Taalibaan oo lagu eedeeyay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay ka saareyso saxaafadda Afghanistan
Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah, sida ay muujineyso walaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.
DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka jubbland oo sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.
Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.
DHAGEYSO:Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo sheegay inuu furmayo kabka miisaaniyada ay Soomaaliya siiyaan dowladDaha saaxiibka la ah oo mudo go’naa.
Wasiirka Maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Abdirahman ducaale Bayle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in uu furmayo kabka miisaaniyada ee dowladdaha saxiibka la ah Soomaaliya ay siiyaan dowladda oo in muddo ah go’naa kadib markii madaxweynaha cusub ee dalka Hassan sheikh Maxamuud uu kulamo la qaatay madaxda hay’adaha dhaqaalaha aduunka.
DAAWO:Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay madixii argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada magaalada Marka.
Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed gaar ahaan ururka 14 octobar ee guutada 14aad ee fadhiggoodu yahay magaalada marka ee gobalka shabeelaha hoose ayaa Howlgal ku soo qabtay horjooge ka tirsan Maleeshiyadka Al-shabaab.
Ciidamada Ruushka oo si buuxda ula wareegay Magaalada Mariupol ee wadanka Ukraine.
Madaxweyne Qoor-qoor oo dib ugu laabtay caasimada maamulka galmudug ee Dhuusamareeb.
Sabti – 21 May 2022 – Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, kadib todobaadyo shaqa ah oo uu ku joogay madaxweynuhu magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, duqa Caasimadda Dhuusamarreeb, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Dhusamareb.
Gudoomiye sheikh Aadan madoobe oo markale booqday madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo madaxweynaha JFS, ayaa waxay kulan gaar ah ku yeesheen hoyga uu deggan yahay madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirarkii u socday dowladda Federaalka iyo Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka oo la soo gabagabeeyay.
Muqdisho, May 21, 2022- Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirar iyo kullamo uu shir guddoominayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka u socday toddobaadkaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa maanta Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda la yeesheen Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB).
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN KU YEESHAY MADAXTOOYADA QARANKA.
Muqdisho, May 21, 2022; Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.
