Home Blog Page 672

Shirkii Guddiga farsamada ee Baydhabo oo laga soo saaray War-Saxaafadeed.

0

Waxaa xalay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu soo geba-gabeeyay shirkii u dhaxeeyay guddiyadii ka kala socday dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyaga oo garay heshiis la xiriira dhanka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiyada oo ka kooban 14 Xubnood ayaa ka hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana ay soo saareen War-Saxaafadeed ka kooban Shan qodob, kuwaas oo kala ah.

1: Cabasho laga muujiyay Guddiga Doorashada ay dowladda Magacaawday.

2: Xal u helida guddiga dooraashada Somaliland.

3: Xaalada Gobolka Gedo.

4: Adkeynta Qoondada Haweenka.

5:Jadwalka Qabsoomida Doorashada.

Dhamaan shanta qodob oo ay soo saareen guddiga ayaa waxaa loo gudbiyay madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada si ay uga tashadaan, kadibna ay soo saaraan, iyaga oo wada jira inay isku raaceen qodobada ay soo saareen guddiyada.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa ku baaqay in 18-02-2021 Madaxda muddo xileedkoodu dhamaaday ee Dowlada Federalka,Dowlad Gobeedyda iyo Gobolka Banaadir shir deg deg ah ay isugu yimaadaan, in kastoo aysan shaacin halka rasmiga ah ee shirkasi lagu qabanayo.

Haweenay Afrikaan ah oo markii ugu horeysay loo doortay Madaxa WTO.

0
Haweenayda lagu magacaabo Ngozi Okonjo-Iweala oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa noqoneysa haweenaydii ugu horeysay iyo waliba qofkii ugu horeeyey oo kasoo jeeda Afrika oo loo magacaabo madaxa Ururka Ganacsiga Adduunka (World Trade Organization) oo la aasaasay sanadkii 1995.
Drs.Ngozi ayaa horey usoo noqotay Wasiirka Maaliyadda ee dowlada Nigeria, iyadoo taageero buuxa ka heshay 164 wadan ee xubnaha ka ah ururkaasi.
Dowlada cusub ee Maraykanka ayaa codkooda ku taageeray murashaxada, halka xukuumadii hore ee Donald Trump diidaneyd in haweenaydan xilka loo magacaabo, Trump ayaaba ku hanjabay inuu Maraykanka la noqon doono xubinimada ururka WTO hadii xilkan loo magacaabo haweenaydan Afrika kasoo jeeda.
Xukuumadii Trump ayaa xilkan la dooneysay Murashax Yoo Myung-hee oo kasoo jeeda dalka Kuuriyada Koonfureed.
Haweenaydan oo ah 66 sano jir ayaa horey usoo qabatay Wasaaraddaha Maaliyada iyo Arrimaha Dibada ee dalka Nigeria, waxayna sidoo kale horey uga soo shaqeysay Bangiga Adduunka, iyadoo xilkan cusub heyn doontaa illaa sanadka 2025.

Wasaaradda Shaqada XFS oo hakisay xaadirinta Shaqaalaha Dowladda.

0
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo hakisay xaadirinta shaqaalaha dowladda .
warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa lagu sheegay in la hakiyay xaadirinta shaqaalaha dowladda si looga hortago faafitaanka covid-19 oo markale kasoo labo kacleeyay gudaha dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SHEEKH NUUR BAARUUD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Ra’isulwasaaraha JFS oo ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud

0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Caalimkii weynaa ee Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sheikh Nuur Baaruud oo ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya iyo geeska Afrika, waxa uu cimrigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.

Sheikh Nuur waxa uu kaalin mug leh oo lama illaawaan ah ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo Sheikh Nuur Baaruud, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo  guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo.

Shirka arrimaha doorashada looga hadlayo oo maalintii 2-aad Baydhabo ka socda.

0

Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda FS mudane Saalax Axmed Jaamac oo ah shir gudoonka gudiga farsamo ee ka socda dawladda FS,dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee shirka arrimaha doorashada looga hadlayaa uga socdo Baydahbo ayaa ka warbixyey habsami u socodka shirka oo maraya maalintii 2-aad.

Waxa uu xusay in shirka oo furmay shalay galab islamarkiiba la guda galay in laga wada hadlo arrimaha la isku khilaafsanyahay ee la xiriira doorashada, sida xaaladda gobolka Gedo, arrinta gudiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo doorashada xubnaha Baarlamaanka ka soo galaya deegaanada Somaliland.

Wasiir Saalax ayaa xusay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda FS mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xubnaha gudiga kula hadlay aaladda fogaan aragga uu ku baraarujiyey inay hortaal hawl muhiim u ah dalka oo dhan, sidaa darteed ay u shaqeeyaan si mas’uuliyad iyo tanaasul leh.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa u mahadceliyey madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo isna la kulmay gudiga kuna booriyey inay go’aano dalka doorasho ku hoggaamiya soo saaraan, waxaana uu ku ammaanay sida wanaagsan ee maamulkiisu shirkan u marti galiyey.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Laftagareen ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran, kaas oo shir uu uga socdo magaalada Baydhabo.

Xubnaha Guddiga oo ka kala socda dowladda Federalka, dowlad goboleedyada & Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa ay kala hadleen Arrimaha doorashooyinka dalka iyo sida uu u socdo shirka Guddiga.

Madaxweyne LaftaGareen ayaa xubnaha Guddiga uga warbixiyey Shirarkii la xiriiray doorashooyinka ee horay loosoo qabtay waxa uuna kula dardarmaay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran in ay dhaxda u xirtaan howsha loo idmaday.

Xubanaha Guddiga oo sii wadan doono shirkooda ayaa la filayaa in ay shirkooda kasoo saaraan qodobo loo gudbiyo Madaxda Sare ee dalka iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka iyo kan Gobolka Banaadir.

Tirada kiisaska COVID-19 ee laga heley dalka.

0

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay 90 kiis oo cusub ee COVID-19 ah laga heley dalka, sida lagu faafiyay barta Facebook ee wasaaradda.

Kiisaska ugu badan ayaa laga heley gobolka Banaadir waa 66 kiis, iyadoo Soomaaliland ku soo xigto kiisaska oo gaaraya 19 kiis.

Dhimashada ayaa lagu sheegay in ay tahay labo ruux, iyadoo 11 qof ka bogsoodeen xauunka.

Tirada guud dadka cudurka laga baaray 24 saac ayaa dhan 1,529 qof, iyadoo kiisaska cudurka ee wadanka ay marayaan 5,273, waxaa ka bogsooday 3,750 halka dhimashada guud ahaan ay marayso 154 qof.

Saraakiisha caafimaadka ayaa dadweynaha faraya in ay raacaan tilmaamaha ka hor tagga cudurka sida xirada af-saabka, kala fogaanshaha iyo in si gaar ah oo ilaaliyo dadka da’daha.

Dad badan ayaa ku dhintay doon ku degtay haro ku taal dalka DRC

0

60 qof ayaa ku dhimatay dad kale oo badana waa la la,yahay kadib markii doon ay  saarnaayeen ku degtay haro ku taala jamhuuriyada dimuqraadiga Congo,DRC

Dowlada DRC ayaa sheegtay in doonta ay ku degtay harada Mai-Ndombe oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Steve Mbikayi oo ah wasiirka arimaha bani’aadanimo iyo gargaarka dalka DRC ayaa sheegay in doonta ay siday dad ka badan intii loogu talo galay taana loo maleenayo sababta

Steve Mbikayi wuxuu tilmaamay in ay doonta siday 700 qof

60 qof ayaa meydkooda la helay waxaana la soo badbaadiyay 300 oo kale sida uu sheegay Steve Mbikayi.

Waxaa soconaya gurmad xoog leh oo lagu baadigoobayo dadkii kale ee doonta saarnaa

Madaxweyne Farmaajo ka tacsiyeeyay geerida Senatar Maxamed Yuusuf Xaaji.

0

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaannada Aqalka sare ee Dalka Kenya.

Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya, Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.”

Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee difaaca dalka Kenya Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan kasoo qabtay Kenya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.