Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada oo bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.

Date:

MUQDISHO-31-5-2022-Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa bogaadiyay, gargaarka ay dawladda Qatar keentay dalka oo maanta la qaybiyey.

Ergayga, ayaa shalay ku baaqay in la fududeeyo, haddii ay jiraan caqabado dowladda dhexdeeda ah ama shirkadaha maamula garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ku hor gudban deeqaha ka imaanaya dibadda.
Ergayga ayaa u mahad-celiyay, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFS Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo hawshaas gacan ka gaysatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale