MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU DHAWAAQAY HINDISAHA SHAQO ABUUR QARAN IYO HINDISAHA QARAN EE DHALLINYARADA SOOMAALIYEED.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shaaciyey qorshihiisa horumarinta dhallinyarada, kaasoo xoogga saaraya abuuridda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay siindoonto hortebinta koowaad Hindisaha Shaqo Abuurka Qaran, si dhallinyaradu ay door weyn uga qaataan qorsheyaasha Qaran ee dib-u-dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoraynta dalkeenna.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. si aan u gaarno isku filnaansho buuxa waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dalka, isagoo dadka Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyey in ay hormuud u noqdaan hal-abuurka iyo hirgelinta qorsheyaasha kobcinta dhaqaalaha dalka, si xal waara loogu helo caqabadaha waaweyn ee haysta dalkeenna iyo dadkeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Xoogga Dalka oo dardargelinaya howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la magacaabay

Guddoomiyaha Kmg ah ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha CXD

Hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-Xiddigle...