Madaxweynaha JFS iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo kawada hadlay iskaashiga labada dal.

Date:

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony J. Blinken iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wada hadlay khadka isgaadhsiinta, iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanku uu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Ned Price, labada masuul ayaa ka wadahadlay danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sida Soomaaliya looga taageerayo jidka ay u hayso dhinaca dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, Ned Price oo sharraxaad ka bixinaya qodobada ay ka wadahadleen xoghayaha arrimaha debedda Maraykanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “Waxa ay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiin siyaasadeed, horumarinta ciidamo amni oo la wareegi kara mas’uuliyadda howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, iyo dib u habeynta dhaqaalaha, ee lagama maarmaanka u ah dhameystirka waddada deyn cafinta ee Soomaaliya.”

 

Wuxuuna Ned Price hadalkiisa sii raaciyey “Isagoo [xoghaye Blinken] xusaya go’aankii dhawaan Madaxweyne Biden uu ku sheegay in si joogto ah Soomaaliya dib loogu celiyo ciidamada Maraykanka, xoghayuhu wuxuu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya taageerada joogtada ah ee Maraykanka ee dadaalka ay dowladda Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ugu jiraan la dagaalanka khatarta kooxaha argagixisada ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...