriirka Istaraatiijiyadda iyo Arrimaha Bulshada ee UNSOM Mudane Ari Gaitanis, kuwaasi oo carrabka ku adkeeyey faa’iidada tababarrada noocaan ah ay u leeyihiin Suxuyiinta Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay waxa ay aaminsantahay in weriyeyaal leh tayo iyo Xirfad ay muhiim u yihiin tabinta doorashada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...