Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Ololaha Wacyigelinta Bulshada ee xakamaynta iyo ka hortagga COVID-19 ka bilowday Qardho โ€œSAWIRROโ€

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa Olole wacyi-gelineed oo ku saabsan ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa COVID-19 ka bilawday degmada Qardho, kaas oo socon-doona mudo todobaadyo ah,waxaana diiradda lagu sarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada Qardho ee ka hortaga caabuqa Covid-19, kaas oo saamayntiisa ay sare u kacday guud ahaan Puntland bilihii la soo dhaafayna galaaftay nolosha dad badan.

Ololahaan waxaa fulinaya Wasaaradda caafimaadka Puntland oo gacan ka helaysa Hayโ€™adda badbaada catruurta ee Save the Children, waxaana qorshahu yahay mid lagu baraarujinayo si bulshada looga wacyigeliyo khatarta xanuunkaa uu leeyahay.

Bahda caafimaadka ayaa bilaabay wacyi-gelino ka kooban baahinta fariimo ka baxaya Telefishinada, idaacadaha iyo baraha bulshada, kuwaas oo dadka lagu barayo noocyada xanuunkaan, ahmiyadda qaadashadaa talaalka COVID-19 iyo sidoo kale booqasho lagu tagayo goobaha ay bulshada isugu timaado sidda iskuulada, suuqyada iyo xaafadahaba.

Barnaamijkaan waciyigelinta COVID-19 waxa shalay lagu tegay dugsigga sare Sheekh Cismaan Cumar Shabeel iyo iskuulka hoose/dhexe ee Xaaji Cismaan Xorgoble waxaana ugu horayn ardayda la hadlay agaasimaha cusbitaalka Guud ee Qardho Dr Jaamac Ildab iyo bahda caafimaadka ee ka shaqaynaya ololahaan wacyi-gelineed, iyaga oo la wadaaggay taariikhda xanuunkaan, Calaamadihiisa, saamayntiisa, sidda looga hortagi karo, muhiimada qaadashadda talaalka COVID-19, joogtaynta af-xirka (Facemask), fara-dhaqashada, joojinta salaanta gacan-qaadka iyo ilaalinta kala-durugsanaanta.

Maamulayaasha iskuulada iyo qaar ka mid ah bulshada ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka oo fulinaysa barnaamijkaan, waxayna balan-qaadeen in ay ka qayb-qaadan wacyi-gelinta bulshada, iyana ku dhaqmi doonaan fariimaha caafimaad ee la soo gaarsiiyay.

Kooxahan ayaa sidoo kale lug ku tagay xaafadaha magaalada, iyaga oo guri guri u gaaracay si dadka loo fahan-siiyo sidda ugu fudud ee xanuunka COVID-19 looga hortagi karo faafidiisa, loona xakamayn karo, waxana sidoo kale xoojinayeen ololaha wacyi-gelinta iyaga oo adeegsanaya cod-baahiye gawaari ku xiran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale