DHAGEYSO:Booliska Soomaaliya oo muqdisho ku qabtay kooxo Burcad ah.

Date:

Muqdisho-31-5-2022 – Ciidamada Booliska Soomaaliya Ayaa xalay howlgalo dad farabadan lagu soo qabqabtay Waxa ay  ka sameeyen Xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo dadka kunool ay ka cabanayeen  maalmihii aan soo dhaafnay Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay bulshada halkaas ku nool.

 

Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa Argagixisada Al-Shabaab oo mararka qaar falal Amni darro ka geysta degmooyinka Qeybta Bari, Ciyaal Weerarada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geysanaya Shacabka.

Wariyaha warbaahinta qaranka Yoonis Duraan Ali ayaa faah-faahinaya warkaan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...