Home Blog Page 686

Ra’iisul wasaare Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qeyb galay tacsida madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka Carabta Allaha u naxariistee Sheikh Khalifa Bin Zayid.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble intii uu joogay Imaaraadka, waxa uu magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid oo uu uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore Sheikh Khalifa, sidoo kalena u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo mas’uuliyadda loo doortay ee hoggaaminta dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal tacsi, salaan iyo hambalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaagtay Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaartay dadka Soomaaliyeed ee abaarta ba’ani hayso.

SAWIRRO:Maamulka Dhuusamareeb iyo bulshada magaaladaas oo deeq xoolo ah gaarsiiyey ciidamada qalabka sida.

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada reer Dhuusamareeb ayaa deeq xoolo nool ah oo ay ugu talagaleen ciidamada qalabka ee ka qayb galay howlgalkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb ku wareejiyay Duqa Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo isla goobta ku gudoonsiiiyey Saraakiisha talisyada kala duwan ee ciidamada.

SAWIRRO:Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo xilka si rasmi ah maanta ula wareegay.

Munaasabad Maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Madaxweynihii hore ee dalka  Ee xilka ka dagay Maxamed Abdullaahi Farmaajo Xilka si rasmi Ah ugu wareejiyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni .

MADAXTOOYADA OO KEYD QARAN U DIIWAAN-GELISAY XOGTA WARBAAHINEED EE VILLA SOOMAALIYA.

Muqidsho, May 23, 2022; Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay iclaaminaysaa in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono, maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada.

Maxkamada Racfaanka Magaalada Hargaysa oo maanta Xukuno kala duwan ku riday Wariyaal ka howlgalayey Deegaanada Soomaaliland .

0

Wariye Cabdimaalik muuse coldoon oo Muddo xirnaa ayaa maanta  Maxkamadda Racfaanka ee Magalaada Hargeysa ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex milyan oo shilinka Somaliland oo ganaax ah.

SAWIRRO:Safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya oo maanta gaaray Magaalada Jigjiga .

0

Madaxweynaha Dowladd deegaanka Gobolka Soomaalida Itoobiya , mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay maanta  masuuliyiin ay hoggaaminayaan safiirka waddanka Germany ee Itoobiya, Stephen Auer iyo wakiilka hay’adda UNHCR ee Itoobiya, Dr. Mamadou Dian Balde.

Diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xafiiska Villa-Soomaaliya  loogu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee dalka Hassan Sheekh Maxamuud oo socta.

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka soconaya  u diyaargarowgii ugu dambeeyay ee xafiiska Villa-Soomaaliya  loogu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee dalka Hassan Sheekh Maxamuud.

SAWIRRO:Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

0

Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo maanta oo ay bisha May tahay 23 ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Madaxweyne Biden oo booqasho dhaqaalaha la xiriirta ku tagey dalka Japan.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa gaaray dalka Japan. Waa lugtii labaad ee booqashadan oo ah tii u horreysay ee Biden uu Asia ku tago illaa intii uu madaxweynaha noqday.

Suuriya oo qubaro miinooyinka sameeya u dirtay Ruushka

Illaa 50 rag xeeldheerayaal ku ah samaynta iyo isticmaalka bambaanooyinka qasaaraha badan gaysta , kuwaas oo u dhashay Suuriya ayaa ku sugan dalka Ruushka, iyaga oo wada shaqayn la sameeyay ciidamada dalkaas oo dagaal kaga jira Ukraine.