Home Blog Page 692

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta u ambabaxay dalka imaaradka carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zayid AlNahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bishii January ee sanadkan amray in la fasaxo lacagtan oo lagala hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018.

Madaxweyne Hassan sheikh iyo madaxweyne hore farmaajo oo markale kulmay.

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Madaxweynaha Xafiiska banneynaya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Hassan iyo madaxweyne hore farmaajo ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

SAWIRO:Madaxweynaha Maamulka KGS oo gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

0

Madaxweynaha  maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dib Safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wafdigaan waxaa  garoonka ku soodhaweeyey xildhibaano,wasiiro iyo masuuliyin kale oo katirsan maamulka KGS.

Ciidamada xooga dalka oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Matabaan .

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Argagaxisadda al Shabaabka ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

SAWIRO:Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey Dhowr sharci.

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Dhowr hindise sharciyeed.

Golaha wasiirada ayaa ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socdey xafiiska EUCAP ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Asluubta maamul goboleedka Puntland Sarreeye Guuto Bile Faarax Cali ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socdey xafiiska EUCAP ee Soomaaliya.

DHAGEYSO:Ciidamada Amniga Cabudwaaq oo gacanta ku dhigay Nin dil geystay.

Alle ha unaxaristee waxaa Xaafada waabari gaar ahaan laanta hawada oo ka tirsan Dagmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya xalay lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Bare Cali Maax.

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA QARAN GURMADKA ABAARAHA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaas oo Guddomiyaha kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaarahan soo noq-noqday.

DAAWO:Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahey dalka Sacuudi Caraabiya oo Dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweyne Hassan sheikh.

0
Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahey dalka Sacuudi Caraabiya ayaa Dhambaal Hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha 10_naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
FF Cali jaamac Kuus ayaa faah-faahinaayo warkaan.

Dowladda Ruushka oo sheegtay in ay isku soo dhibeen ciidamo badan oo ukraine katirsan.

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen illaa 959 askari oo u dhashay dalka Ukraine, ciidankaas oo ahaa kii ugu dambeeyey ee ku sugnaa aagagga difaaca ee magaalada dekedda ah ee Maripul.