Home Blog Page 723

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Qaramada Midoobe oo ka wada hadlay dhaqaalaha Doorashooyinka

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb James Swan oo ku booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in kullankooda ay diiradda ku saareen arrimaha dhaqaalaha Doorashooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada Dowladda ee kobcinta Dakhliga gudaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane” Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha”

0

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galayay shir ay soo agaasintay wasaaradda beeraha & iyo arrimaha reer miyaga ee Dowladda Shiinaha, shirkaas ay kasoo qayb galeen wasiirada beeraha dalalka Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa kale.

Safiir Cawaale oo qudbad dheer oo muhiim ahayd ka jeediyay (THE INTERNATIONAL CONFERENCE ON FOOD LOSS AND WASTE) Shirka Caalamiga ee cunada qasaarta ayaa sheegay in Shiinahu yahay dal aad ugu hormaray dhanka Beeraha ayna Soomaaliya wax badan uga faa’ideyn karto.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo fogaan arag uga qayb galayay shirka wuxuu mahadnaqay Wasaaradda Beeraha ee Shiinaha qabsoomidda shirkan, isagoo khudbadiisa wuxuu ku sheegay “in dunida tobankii qofba mid uu nafaqo darro haysato, in ka badan saddex-meeloodna meel dadka adduunka aysan awoodi karin in ay helaan cunto caafimaad leh, sababtana ma aha cunto yari ee waa cunno qasaartay”.

Danjire Cawaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri: “Khasaaraha cuntada dalalka horumaraya waxay gaarayaan qiyaastii 680 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah, halka dalalka soo korayana waxaa ay garayaan 310 Bilyan oo dollar, lacagtan khasaartay haddii la badbaadiyo waxaa loo isticmaali kari lahaa in kor loogu qaado tayada dalalka soo korayo”.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sidoo kale xusay horumarka ay dowladda Shiinaha ka sameysay yareynta cuntada khasaarta isagoo soo hadal qaaday in Soomaaliya iyo Shiinaha hada ka hor iska kaashadeen dhanka beeraha sidii soomaaliya loogu abuuri lahaa bariiska dalkeena Soomaaliya.

Amb. Cawaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca beeraha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid soo jireen ah oo dhinacyo badan ah sida waxbarashada, ganacsiga, beeraha, hawada iyo kuwa kale.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland oo kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland

0

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa maanta oo Jimce ah kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaanada Buulo-guduud iyo Baarka.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cisman Dhummaal, Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdinaasir Seeraar Maax.

Socdaalkan ayaa ahaa mid lagu dhiirigalinayey ciidamada ku sugan deegaannadaasi si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada kale ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada Goobaha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab.

Wafdi ka socday Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo gaaray Dhuusamareeb “SAWIRRO”

0

Wafdigan oo isugu jira tababarayaal, garsoorayaal, macalimiin iyo madax ka socota xafiiska hormarinta Gobolada ee xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb oo ay u yimaadeen howlo la xiriira ka qayb galka daah furka tartanka sanadlaha ah ee horyaalka degmooyinka Galmudug, iyagoo mudada ay joogaan qayb ka qaadan doona tababaro la siinayo macalimiinta iyo Garsoorayaasha Galmudug.

Maxamad Nuur Maxamad guddoomiyaha ururka Ciyaaraha Dhuusamareeb oo ugu horeyn ka hadley madasha soo dhaweynta ayaa bogaadiyey kaalinta xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ku yeelanayo hormarinta Sportaska Galmudug.

Xasan Axmed Shirre, Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Galmudug oo wafdigan ka socda xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed
u sharaxay qaban qaabada ay sameeyeen kooxaha degmooyinka ee horyaalkan ka qaybgalaya ayaa amaanay go’aanka aqoon kordhinta ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ku gaarey in lagu taageero hormarada cayaaraha ee ka socda Galmudug.

Maxamad Cali Jabane, Kaaliyaha Xoghayaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo ugu dambayn ka mahad naqay soo dhaweynta loo sameeyay, ayaa faah faahiyay howlaha ay qaban doonaan muddada ay joogayaan Dhuusamareeb, sida bixinta tababaro is xigxiga iyo furitaanka horyaalka degmooyinka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb oo maanta lagu soo dhaweeyay wafdigan ayaa maalmaha soo aadan martigalin doonta ciyaaro xiiso badan oo dhex maraya degmooyinka Galmudug kuwaa oo noqonaya sanadkii 2-aad ee si rasmi ah loogu qabto horyaal xiiso badan.

Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha Dekedda Garacad oo meel gebogebo ah maraysa, isagoona mid mid u dul istaagay qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo. Bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda ee kala ah TTN iyo Wadaagsin, warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo masuuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, waxaa qayb ka ahaa kulanka weftiga Madaxweynaha, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Garacad.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Dalkaasi waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ka ganacsata dalkaas.

Muwaadinka ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal waxaana lagu hor toogtay goobtiisa ganacsi oo kutaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Kooxaha Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Xaafadda Belhar ee Magaalada Cape Town, iyada oo la filayo in Galabta la’aaso.

Ciidamada Booliska ee magalada cape town ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil iyo dhac loogu geystay Boqolaal Soomaali ganacsato ah.

Maamulada Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug oo shacabka ugu baaqay xoojinta iskaashiga amniga “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobalka Muduga ee Puntaland Cabdiladiif Muuse Nuur iyo guddoomiyaha Gobalka Muduga ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, ayaa Ciidanka Daraawiishta Galmudug, kuwa dowlad gobaleedka Puntaland iyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ku amaanay kaalinta wanaagsan ee ay Ka qaateen la dagaalanka kooxda Nabaddiidka Alshabab.

Dhanka kale Waxay bulshada ku booriyeen in aysan Ka daalin doorka fiican ee ay ka qaadanayaan halganka loogu jiro ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Maamulada  ayaa tilmaamay in ay haatan meel fiican marayaan olalaha la dagaalanka argagixisada oo ay sheegeen in loo baahan yahay in adkeysi loo muujiyo muddada yar ee ka hartay in lasoo afjaro kooxaha argagixisada ah.

MADAXWEYNAHA PUNTALAND OO DALACSIIYAY CIIDAMADII KA SHAQEEYAY NABADGELYADA GOBOLKA MUDUG “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Mas’uuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey  Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimi isbedel weyn oo dhinaca Amniga iyo Horumarka ah tan iyo markii Dowladdu ka fulisay howlgalo amniga lagu sugayo oo lagaga guuleystay argagixisadii dhibaatada ku haysay dadka Gobolka Mudug , guud ahaan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo  uu shalay  xilkaas u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu.

Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaariyay Wasiirka cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble  ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu  si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Marwada koobaad ee dalka oo kulan la qadatay qaar ka mid ah haweenka Musahariixan Golaha Shacabka “SAWIRRO”

0

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in wadajir loo xaqiijiyo qoondada Haweenka ee ka qeybgalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa ku boorrisay haweenka musharaxiinta ah in ay is garab istaagaan si ay u xaqiijiyaan matalaad shacab oo dhab ah, taas oo ahmiyad weyn u leh u adeegidda Qaranka, si aad hormuud ugu noqotaan isku duubni iyo wadajir bulsho.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin  hoggaan wanaag, nabad, waddaniyad iyo hal abuur, waxaanna tusaale wanaagsan u ah kaalinta ay ku leeyihiin samata-bixinta bulshada. Musharaxad kasta waxa ay mateshaa dhammaan Haweenka Soomaaliyeed, sidaas awgeed waa in aad hormuud u noqotaan ummadda”

Marwada Koowaad ee Dalka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin dib-u-dhiska, nabadda, xasilloonida, xoojinta dowladnimada, midnimada ummadda iyo horumarka dalka, iyada oo tilmaamtay doorkii ay ku lahaayeen halgankii gobanimada dalkeenna.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Aamina Saciid Cali iyo xubno ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka, waxa ayna uga mahadceliyeen Marwada Koowaad ee Dalka casuumadda ay u fidisay, iyaga oo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.