DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka jubbland oo sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

Date:

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan oo wareeysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qorshe u hayaan dib u heshiisiinta bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka Gedo oo muddo qilaaf uu ka taagnaa iyaga maamulka Jubbaland.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbalandย  ayaa sheegay in dhawaan gaari donaan gobolka Gedo si arintaan dib u Heshiishiinta loo dardargaliyo ,waxaana uu Tilmaamay in arintaan xalinta qilaafka Gedo la kaashan donaan madaxweynaha cusub ee dalka Hassan sheikh Maxamuud.

 

Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa yimid iyadoo maalin ka hor uu Madaxweynaha Jubbaland tilmaamay in la fasaxay adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayirnaa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Codka Madaxweyne ku xigeenkaย  halkaan ka dhageyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...