Home Blog Page 692

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo xalinta Khilaafaadka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal ee Maamulka iyo Xalinta  Khilaafaadka.

R’iisul wasaare Rooble oo howl-geliyey guddiyada doorashooyinka heer Federaal ee maamulka iyo Xalinta Khilaafaadka ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay masuuliyaddan taariikhiga ah ee ay guddiyadan ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubnaha guddiyada kula dar daarmay inay si daacad ah ugu adeegaan bulshada isla markaana waajibaadka loo ekmday.

Xuska Maalinta Musqulaha Aduunka oo ku beegan 19 November ayaa Sanadkan Halku Dhig u ah “Nadaafad Waarta iyo Isbadalka Cimilada”.

0

Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinka musqulaha aduunka oo qaramada midoobe xusto sanad kasta 19 November.

Muhiimada maalinkan ayaa ah in dadka iyo dowladaha lagu baraarujiyo muhiimada nadaafada iyo sidii loo helo lahaa deegaan badqaba.

Sanadkan waxaa hal ku dhig looga dhigay nadaafad waarta iyo isbadalka cimilada

Qaramada midoobe waxay sheegtay in 40% dadka aduunka aanay heysan adeega faraxalka,saabuun iyo biyo ku filan oo guriga ugu jira .

297,000 oo ah caruur ka yar shan sano ayaa sanad kasta u dhinta sida ay qaramada midoobe sheegtay shuban iyo cudarada la xiriira nadaafad darada iyo in ay cabaan biyo aan nadiif ahayn oo wasaqeysan.

Dalkeena soomaaliya waxaa heyada UNICEF ay sheegtay in 900 oo caruur ah kuwaas oo ka yar shan sano ay u dhinteen shuban iyo cudurada ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn sadaxdii sano ee ugu danbeysay

(DAAWO) BARNAAMIJKA QALIN IYO QORAAL 19 11 2020.

0

Halkaan ka Daawo Barnaamijka Qalin iyo Qoraal.

Dowlada Masar oo muwaadiniinteeda kala baxday gobolka Tigreega ee Itoobiya.

0

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay kala soo baxday 9 qof oo ka mid ahaa muwaadiniinteeda kuna go’doonsanaa gobalka Tigreega ee ee ay ka socdaan dagaalada dalka Itoobiya,

Safaaradda Masar ee Itoobiya oo warbixin kaoo saartay arrintaan ayaa sheegtay in lagu guuleystay in muwaadiniin Masaari ah laga soo saaray magaalada Mekele ee xarunta u ah gobalka Tigreega.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dadaalka looga soosaray muwaadiniintaan halkaas uu qaatay muddoo laba isbuuc ah, iyadoo ay gacan wayn ka geystayn Qaramada Midoobe, Laanqeyrta Cas iyo dowladda Itoobiya.

Safaaradda ayaa ugu baaqday muwadiiniinta kale ee jooga gudaha Itoobiya inay muujiyaan degganaan, xiriirna la lahaadaan maamulka safaaradda si loo caawiyo.

Dalka Mareykanka: kororka Covid 19 oo sababay in la soo rogo xayiraado hor leh.

0

Gudoomiyaha Gobolka Minnesota Mudane Tim walz Ayaa caaway soo saaray amaro lagu xirayo goobbaha laga adeegto sida maqaaxiyaha,goobaha ciyaaraha & baararka.
Go’aanka Gudoomiayaha Gobolka yaa waxaa ka hadlay Somali badan oo isugu jirta siyaasiin,ganacsato & qaar ka mid ah shaqaalaha goobaha laga adeegto.

Tallaabadaan ayaa timid xilli tirade dadka Mareykanka ee u dhintay cudurka COVID-19 ay gaarayaan 250,000,sida uu ku soo waramay wakiilka war-baahinta qaranka ee dalka maraykanka Abdihakim Abdi Ismail,

Dhinaca kale,In ka badan rubuc milyan qof ayaa COVID-19 ugu geeriyootay Mareykanka, sida ay sheegtay jaamacadda Johns Hopkins University oo aruurisa xogaha safmarka coronavirus.

Mareykanka ayaa laga diiwaan geliyay 250,029 oo ruux oo dhimasho ah, waana dalka ugu dhimashada badan caalamka, waxaana xiga dalka Brazil cudurka corona ugu geeriyoodeen 166,699 oo ruux, India oo ku jirta kaalinta sadexaad ayaa dhimshada waxay maraysaa  130,993 oo ruux halka Mexico 99,026 qof u dhinteen safmarka coronavirus.

Arbacadii, madaxweynaha la doortay Joe Biden waxaa uu ka dhigay, “ Ma heysano waxyaabo badan  oo aan kaga hor tagno sida qalabka la isaga ilaaliyo tallaalka COVID-19.

Magaalada New York waxaa la xirey dugsiyada si loo xakameeyo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Mareykanka arbacadii, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1,000 qof oo dhimasho ah iyo 150,000 oo kiisas cusub ah.

Magaalada Hargeysa Qaban qaabada Aaska AUN Cumar Carte Qaalib ay Ka Socota.

0

Magaalada Hargeysa, saaka waxa ka socota qaban qaabada aaska Allah u naxariistee, Cumar Carte Qaalib, oo shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaaladaas oo uu ku xanuunsanayay.

Axmed Saciid Cige, oo kamid ah dadkii ay soo wada shaqeeyeen ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya ahaana rug caddaa dhanka diplomaasiyadda ah ayaa sheegay in saaka lagu aasi doono quruubaha Baqiic ee magaalada Hargeysa.

(DAAWO) BARNAAMIJKA ISLAAMKA IYO BULSHADA ©SNTV // 18-11-2020.

0

Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada oo Arrimo Muhiim ah looga hadlayo Halkaan ka Daawo.

(DAAWO) BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA MAANTA ©SNTV // 18-11-2020.

0

Barnaamijka Dhacdooyinka oo qodobo badan xambaarsan Halkaan ka Daawo.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA ©SNTV // 18-11-2020.

0

Barnaamijka Falaqeynta oo intiisa badan aan ku eegi doono Geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib AUN iyo Qodobo kale.

Halkaan ka Daawo.