SAWIRRO:Khasaaro badan oo ka dhashay Dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.

Date:

Waxaa xalay xilli danbe lagu guulaystay Daminta Dab xoogan oo xalay ka kacay Goobo ganacsi oo Ku yaal suuqa Banaadir ee degmada Hodon ee Gobolka Banadir .

Hanti  aad u farabadan ayaa Ku gubatay dabkii Xalay,Dad masaakiin ah oo tukaamo yaryar Suuqa kulahaa ayaa ku Qasaaraha ugu badan uu dabkaan u Geystay .
Suuqa ayaa aad  u gubtay,Dabkana wuxuu ka Dhashay korontada sida dad goob joogayaal ah Warbaahinta u sheegeen.
Waxaana dabkaan uu baabi’iyey dhamaan Goobihii uu kolkii hore ka bilowday.
Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo ugu dambeyn ku guuleystay inay xalay xilli dambe dabkaan demiyaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...