Madaxweyne Hassan sheikh oo maanta xilka kala wareegaya Madaxweynihii hore ee Dalka Maxamed Abdullaahi Farmaajo.

Date:

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Xilalka ku kala wareegaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni  iyo  Madaxweynihii hore  ee xilka kasii dagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafladda  xil wareejinta ayaa lagu wadaa in goordhaw bilaabato waxaana Lagu wadaa in ay Ka Qeybgalaan Madaxweynayaasha  xilalka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, Taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.

 

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-kii waxaana uu xilka haayay in ka badan 5 Sano.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...