Taalibaan oo lagu eedeeyay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay ka saareyso saxaafadda Afghanistan

Date:

Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah, sida ay muujineyso walaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

Warbaahinta Afghanistan ayaa Khamiistii sheegtay in wasaaradda farista wanaagga iyo reebista xumaha ee Taalibaan ay ku wargalisay in dumarka suxufiyiinta ah ay tahay in ay wejigooda qariyaan inta ay hawada ku jiraan.

 

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in tallaabadan ay tahay “amar diini ah” oo ay tahay in dhammaan haweenka, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, ay adeecaan.

 

“Inay qariyaan wajigooda waxay kaalmaysaa xishoodkooda iyo sharaftooda, waxay kaalmaysaa qiimaha qoyskooda, maaha wax lagu sheego khatar” ayuu yidhi Mujaahid.

 

Hase yeeshee gabdhaha suxufiyiinta ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda oo la hadlay VOA ayaa amarkan u arka mid caqabad horleh ku ah inay shaqeeyaan, waxaana dad badani u arka tallaabo dib u dhac ah oo ay sheegeen in ay adkaan doonto in la hadlo haddii wejigooda la daboolo.

 

“Aad baan uga walaacsanahay xannibaadaha cusub,” ayay tiri Lima Spesali, oo ah soo-jeediyaha Kabul 1TV. “Waxay noqotay arrin si cad isu soo tareysa in Taaliban ay xayiraado dheeraad ah kusoo rogayso haweenka suxufiyiinta ah.” ayay raacisay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...