Pakistan oo ka codsatay Taliban inay dhexdhexaadiyaan urur ka dagaalama dalkooda.

Date:

MUQDISHO-2-6-2022-Dowladda Pakistan ayaa arbacadii u dirtay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, wafdi ka kooban 50 xubnood oo ah oday dhaqameedyo kala duwan, si ay ugala xaajoodaan ururka Talibanta Afghanistan, sidii wakhtiga loogu kordhin lahaa, heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee u dhexeeyey ururka Taliban ee ka dhisan dhinaca Pakistan iyo dawladda Pakistan, kaas oo wakhtigiisii dhamaaday toddobaadkan aynu ku jirno, sida ay xaqiijiyeen laba sarkaal oo dhanka ammaanka ah.

 

Wada-hadallo ay yeesheen labada dhinac bishii November ee la soo dhaafay ayaa horseeday xabbad-joojin dhex-martay Talibanta ka dhisan dhinaca Pakistan iyo dawladda Pakistan, waxaana wadahadaladaas hore waxaa dhex-dhexaadin ka galay madaxda sare ee ururka Taliban ee fadhigoodu yahay dalka Afghanistan.

 

Ururka Taliban ee ka dhisan dhinaca Pakistan oo loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan ama TTP ayaa ah koox gooni ah oo ka madax banaan ururka Taliban ee ka dhisan dalka Afghanistan hase ahaatee labada urur ayaa xulafo dhow ah.

 

Ururka Talibanta Pakistan ayaa muddo 14 sano ah wuxuu dagaal kula jiray dawladda Pakistan, isaga oo u dagaalamayey in la adkeeyo lana xoojiyo ku dhaqanka shuruucda Islaamiga ah ee dalka Pakistan, sii deynta xubnahooda ku jira gacanta dowladda iyo in la dhimo joogitaanka ciidamada Pakistan ee ku sugan goobaha ay ku xooggan yihiin.

 

Xabbad-joojintii u dhexeysay ururka Taliban-ta Pakistan iyo dawladda Pakistan ayaa dhammaatay Salaasadii toddobaadkan, hase ahaatee wadahadaladaasi marna ma suuro gelin in si buuxda loo dhaqan geliyo waxyaabaha lagu heshiiyey.

 

AP

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...