Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Maanta qabatay Shirka Xiriirinta Dabagalka Xanuunada ka Gudba Xuduudaha .

Date:

Shir Hal maalin soconaya ayaa maanta ka bilawday wasaaradda caafimaadka kaasoo ay ka soo qaybgaleen shaqaale ka kala socda Wasaaraddaha caafimaadka, Hawlaha Guud, Garoomada iyo Dakadaha Puntland.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa loogu talagalay in la iska kaashado Dabagalka Xanuunada ka Gudba Xuduudaha, maadaama wasaaraddahaan ay ka shaqeeyaan loona xoojin lahaa wada shaqayntaas.

Dr Abraham Madaxa WHO Puntland oo furitaanka shirka ka soo qaybgalay ayaa yiri:-

“ Waxaan soo dhawaynayaa inaan idin kala soo qaybgalo shirkaan hal ka maalin soconaya balse macno badan leh looga wada hadlayo sidii wasaaradda caafimaadka iyo wasaaraddaha kale, waxaan rajaynayaa in aad maalinta aad joogtaan ka soo saartaan qorshe wada jiea oo la iskaga kaa shanayo sidii looga hortagi lahaa xanuunada xuduudaha ka gudba.”

Dr Ali Dhuh Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud oo isaguna shirka furay ayaa ka sheegay:-

“ Waxaan ku faraxsanahay idin kana mahadcelinayaa ka soo qaybgalkiina shirkaan aan idinku yeernay kaasoo looga hadlayo sidaan iskaga kaashan lahayn ka hortagida cudurada xuduudaha ka gudba kuwaasoo laga yaabee in qof xanuusan uu dalka yimaado iyada oo aan la ogayn kaasoo keeni kara xanuuno khatar keeni kara.”

“ Shirka maalinta soconaya waxaan rajaynayaa inuu wax wanaagsan ka soo baxo laguna guulaysto qorshaha aan ka wada shaqaynayno Insha allah.”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...