Madaxweyne Qoor-qoor oo dib ugu laabtay caasimada maamulka galmudug ee Dhuusamareeb.

Date:

Sabti – 21 May 2022 – Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, kadib todobaadyo shaqa ah oo uu ku joogay madaxweynuhu magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, duqa Caasimadda Dhuusamarreeb, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, saraakiisha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Dhusamareb.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...