Home Blog Page 688

Feyras cusub oo shimbiraha laaya oo ka dilaacay dalka Senegal ee galbeedka Afrika

0

Dowlada Senegal ayaa sheegtay in dalkeeda uu ka dilaacay feyrus ah dureyaga shibiraha oo halis badan

Feyraskan oo lagu magacaabo Avian Influenza ayaa laaya shimbiraha oo digaaga ay ka mid yihiin sida ay sheegtay heyada caafimaadka xayawaanka ee OIE .

Gobalka Thies oo dhanka bari ka xiga magaalada caasumada Dakar ayaa cudurka laga helay.

Saraakiisha caafimaadka Senegal waxay sheegeen in uu cudurka dilay ku dhawaad 60,000 oo digaag

UK oo ogalaatay talaal cusub oo cudurka karoonaha kaas oo lagu farsameeyay dalka Mareykanka

0

Waaxda caafimaadka UK ayaa maanta oo jimco ah ansixisay talaalka cudurka karoona ee loo yaqaan Moderna

Talaalkan oo ah kii sadaxaad oo UK ogolaato ayaa waxaa lagu farsameeyay dalka Mareykanka waxaana la sheegay in 94% uu yahay mid wax tar leh .

UK waxay iminka dalbatay qiyaasta 17 malyuun oo daawadan ah.

UK ayaa horay u dhaqan galisay talaalka Pfizer, BioNTech ee lagu sameeyay dalka Jarmalka iyo midka AstraZeneca ee lagu farsameeyay jaamacada Oxford ee UK

Ku dhawaad afar boqol oo qoys kuwaas oo ku ceyrtoobay saameynta ayaxa ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo

0

Qoysaskaan oo xiligaan xaalad adag oo dhinaca nolashaa ay Heysato ayaa saaka waxaa qaar ka mida dadka deegaanku ay Bilaabeen in ay gurmadyo usameeyaan inkastoo gurmadyada ay Gaarsiiyeen aysan aheyn mid ku filan

Gudoomiye ku xigeenka dagmada galkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi oo isaga iyo Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ay booqdeen goob ay ku Sugnaayeen oo ku taal xaafada horumar ee Magaalada Galkacyo Ayaa ugu horeyn uga warbxiyay warbaahinta Qaranka gurmad Yada loo fidiyay saaka iyo xaaladood nolaleed isagoona xusay in Ay heysato xaalad adag oo dhinaca nolashaa loona baahan yahay In loo gurmado walaalaha kusoo barakacay galkacyo

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Ayaa Isna Dhankiisa Xusay In Laga Wada Qeyb Qaato U Gurmashada Qoysaska Ay Saameeynta Ku Yeelatay Nolashooda Xaalufinta Ayaxa

Qaarka Mida Xubnaha Qoysaska Soo Gaaray Magaalada Galkacyo Ayaa Iyaguna Ka Mahad Celiyay Gurmada Loo Sameeyay Iyo Booqashada Masuuliyinnta Gobalka Iyo Dagmada

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XIRITAANKA TARTANKA KUBADDA CAGTA EE DOWLAD GOBOLEEDYADA DALKA/SAWIRO

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna.

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taasna waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamada, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan Kooxihii ka soo qeyb galay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo qaaday Koobka iyo Xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda.

Xaalada magaalada Washington ayaa kacsan kadib markii taageera yaasha Donald Trump ay xoog ku galeen dhismaha Capitol

0

Taageero yaasha Donald Trump ayaa qabsaday oo galay dhismaha Capitol ee magaalada Washington halkaas oo uu ka socday kulan labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka ku ansixinayeen madaxweynaha la doortay ee Joe Biden .

Xildhibaanada ayaa laga saaray dhismaha kadib markii hoolka ay ku shirayeen ay galeen taageerayaasha Trump oo careysan islamarkaana qeylinaya

Ilhan Omar oo ka tirsan baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegtay in ay badqabto balse ay ka qalbi jabsantahay kana xun tahay waxa ka dhacay Capitol .

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo goobta joogay ayaa waxaa la cararay ciidanka gaarka ah sida saxaafada mareykanku ay sheegeyso.

Nancy Pelosi oo hogaamisa Congresska Mareykanka ayaa ka dalbatay Donald Trump in uu taageerayaashiisa u sheego in ay ka baxaan xarunta Capitol

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday dimuqraadiyada Mareykanka

Dad shacab ah oo duleedka magaalada Xudur uga geeriyooday walxo qarxa oo meel duur ah kula kacay

0

Sadax qof  oo shacab ah oo mid ka mid ah dumar tahay ayaa duleedka tuulada Gaabaneey oo hoos tagta degmada Xudur  ku geeriyoodey ka dib markii ay la kacday walxa qarxa oo meel duur ah ay ka soo qaadeen sida ay  xaqiijiyeen ehelada  dadka geeriyooday oo meesha ka dhawaa

Lama oga nooca walxaha qarxey mana aheyn wax iyaga loo dhigey, haseyeshee dadka tuulada waxay  sheegeen in gumac rasaas ay umaleeyeen hoobiye aan qarxin goobta qaraxa ka dhacay uu ooli jiray

Allaah unaxariistee Cumar Maxamed Cali iyo Maxamuud Abdi Maxamed oo ku geeriyooday goobta walxaha qarxa kula kaceen waxay ifka uga tageen shan iyo toban caruur ah iyo sadax  xaas, halka gabadha oo 17 jir aheyd dhaawac halis ah ka soo gaarey qaraxa ka dibna isbitaalka xuddur ugu geeriyootay.

Walxo qarxa oo bulshada aan aqoon ulaheyn ayaa inta badan lagu arkayaa tuulooyinka iyo deegaanada kale maadaama dagaalo ka socdaan cid dadka ka wacyigelisana aysan jirin.

Saraakiisha ciidamada Talyaaniga iyo spain ee jooga Soomaaliya oo qalab isboortis gudoonsiiyey ciyaartowda Gobolka Banaadir.

0

Saraakiisha Ciidamada Talyaaniga iyo spain ee ku sugan Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay qalab isboortis guddoonsiiyeen ciyaaryahanada xulka gobolka Banaadir ee dhawaan ku guuleystay.

Munaasabada qalabka lagu siinayey ciyaartowda goblka Banaadir oo ka dhacay Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, ayaa waxaa lagu dhiirigalinaayey ciyaaryahanada xulka Gobolka Banaadir ee ku guuleystay koobkii dowled goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qalabkan isboortis ee maanta guddoonsiiyey xiddigaha gobolka banaadir  ayaa isuga jira banooniyaal, funaanado iyo agab kale ee logu talagalay jimicsiga

Guddoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo wacyi galinta maamulka gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) goob joog ka ahayd munaasabada ayaa ka mahad Celisay Qalabkan Isboorti ee la guddoonsiiyey Ciyaartoyda Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Hirshabeelle shir gudoomiyay kulanka golaha xukuumadda+Sawirro.

0

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixino uga dhageystay Siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Dib u heshiisiinta iyo Amniga.

Wasaarada Amniga ayaa ka warbixisay Howlgalo Hay’addaha Amaanka ay ka sameeyeen Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Wasaarada ayaa sheegtay in howlgaladii laga sameeyay Caasimada Jowhar lagu soo qabqabtay Rag abaabulayay falal lidi ku ah amaanka Magaalada.

Wasaarada Dib u Heshiisiinta iyo Dib u Dejinta ayaa Madaxweynaha iyo Golaha wadaagtay macluumaad ay ka sameeysay Degmooyinka ay ka jiraan khilaadyada ee u baahan in laga sameeyo Dib u Heshiisiinta, Sidoo kale Wasaarada ayaa sheegtay inay tababar u sameeysay in kabadan 50 qof oo laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan oo lagu baray wacyigalinta bulshada iyo xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Xubnaha Golaha isagoo kula dardaarmay inay sii laba laabaan howlaha shaqo ee horyaala.

Sawirro: Sida loo burburiyay Idaacadda Alshabaab ee Al-Andolus.

0

Warar dheeraad ah oo laga heley duqeyn ciidanka kumandooska iyo kuwa Mareykanka ku beegsadeen xarunta Idaacadda ku hadashay afka argagaxisada Alshabaab ayaa muujineya khasaaraha loo geystay goobtaas la beegsaday.

Daawo Sawirradda Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeer ku tagay Xerada Balli-doogle.

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo oo uu ku dhiirigelinayo ciidanka Xoogga dalka ku tagey Balli-doogle oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku howl-galaan Ciidanka Kumaandooska Danab Guutada 16.
Raisul Wasaare Rooble ayaa waxaa socdaalka ku weheliyay Wasiirka Difaaca Mudane Xasan Xaaji ,Wasiirka Caafimaadka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage ,waxana uu Ra’isul Wasaaraha ku amaanay saraakiisha iyo ciidamada howsha qaran ee muhiimka ah ee ay dalka u hayaan ee ah difaaca dalka iyo la dagaalanka argagaxisada.
Ra’isul Wasaare Rooble oo hadlayay ayaa waxaa uu u yiri “Waxan idin kugu nimid inaan idin xogwareysano oo dhiirigelinayo dadaalkiina ku addan dagaalka aad kula jirtaan cadowga. Maadaama aan hiigsaneyno mustqabalka dhow in ciidamadeennu ay si buuxda ula wareegaan guud ahaan Amniga Qaranka.
Iyadoo shaqo aan ka shaqeynayno dhammeystirka hannaanka ciidanka iyo soo celinta xarumahooda, si aan u soo saarno ciidan u diyaarsan hab casri ah oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan agabka, xirfadaha iyo baahiyahooda ciidan”.