Home Blog Page 686

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellada hoose oo maanta booqanaya Degmada Baraawe.

0

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagaya dagmada Baraawe oo ah  xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii guddoomiyaha Shabeellada hoose iyo wafdiga la socda waxay inata ay halkaasi joogaan kulammo la qaadan doonaan maamulka dagmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga dagmada.

Maamulka dagmada Baraawe oo uu ugu horeeyo Duqa Dagmada Cumar Sheekh Cabdi Shafaani ayaa waxaa ay wadaan qaban qaabada soo dhawaynta Wafdiga uu Hogaaminyo Guddomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii

16kii bishan November ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Max’ed  Lafta-gareen xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo horey xilkaan u soo qabtay.

Shirka Hoggaamiyeyaasha Wadamada G20 ayaa dib u taageeray helitaan caalamiga ah ee ‘loo siman yahay’ ee tallaalka COVID-19.

0

Hoggaamiyeyaasha 20-ka waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ballan-qaadaya Axadda maanta ah si loo hubiyo in si caddaalad ah loogu qaybiyo tallaallada COVID-19, dawooyinka iyo tijaabooyinka adduunka oo dhan, sida ku xusan war-murtiyeed qabyo ah oo ay soo saareen, si loogu  taageero waddamada saboolka ah ee la daalaa dhacaya ka-soo-kabashada cudurka faafa ee coronavirus.

Cudurka faafa ee ‘COVID-19’, ayaa dhaqaalaha adduunka ku tuuray hoos u dhac aad u qoto dheer sannadkan iyadoo loo baahanyahay dadaalo dheeri ah si loo xoojiyo dib-u-soo-kabashada dhaqaale ee 2021, Arrinta ayaana ahayd kuwa ugu sarreeya ee ajandaha Shirkan.

“Wax dadaal ah ugama hari doonno sidii aan u hubin lahayn helitaankooda iyo sinnaanta ay u heli karaan dadka oo dhan, iyadoo la raacayo ballanqaadyada xubnaha ee dhiirrigelinta hal-abuurnimada,Waxaan aqoonsannahay doorka tallaalkan ballaaran inuu yahay wanaag guud oo caalami ah” ayay hoggaamiyeyaasha G20 ku sheegeen dukumintiga qabyada ah oo ay soo saareen islamarkaana Nuqul ka mid ah ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dhibaatooyinka mataanaha ah ee aafada iyo soo-kabashada aan la hubin ee caalamiga ah ayaa hareeyay maalintii ugu horreysay ee shirkan oo laba maalmood socday kaasoo uu guddoominayay Dalka Sacuudi Carabiya, Islamarkaana ku wareejinaya madaxtinimada G20 Dalka Talyaaniga bisha soo socota.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa sheegay “Waxaan ku rajo weynahay horumarka laga sameeyay horumarinta tallaalka, qalabka daaweynta iyo qalabka baaritaanka ee COVID-19, laakiin waa inaan ka shaqeynaa abuurista xaaladaha helitaanka qalabkan oo la awoodi karo oo loo siman yahay dhammaan dadka Dunida oo dhan ayuu ku yiri khudbadiisii ​​furitaanka shirka.

“Waxaa waajib nagu ah inaan kor u qaadno caqabadda si wada jir ah inta lagu guda jiro shir madaxeedkan oo aan farriin adag oo rajo iyo kalsooni siinno dadkeenna annaga oo qaadaneyna siyaasado lagu yareynayo dhibaatadan,” ayuu u sheegay hoggaamiyeyaasha adduunka.

 

Ra’iisal wasaare Rooble oo maanta tagaya magaalada Baydhabo.

0

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur galbeed, halkaas oo ay haatanba ka socoto qabanqaabada wafdiga sare ee ku soo wajahan.

Ammaanka magaalada ayaa sare loo qaaday, waxaana ciidamada amnigu ay u sugayaan nabadgalyada magaalada iyo garoonka diyaaradaha si feejigan, waxaana sidoo kale bulshadu u diyaar garoobeen soo dhawaynta wafdiga Ra’iisal wasaaraha.

Socdaalka wafdiga Ra’iisal wasaare Rooble ayaa salka ku haya wadatashi uu halkaasi kula yeelanayo mas’uuliyiinta Koofur galbeed iyo bulshada gobolkaas, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dhammaystirka Dastuurka iyo xoojinta ammaanka deegaanada ay doorashadu ka dhacayso.

Waxaa sidoo kale Ra’iisal wasaaruhu uu dhagaysan doonaa baahiyaha dhinaca bulshada ah ee ka jira deegaanada Koofur galbeed, si hawlqabadka xukuumadda loogudaro inay baahiyahaasi ka jawaabto.

Waxaa sii kordhaya walwalka laga qabo badqabka qaxootiga Eritereya Xilli Colaad Itoobiya ay sii kordhayso.

0

Maaddaama dagaalku ka socdo gobolka Tigreega ee Itoobiya, Qaramada Midoobay waxay ku baaqeysaa in la furo waddooyin loo maro afar xero qaxooti oo ay dagan yihiin Qaxooti Eritrean ah, kuwaas oo ku dhowaad si buuxda ugu tiirsan gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

Ann Encontre oo ah wakiilka Hay’adda UNHCR ee Itoobiya ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaalada bina-aadamnimo ee ka sii daraysa ee Gobolka Tigrayga, taas oo ay ugu sii darrayso helitaan la’aanta iyo awood darrida ee ay hadda u leedahay in cunto iyo sahay loo geeyo dadka u baahan, oo gaaraya 100,000 oo Eritrean ah qaxootiga gobolka ”.

“In kastoo ay adag tahay in la qiimeeyo xaaladda dhulka ka jirta – haddana ma aanan awoodin inaan la hadalno Shaqaalaheena gar gaarka 48-dii saac ee lasoo dhaafay – waxaan ka baqdin qabnaa in dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan qoxootiga, ay xabadu  ka dhex-dhacdo” Ayay tiri.

“Waxaan ubaahanahay in si deg deg ah aan u helno wadooyin loo maro afarta xero qaxooti si aan awood ugu yeelano in gargaarka aan gaarsiino halkaasi,” ayay tiri.

Qaxootigan ayaa inta badan ku sugan Xadka Eriteriya si ay uga baxsadaan dagaalka milatari ee aan xadidneyn iyo cadaadis gaar ah, waxaana ay ku jiraan go’doon aad u balaaran oo dhianc walba leh.

(DAAWO) WARKA KOOBAN SNTV 22,11 2020.

0

Halkan ka Daawo Warka Kooban ee SNTV.

Munaasabad lagu weeyneynayay maalinta Macallimka Soomaaliyeed oo ku beegan 21ka November ayaa lagu qabtay magaalada xuddur ee Gobolka Bakool+(SAWIRRO).

0

Munaasabaddan oo lagu maamuusayey maalinta Macallimka Soomaaliyeed waxaa soo agaasimay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee koonfur galbeed waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobolka bakool iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn munaasabada waxaa ka hadlay oo taariikhda macalinka ku dheeraaday guddoonka waxbarashada degmada xuddur Aadan Axmed Maxamuud Qoosh oo sheegay in Kaalin weyn uu ku leeyahay macalinka Bulshada islamarkaana uu soo saaro Bulsho wax taqaan.

Maamulayaasha macallimiinta iyo qaybihii kala duwaanaa bulshada ee xafladda lagu casuumay ayaa ka hadlay qiimaha uu ugu fadhiyo Macalinka Umada Soomaaliyeed waxayna xuseen in mar kastaba macalin uu umada u horseedo Iftiin.

Sidoo kale marti sharaftii xafladda ka hadlay ayaa  halkaasi ka jeediyay khudbado ay ku dhiirigelinayaan Macalimiinta soomaaliyeed.

Isuduwaha Wasaarada Waxbarashada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee gobolka bakool Cabduqaadir Nuur Cadow iyo Guddoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada iyo Siyaasada Gobolka Bakool Yaxye Macalin ayaa munaasabadda 21-ka November awgeed hambalyo u diray Macallimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

(DAAWO) BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA MAANTA EE ©SNTV // 21-11-2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA ©SNTV // SUGAAL MACALIN // 21-11-2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Falanqeynta SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA MUUQAALKA BULSHADA ©SNTV // 21.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Muuqaalka Bulshada SNTV.

(DAAWO) BARNAAMIJKA XUSUUSTA KEYDKA ©SNTV // 21.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Xasuusta Keydka.