Taalibaan oo lagu eedeeyay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay ka saareyso saxaafadda Afghanistan

Date:

Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah, sida ay muujineyso walaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

Warbaahinta Afghanistan ayaa Khamiistii sheegtay in wasaaradda farista wanaagga iyo reebista xumaha ee Taalibaan ay ku wargalisay in dumarka suxufiyiinta ah ay tahay in ay wejigooda qariyaan inta ay hawada ku jiraan.

 

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in tallaabadan ay tahay “amar diini ah” oo ay tahay in dhammaan haweenka, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, ay adeecaan.

 

“Inay qariyaan wajigooda waxay kaalmaysaa xishoodkooda iyo sharaftooda, waxay kaalmaysaa qiimaha qoyskooda, maaha wax lagu sheego khatar” ayuu yidhi Mujaahid.

 

Hase yeeshee gabdhaha suxufiyiinta ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda oo la hadlay VOA ayaa amarkan u arka mid caqabad horleh ku ah inay shaqeeyaan, waxaana dad badani u arka tallaabo dib u dhac ah oo ay sheegeen in ay adkaan doonto in la hadlo haddii wejigooda la daboolo.

 

“Aad baan uga walaacsanahay xannibaadaha cusub,” ayay tiri Lima Spesali, oo ah soo-jeediyaha Kabul 1TV. “Waxay noqotay arrin si cad isu soo tareysa in Taaliban ay xayiraado dheeraad ah kusoo rogayso haweenka suxufiyiinta ah.” ayay raacisay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh :Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali...

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...