Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo saaka booqday xeebta Liido oo ay dadweyne badan u dalxiis tagaan.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo xalay xaflad soodhaweyn ah loogu sameeyey Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb uga qeyb galay munaasabad si heersare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo madaxweynaha JFS iyo wafdigii uu hogaaminayay oo shalay halkaas gaaray.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey maalinta Qaran ee dalka Taliyaaniga oo ku beegan 2-da Juun.
DAAWO:Sidee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud loogu soodhaweyey Magaalada Dhuusamareb.


DAAWO:Wasiiro ka tirsan koonfurgalbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Hoose oo maanta gaaray Magaalada Baraawe .
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr Qeybna uu ka yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Ali Najah ayaa Gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada DGKGS.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo qaabilay masuuliyiin katirsan Midowga Yurub.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.
Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha 10aad ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan sheikh Maxamuud iyo Wafdi Balaaran oo uu Horkacayo kuwaas oo ay ku Jiraan Xildhibaano,Wasiiro, iyo Saraakiil Katirsan Madaxtooyada Qaranka ayaa gaaray Haatan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada ee Maamulka Galmudug oo maanta Tababar u soo xirtay xubno ka kala socdey Hey’addaha maamulkas.
Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada ee Maamulka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xirtay xubno ka kala socdey Hey’addaha Dowlada, ururada Maxaliga ah iyo ururada Bulshadu, waxaana tababarkan uu ku saabsanaaa balaarinta arimaha deegaanka iyo maamul daadejinta arimaha deegaanka.
Wafdi ka socda Koonfur galbeed oo maanta gaaray Magaalada Baraawe.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Maxamuud Maxamed Kheyr Qeybna uu ka yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Aadan Ali Najah ayaa Gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada DGKGS.
