Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal

Date:

Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.

 

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.

 

Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iran uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh caydhiin oo ku safrayey calanka dalka Iran, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanku isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.

 

 

 

Hawlgalkan ay Iran kula wareegtay labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan istaraatejiga ah muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha adduunka. Maaddaama Tehran ay kobcinayso uranium badan, oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka Nukliyeerka ee wax gumaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...