Arday baratay farsamooyinka gacanta oo tababar loogu soo xiray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Date:

In ka nadan 92-arday oo dhameystay maadooyin kala duwan oo la xiriira Farsamada Gacanta ayaa maanta munaasabad lagu guddoonsiiyay agabkii ay ku shaqeysan lahaayeen loogu qabtey Magaalada Dhuusamareeb waxaana madasha dhiiri-galintooda ka qayb galay Wasiiro katirsan maamulka Dhuusamareeb iyo waaridiinta ardayda oo dhamaantood bogaadiyey howshan ay iska kaashadeen UNICEF iyo Hey’adda maxaliga ah ee Elman.

Fartuun Cabdisalaan oo madax u ah mashruuca waxbarida iyo qalabeynta ardaydan ayaa ka warantey howshan oo ay muddoba soo wadeen ayna ka af-laxeen dufcado dhowr ah.

Qaar ka mid ah waaridiinta ardayda la barey xirfadaha kala duwan ayaa dhankooda bogaadiyey shaqo abuurka ay helayaan ubadkooda.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ku amaaney hey’addaha mashruucan iska kaashadey ka gun gaarida arrintan ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan howsha oo ay qaataan dufcado kale.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa tilmaamay in sagootinta ardaydan xirfadaha la barey, isla markaana la guddoonsiiyay agabkii ay ku howlgali lahaayeen uu qayb ka yahay dadaalada dowladu ugu jirto shaqo abuurka dhallinyarada iyadoo kaah-shaneysa hey’addaha samafalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...