Home Blog Page 680

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda XFS oo xilka loo dhaariyay+(SAWIRRO).

0

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo Mucaaradka kala hadlaya Arrimaha Doorashooyinka.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu ka dhaadhiciyo guddiyada iyo waxyaabaha loo igmaday.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku imaaday heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen dowladda federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray.

Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane,Maxamed Xuseen Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay markasto sidii aan u fahamsii lahaa,si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa lasoo magacaabay inay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhaliilsan habka loo soo xulay guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo tilmaamay in ay ku jiraan shaqaale dowle iyo xubno ka tirsan ciidanka amniga.

Wasaaradda caafimaadka XFS oo soo gabo-gabeysay shir looga hadlayay qorshaha nafaqada ee 2021/2022.

0

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, qeybteeda mashruuca nafaqada ayaa soo gabogabeysay shir lagu lafa gurayay soo saarida qorshaha nafaqada ee sanadka 2021/2022, kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka oo leysla gartay sidii sare loogu qaadi lahaa ka wadashaqeynta nafaqada iyo in iskaashi buuxa laga yeesho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasaaradaha caafimaadka dowlad goboleedyada dalka.

Gabogabadii shirka ayaa billad sharaf ay ku muteysteen kaalinta ay ka qaateen qorshaha nafaqada iyo sahminta nafaqeeyayaalka yaryar (Micronutrient Survey-2019) wasaaradaha caafimaadka Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

 

Ra’iisul wasaare Rooble oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Baydhabo+(SAWIRRO).

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladda oo madaxweynaha Koofur galbeed mudane, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusayay waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo dhagax-dhigay Dhismaha Xaruunta ay yeelanayso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed+(SAWIRRO

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si wadajir ah u  dhagax-dhigay  Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed.

Dhismaha Xaruunta wasaaradd Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladd Goboleedka  Koonfur Galbeed  waxa iska kaashanaya  labada Wasaaradood  ee heer  federal iyo heer dowlad- goboleed waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta  Gobolladda si loo daadajiyo  shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.

Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta si wadajir ah u  dhagax-dhigay  Dhismaha Xarunta ay yeelanayso wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladda Goboleedka  Koonfur Galbeed.

Dhismaha Xaruunta wasaaradd Awqaafta iyo Arrimaha Diinta  ee dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed  waxa iska kaashanaya  labada Wasaaradood  ee heer  federal iyo heer dowlad- goboleed waxa ayna qayb ka tahay qorshaha horumarinta  Gobolladda si loo daadajiyo  shacabkana loogu dhaweeyo adeegyadda dowladda.

(DAAWO) BARNAAMIJKA QURBA JOOG ©SNTV // 25.11.2020.

0

Halkan ka Daawo Barnaamijka Qurbo Joog SNTV.

Qaramada midoobe oo sheegtay in qaxootiga itoobiya ka yimi ee gaaraya Sudan ay kordheen.

0

Heyada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ee ka baxsanaya dagaalka waqooyiga itoobiya ay soo kordhayaan.

UNHCR waxay tilmaantay in iminka 40,000 ay kor u dhaafeen dadka qaxootiga ee gaaray bariga Sudan

Labadii cisho ee ugu danbeysay waxaa xadka Sudan gaaray 5,000 oo qof kuwaas oo caruur iyo haween u badan .

UNHCR waxay sheegtay in 300 oo caruur ah kuwaas oo aad u nafaqo daran hada la quudiyo islamarkaana la siiyo daryeel caafimaad.

Qaxootiga waxaa la siiyaa cuno bisil waxaana loo sameeyay goobo biyo ay ka cabaan iyo musqulo .

UNCHR waxay sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii dadka qaxootiga xuduuda looga dheereyn lahaa oo loo geyn lahaa gudaha Sudan.

Ilaa 8,000 oo qof ayaa hada la geeyay deegaanka Um Rakuba oo 70km gudaha Sudan ah.

(DAAWO) BARNAAMIJKA FALANQEYNTA EE ©SNTV // 24.11.2020.

0

Halka ka Daawo Barnaamijka Falaqeynta SNTV.

Ogeysiis: jagooyin shaqo oo ka banaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

0

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ee dowaldda Soomaaliyeed wuxuu xayeysiinayaa jagooyinkaan ee ka banaan Hay’adda Duulista Rayidka fadlan booqo web page

Tel: 0615499078  Hassan Mire Ama Tel: 0615516560 Ahmed Giirow

htt://ncsc.org.so/jobs

 

 

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed oo ka hadlay qorshaha uga degsan waxbarashada carruurta aan waxba heysan+(SAWIRRO).

0

Wasiirka Waxbarshada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Yuusuf Xasan Waliid ayaa sheegay in mashaariic horumarineed laga hirgeliyay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mudane Maxamed Yuusuf Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mashaariicda uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble xariga ka jaray ay qeyb ka ahayd iskuul loogu talagalay inay wax ku bartaan carruurta agoonta ah iyo kuwa waalidiintooda aysan awoodin inay geeyaan iskulaadka sida gaarka ah loo leeyahay.

“Koonfur Galbeed waxa ay ka koobantahay 18 degmo, saddex ka mid ah Nabadiidka Al-Shabaab ayaa heysta, laakiin dadkii deganaa ayaa u soo guuray degmooyinka dowladdu gacanta ku heyso, waxaana noo qorsheysan in dadka soo barakacay aan u diryaarino xarumo waxbarasho oo u gaar ah”.ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waalidiinta ku boooriyay inya dhiiri geliyaan waxbarashada carruurtooda oo ay siiyaan fursado ay wax ku bartaan.