RW Rooble oo shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin Agaasime cusub-na u magacaabay NISA 

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilka Agaasimaha hey’adaas ugu magacaabay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe). 

Bashiir Goobe ayaa sidoo kale mar soo noqday Taliyaha NISA, sanadihii 2013 illaa 2014-kii, xilligaas oo dalka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ku cad war-saxaafadeedka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Fahad Yaasiin ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah uu xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub Bashiir Goobe.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa lagu cadeeyey in qoraalkii uu Agaasime Fahad ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil uu muujinayo inuu ka madax-adeegay amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda ugu soo gudbiyo muddo 48-saac gudahood ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...