Home Blog Page 680

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha oo kulan la qaatay James Swen .

Muqdisho-May 28, 2022– Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swen iyo Xariiriyaha gargaarka bani-aadannimada Adam Abdelmoula.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MARXUUM CABDULLAAHI CABDI GARRUUN IYO MARXUUMAD JAWAAHIR AXMED CILMI.

uqdisho, May 28, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdullaahi Cabdi Garruun iyo Marxuumad Jawaahir Axmed Cilmi oo labaduba soo noqday Sanataro hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaank JFS.

Roobka gu’ga oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo katirsan puntland.

Roobka gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo ka Kala tirsan Gobollada Mudug, Nugaal, Sool iyo Cayn.

Degmooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug oo Maanta looga Fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee Fassalka 8aad ee dugsiga dhexe Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Guud ahaan Degmooyinka iyo deegaanada  Dowlad Goboleedka Galmudug  ayaa waxaa  maanta looga Fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee Fassalada 8aad ee dugsiga dhexe Sanad dugsiyeedka 2021-2022, waxaana Magaalada Dhuusamareeb imtixaanka ka daah furay Mas’uuliyiin katirsan qaybaha kala duwan ee hey’addaha dowlada oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.

SAWIRRO:Gudoomiyaha Maxkamada sare oo maanta kulan la yeeshay hawl wadeenada Maxkamaddaha racfaanka Iyo gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamada sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  cabdi khadar maxamed xasan gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka maxamed axmed cismaan ayaa maanta kulan  la yeeshay dhamaam Garsoorayaasha kaaliyaasha Iyo hawl wadeenada kale ee Maxkamaddaha labada darajo ee racfaanka Iyo gobolka.

Allah u naxariistee, Sheekh Cali Warsame oo kamid ahaa culimada waa weyn ee Soomaaliyeed oo maanta geeriyooday.

0
Allah u naxariistee, Sheekh Cali Warsame oo kamid ahaa culimada waa weyn ee Soomaaliyeed ayaa geeriyooday, Sheekhu wuxuu kamid ahaa aas aasiyaashii ururka Al-Ithaad al islaami oo la unkay 1980 maadkii.

Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

DHAGEYSO:Odayaal dhaqan oo ku baaqay joojinta dagaal beleed ka aloosan deegaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose

Odayaal ku sugan magaalada kismaayo ayaa ku baaqay joojinta xiisad colaadeed oo ka tagan deegaano katirsan gobolka Jubbada hoose kadib markii dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Diif ee gobolka jubbada hoose.

DHAGEYSO:Waxaa Maanta Deegaanada Puntland ka bilaabanaya imtixaankii shahaadiga ah ee fasallada 8aad iyo 12aad.

Guud ahaan Degmooyinka iyo deegaanada maamulka puntland  ayaa waxaa  maanta looga Fadhiisanayaa imtixaanka shahaadiga ah ee Fassalada 8aad iyo 12aad ee dugsiyada sare iyo dhexe.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU DHAWAAQAY HINDISAHA SHAQO ABUUR QARAN IYO HINDISAHA QARAN EE DHALLINYARADA SOOMAALIYEED.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.