Home Blog Page 687

Booliska gobalka Bari ayaa sameeyay howgal amaanka lagu xaqiijinayo.

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska qaybta Booliiska Gobalka Bari ayaa lagu sheegay in Howlgal lagu xaqiijinayo amniga laga sameyay cawa gudaha magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalkan oo ay iska kaashanayeen ciidamada Policeka Gobalka Bari,PSF iyo PMPF waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud ujeedka Howl galkan ayaa lagu sheegay xaqiijinta amniga bosaso xili dhawaan lagu qabanayo dorashada xildhibaanada aqalka hoose ee DFS.

Howlgalkan amni inta uu socday waxay ciidamadu ku soo aruuriyeen hubka sida sharci darada loo wato ,waxaa sido kale lagu baarayay gawaarida iyadona laga fiiqayay bacaha madow ee lagu dhagsado baaburta.

Taliyaha Qeybta Gobalka Bari G/sare xuseen cali maxamuud ayaa shacabka uga mahadceliyay siday ciidamada ula shaqeynayaan amniga magaalada.

Wasiir Duraan Faarax: “Dalkeenna wuxuu is beddel ku gaari kara dib u heshiisiin iyo midnimo”

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug maanta kaga qeybgalay kulan soo dhaweyn ah oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha dhaqanka, wax-garadka iyo maamulka degmada Galdogob.

Kulankan oo qado ahaa ayaa lagu boggaadiyay dadaallada wasiirka ee ku aaddan nabadeynta ,dib u heshiisiin iyo horumarinta gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan qeybaha bulshada oo isugu jiray, aqoonyahanno,dhallinyaro iyo haween.

“Duraan saddex bilood ka hor wuxuu gobolka Mudug joogay muddo dheer isagoo waqtigaa u bixinayay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada gobolka, maanta oo uu wasiir soo noqday wuxuu inoo yimid isagoo sida barnaamijyo horumarineed oo bulshada nugul,beeralayda iyo dan’yarta taageeraya,waxaan qirayaa inuu yahay qof ay ka go’antahay is beddel ka dhaca gobolka, waxaan u sheegaya inay bulshada gobolka jecelyihiin oo ay garabkiisa joogsanayaan.” ayuu yiri Suldaan Maxamed Axmed Faarax.

Caaqil  Cali Ciise Cali, oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa  sheegay qodobbo dhowr ah oo uu ku ammaanay wasiirka inuu ka qabtay gobolka Mudug.

“Gobolkan iyo deegaankan wuxuu u baahanyahay qof sida Duraan Faarax oo kale ah kuma ammaaneyno balse isagoo oo aan xil heyn waxaan ogeyn sida uu dadaalka iyo mas’uuliyada isaga saarayay in laga gudbo marxaladihii kala duwanaa ee deegaankan ka dhacay, sida horumarinta waxbarashada,dhallinyarada iyo nabdeynta.” ayuu yiri Caaqil Cali Ciise.

Wasiir Duraan ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka,waxgaradka, qeybaha bulshada ivo maamulka degmada Galdogob maamuska ay ku soo dhaweeyeen , wuxuuna caddeeyay inuu diyaar u yahay howlihii uu gobolka ka hayay ee nabadeynta iyo horumarinta ay ugu horreysay inuu labo jibbaari doono.

“Maanta waxaan mas’uuliyad u qaadday bulshada Soomaaliyeed iyo dadka gobolka, waxaan mar walba diirrada saarayay in guud ahaan dalka uu ka dhaco is beddel horumarineed oo wax u tara dalka iyo qeybaha bulshada, taas ayaan hadda xoojin oo aan doonaya inan labo jibbaaro, waxaan dadaalka u bixinayay waxaan fahansanahay sida ay dalka iyo dadkeenna muhiim ugu tahay midnimada iyo wadajirka.” ayuu yiri wasiir.

Wuxuu soo hadal qaatay barnaamijyo horumarineed ee deegaanka dhowaan ka fulaya, wuxuuna kula dardaarmay odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka in la xoojiyo midnimada ,dib u heshiisiin iyo caddaaladda.

“Degmada Galdogob waxay dhowaan odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada heli doonaan dhisme u gaar ah , dhallinyarada iyaguna waxaan ugu bishaareynaya inuu meel wanaagsan noomarayo dadaalka dib loogu dhisayo dugsiga farsamada gacanta ee degmada, waxaa sidoo kale socda sidii bulshada deegaankan ay u heli lahaayeen garoon diyaaradeed oo baahidiisa ay ka jirto dhulkan.” ayuu raaciyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa toddobaadkan socdaal shaqo ku jooga deegaannada Puntland, wuxuuna kormeer ku tagey deegaanno miyi ah iyo tuullooyin ay ka socda labada mashruuc ee taageeraya qoysaska nugul iyo kuwa uu Ayaxu saameeyay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo dib u hagaajin ku samaynaya qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa maanta oo Sabti ah shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, waxaana loogaga hadlay dib u habaynta qaab dhismeedka maamul, si loo horumariyo howl-gudashada, lana wanaajiyo jawiga shaqada si ka qeyb qaadan karta hirgelinta howlaha si hufan, taabagelinaysana awoodaha iyo qaadashada go’aan habsami leh.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, ayaa sheegay in dib u hagaajinta qaab dhismeedka maamul ee Wasaaradda ay la jaanqaadeyso aragtida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble si loo gaaro ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee xakamaynaya, midaynaya, sidoo kalena is-waafajinaya howsha si loo horumariyo adeegyada qunsuliyadeed iyo waxqabadka shaqo, iyada oo loo marayo hay’ad dhisid hufnaan iyo waxtar leh.

Xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Jowhar+(SAWIRRO).

0

Munaasabadani, lagu weeyneynayay maalinta Macallimka Soomaaliyeed oo ku beegan 21ka November ayaa lagu qabtay caasimadda Hirshabeele,ee magaalada Jowhar, waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta ka tirsan Hirshabeelle,iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munasabadda lagu maamuusayo maalinta Macallimka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo,Agaasimay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Hirshabeelle.ugu horeyn waxaa goobta ka hadashay macallimiinti ka soo qaybgalay, qaybihii kala duwaanaa,ee bulshada,iyo ardaydii xafladda lagu casuumay, kuwaasi oo ka hadlay muhiimadda uu macallinka u leeyahay bulshada.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Hirshabeelle oo xafladda ka hadlay ayaa  halkaasi ka jeediyay khudbado ay ku dhiirigelinayaan Macalimiinta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle mudane Cabdullaahi Abuukar Xuseen ayaa munaasabadda 21-ka November awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan dardargelin ah la qaatay Hoggaanka Maamulka Gobolka Banaadir+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan lagu dardargelinayo howllaha ay bulshada Caasimadda u hayaan la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa Maamulka Gobolka Banaadir.

Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir in ay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda, gaar ahaan dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii xiliyadan ka da’ayay magaalada oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka iyo bilicda Caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga Caasimadda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo tilmaamay mudnaanta uu amnigu u leeyahay bulshada ayaa ku booriyey maamulka Gobolka in dib u habeyn lagu sameeyo leyrarka waddooyinka, si aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo Asteeyey maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxana maanta Xuska maalinta Macallinka Soomaaliyeed  ka soo qeyb-galay  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle {Jaabiri) ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Senataro, madax ka socotay Hay,adda Turkish Ma’rif, La taliyaasha Wasaaradda Waxbarashada, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan Wasaaradda Waxbarashada, Hay’adaha ka shaqeeyo Waxbarashada, Daladaha Waxbarashada, Maamulayaal, Macallimiin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa ka hadlay mudnaanta gaarka ah oo ay leedahay maalinta macallinka Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in uu macallinku yahay hoggaamiyaha xilliga adag iyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in macallinku yahay iftiinka bulshada, waxa uuna hambalyo u diray macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ugu weyn Dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasaxaa dugsiyada iyo dhammaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyahiin Bulshada.

Warbixin ku saabsan saameynta caabuqa COVID-19 oo laga wareystay Wasiirka Caafimaadka+(SAWIRRO).

0

Guddiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan soo diyaarinta warbixin ku saabsan saameynta Caabuqa Saf-mareenka COVID-19 ayaa la kulmay xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Marwo Dr. Fawzia Abiikar Nuur.

Kulanka ayaa Wasaaradda looga xogwareystay su’aalana looga weydiiyey arrimo ay ka mid yihiin saameynta Caabuqa COVID-19 ku reebay Dalka iyo qaabkii ay u maamushay ama ula falgashay Wasaaradda Caafimaadka.

Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Farxiya Muumin Cali.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fadraalka Soomaalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabadda maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed, isagoo urajeeyay in sanadkaan kiisa kale ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “Hambalyo ayaan u dirayaa macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Waxaan uga abaal haynaa barbaarinta wanaagsan. Macallimiintu waa furaha horumarka dalkeenna, waana kuwa soo saara jiilal ku hubeysan aqoon. Waxaa naga go’an   in ay helaan mudnaanta ay xaqa u leeyihiin”.

21-ka November sanad kasta maanta oo kale waxaa gayiga Soomaalida looga dabaal dagaa maalinta Macallinka Soomaaliyeed.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afganistaan.

0

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 31 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal ah saakay ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta Dalka Afgaanistaan.

Boolisku waxay sheegeen in weerarku dhacay waqtigii dadku ay shaqda aadayeen, taas oo ah xili mashquul badan.

Weerarka wuxuu ka dhacay meel u dhow goobaha ay saafaradaha iyo diblomaasiyiinta ajnabiga ah ka dagan yihiin magaalada Kabul.

Weerarkan ayaa imaanaya, iyada oo shirka deeq yaboohida Afgaanistaan uu labo cisho kaddib ka furmayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay sidii loo caawin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Afgaanistaan