Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo kulan Baydhabo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed ee culimada, haweenka, dhallinyarada iyo aqoonyahanka, ayaa kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ee uu la kulmay ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalkeenna, isaga oo la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taabbo-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...