Waa kuma Maxamed Xasan Akhund – madaxa xukuumadda cusub ee Taliban?

Date:

Hoggaamiyaha dowladda cusub ee kooxda Taliban ay soo dhistay Maxamed Xasan Akhund, waxuu muddo dheer madax u ahaa golaha ugu awooda badan ee hogaanka ama shuurada ‘Rahbari Shura’ ee Taliban, waxuuna ahaa wasiirkii arimaha dibadda ee ugu horeeyey xukuumaddii Taliban sanadkii 1990-kii.

Sababta uu Mullah Akhund awoodaan dheeriga ah ku helay ayaa ah inuu aad ugu dhawaa asaasihii ururka Taliban Mullah Mohammed Omar iyo in uu ka soo jeedo Kandahar oo ah magaaladii lagu aas-aasay kooxda Taliban.

Hoggaamiyahaan ayaa waxa uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobey, kaas oo lagu daray markii lagu eedeeyey in uu xiriir dhow la lahaa, sidoo kalena uu la taliye arimaha siyaasadda u ahaa hogaamiyihii hore ee Taliban Mullah Omar.

Akhund waxuu ka soo jeedaa qowmiyadda Pashtuga oo aad ugu awood badan dalka Afghanistan, waxuuna ku abtirsadaa ninkii dhidibada u taagay Afghanistan, Ahmed Shah Durrani oo isagu aas-aasay Afghanistanta, qarnigii 17-aad. Taas ayaana ka dhigeysa in uu awood ballaaran ku yeesho ururka dhexdiisa uuna noqdo mid ay aad u qadariyaan hohgaanka sarsare ee Taliban.

Dadka wax falanqeeya ayaa u arka Akhund oo lagu qiyaaso inuu kor u dhaafay da’aada lixdameeyada, nin siyaasadda aad ugu janjeera, marka loo barbar dhigo xagga diinta. Sidoo kale mudada uu madaxda u ahaa golaha hoggaanka waxay fursad u siineysaa in uu awood ku dhex yeesho ciidanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...