Muxuu yahay cudurka cusub ee walwalka badan galiyey wadamo badan

Date:

Dhaatiirta iyo khubarada Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay xanuunka faafaya ee Furuqa (MONKEYPOX) oo ka dillaacay dalal dhowr ah, iyadoo hay’adda ammaanka caafimaadka ee Britain ay shaaca ka qaadday in faafitaanka cudurkan uu sii siyaadayo.

Sidoo kale, Wasaaradda caafimaadka Spain ayaa iyana ku dhawaaqday Jimcihii, in tirada guud ee dadka uu soo ritay cudurkan gudaha dalkeeda ay gaartay 39 qof, taasoo ah dalka ugu badan ee kiisaska cudurkan laga helay adduunka.

Lataliyaha caafimaadka ee dawlad goboleedka Madrid, Enrique Ruiz Escudero, ayaa shaaca ka qaaday in nidaamyada dabagalka kiisaska ee ay fuliyeen Agaasinka Caafimaadka Dadweynaha ee Dawlad Goboleedka Madrid ay daaha ka qaadeen in kiisaska ugu badan ee cudurka ay ku xiran yihiin xamaamyada qubeyska ah ee goobaha caamka ah.

Dhanka kale, Britain ayaa filayso in ay soo saarto kiisas badan maalmaha soo socda, iyada oo ugu yeertay xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka inay “kordhiyaan feejignaantooda.”

Mar sii horreysay, wasaaradda caafimaadka Britain ayaa xaqiijisay in la helay 20 xaaladood oo caabuqa Furuqa ah oo ay ku jiraan 11 ka mid ah oo la shaaciyay Jimcihii.

11 wadan oo Yurub iyo Waqooyiga Ameerika ku yaal ayaa ku dhawaaqay inay heleen caabuqan, oo ay ku jiraan Italy, Portugal, Sweden, France, iyo sidoo kale Germany, Belgium, Canada, iyo Mareykanka.

Subaxnimadii Jimcaha, Australia ayaa dhankeeda xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee xanuunkan kaa oo laga helay gobolka Fiktooriya, iyadoo kiis kale weli laga baarayo Sydney.

Sida Dhakhaatiirtu sheegeen, Cudurkan waxaa lagu kala qaadaa candhuufta, diifka sanka ka soo baxa iyo caabuqa finanka ka soo baxa jirka, sidoo kale waxaa lagu kala qaadaa waxyaabaha caadiga ah sida gogosha iyo sidoo kale galmada..

Goorma ayuu soo ifbaxay xanuunkan?

Busbuska daayeerku waxaa bini’aadamka markii ugu horreysay laga helay sannadkii 1970-kii, kolkaa oo laga helay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (oo markaas loo yaqaannay Zaire). Wiil yar oo 9 jir ah oo ku noolaa meel lagu dabar-gooyay furuqa sannadkii 1968-kii ayaa laga helay. Kiisaskii ugu badnaa ayaa tan iyo xilligaas laga soo sheegay dhulka miyiga ah ee Basin Kongo iyo Galbeedka Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo loo malaynayo in ay ku badan tahay, waana goobta uu cudurku si weyn uga dillaacay sannadihii 1996 iyo 1997.

Dabayaaqadii 2003dii, waxa gobolka galbeedka ee Maraykanka laga soo sheegay kiisas la xaqiijiyey oo ahXanuunkan Furuqa, taas oo muujinaysa in uu yahay kiiskii ugu horreeyey ee cudurkan laga soo sheego meel ka baxsan qaaradda Afrika, waxaana la ogaaday in bukaankii ugu horeeyay ee uu ku dhacay ay xiriir dhow la lahayd Eeyaha.

Sanadkii 2005tii, waxaa gobolka ka tirsan dalka Suudaan ka dillaacay Caabuqan, waxaana kiisas goos goos ah laga soo sheegay meelo kale oo Afrika ah.

Sanadkii 2009, olole wacyigelin ah oo loo sameeyay qaxootiga ka yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ilaa Jamhuuriyadda Kongo ayaa lagu ogaaday lana xaqiijiyey laba xaaladood oo Busbus-daayeer ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...