DAAWO:Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku soo dhigay madixii argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada magaalada Marka.

Date:

Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed  gaar  ahaan ururka 14 octobar ee guutada 14aad ee  fadhiggoodu yahay magaalada marka ee gobalka shabeelaha hoose ayaa Howlgal ku soo qabtay horjooge ka tirsan Maleeshiyadka Al-shabaab.

Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminaayey taliyaha ururka 14 aad ee guutada 14aad October Gaashaanle Cabdiraxiin maxmed muunye ayaa sheegay in hawlgalkan lagu soo qabtay Madaxii miinistaha Nabadiidka kaas oo lagu magacabo Aweys Mayow Axmed oo Afgarashadiisu ay tahay Aweys eelaay.

 

Dhaqarqabe Aweys Eelay ayaa markii la soo Qabanayey ku hawlanaa sidii uu u Aasi lahaa miino taas oo ah nooca  dhulka lagu aaso.

 

Sidaan oo kale dhowr mar  ciidamada xooga dalka iyo kuwa koonfur galbeed waxa ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo ku Howlanaa wax yeeleynta bulshada Somaliyeed .

Daawo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...