Guddiga doorshada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle oo soo saaray jadwal doorasho

Date:

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray jawdalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BFS ka soo gelaya HirShabeelle, taas oo la guda geli doono Khamiista berri ah, sida ku cad jadwalka.

Ugu horeyn guddiga ayaa jadwalkaan ku sheegay in Khamiista berri ah ee 9-ka bishan September illaa maalinka Sabtiga ah ee 11-ka bishaan ay socon doonto ‘qabashada araajida iyo diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare’ ee yaalla Jowhar.

Sidoo kale maalinka Axada ah ee 12-ka bishaan ayaa loo balansan yahay in musharaxiinta laga dhageysto hadal jeedintooda. Halka maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ay socon doonto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabeelle ku metelaya dowladda federaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...