Home Blog Page 671

Tirada dadka Karoonaha ugu dhintay Afrika oo 100 kun dhaaftay.

0

Dadka uu galaaftay xanuunka Karoona ee qaarada Afrika waxay iminka tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo cilmi baarayaasha Karoonaha

Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika

Koonfur afrika waxaa cudurka uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay

Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan.

14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah ee Maaliyadda ( IFC ) Makhtar Diop.

0

 

Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo diirran u diray Makhtar Diop oo Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah Maaliyadda oo ka mid ah 5-ta Hey’adood ee Bangiga aduunka.

Makhtar Diop 6-dii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa Madaxwyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika, waxa kale uu soo noqday wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Kenya iyo Brazil.

Wasiir Beyle ayaa ku amaanay mudane Diop kaalintii uu ka geystay dedaalka Soomaaliya ugu jirto Wadahadalada dayn cafinta iyo dib u habeynta nidaamka maamulka Maaliyadda

Makhtar Diop wuxuu u dhashay dalka Senegal wuxuu ka soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha dalkiisai, waa qabiir Dhaqaale oo muddo u shaqaynayay hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Hey’adda uu hoggaamin doono ee Maaliyadda Caalamiga IFC ( International Financial Corporation ) waxay shaqadeedu tahay hormarinta dhaqaalaha iyo Dhiiragalinta kobaca nolol maalmeed bulshada iyada oo loo marayo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalalka soo koraya.

Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Muqdisho

0

19.02.2021
Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa. Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.

Wasiirka Amniga Gudaha
Xasan Xundubey Jumcaale

Shirka Guddiga Qaran ee Xakamaynta Xanuunka COVID-19 oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0
Shirka Guddiga Qaran ee xakamaynta xanuunka COVID-19 oo looga hadlay ka hortagga, la tacaalidda cudurka Corona Virus iyo sidii agab xanuunka lagula tacaalo loo gaarsiin lahaa xarumaha caafimaadka ee Dowlad-gobolleedyada ayaa Xalay ku qabsoomay Hanaanka Online ka ee ZOOM ka.
Shirka Qaran ee Isku-duwida Hawlaha Ka hortaga Iyo Ka Jawaabista soo laba lacleynta Covid19 ayaa waxaa Guddoomiyay Ra’wasaare Ku Xigeenka DFS Mudane Mahdi M. Guled.
Shirka waxaa aad loogaga hadlay Xoojinta dadaalada socda ee ka jawaabidda Covid19 iyo sidii dhamaan Hay’addaha Dawllada uga qeyb qaadan lahaayeen Dadaalka socda ee ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha  bulshada xilligan  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHIR ISUGU YEERAY MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA, DOWLAD GOBOLEEDYADA IYO G/ BANAADIR

0

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Ruushka oo xiray dad looga shakiyay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso.

0

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS oo soo xiganeysa laamaha Amniga Ruushka ayaa sheegtay inay xireen 19 dagaalyahan oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro ka dhaca Waqooyiga Caucasus.

Hay’addaha amniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen suunka loo adeegsado Qaraxyada iyo hubka darandooriga u dhaca oo ay gacanta ku hayeen tuhmanayaashan.

Waxaa xusid mudan in bishii Diseembar ee sanadkii hore, maamulka ladagaallanka argagixisada ee Ruushka ay sheegeen in ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan ciidammada amniga ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow xarunta dhexe ee Amniga ee koonfurta dalkaasi Ruushka.

Guddiga Qaran ee La dagaallanka Argagixisada ee ayaa ku warramay in qof aan la aqoonsan uu isku dayay inuu xoog ku galo goob ay xubno ka tirsan booliska ka wadeen baaritaanno amni.

Guddiga  ayaa tilmaamay in qofkaasi is qarxiyay, ka dib markii uu xoog ku galay goobtii uu baritaanka ka socday.

Qaraxan ay ku dhaawacmeen Ciidamada ayaa waxuu ka dhacay meel u dhow xafiiska sirdoonka  iyo Nabadsugida Ruushka ee Oshkekin.

Dalka Hindiya oo laga helay nooc cusub oo fayraska Corona ah.

0

Saraakiisha caafimaadka Hindiya ayaa ku dhawaaqay daah furka xaalado cusub oo fayraska corona  ah, kaasi oo markii ugu horreysay la sheegay in laga helay Koonfur Afrika iyo  Brazil.

In ka badan 150 qof ayaa waxaa horay ugu dhacay cudur kale oo la sheegay in uu ka soo ifbaxay Boqortooyada Ingiriiska.

Dad kabadan 100 qof oo uu haleelay xanuunkan cusub ayaa laga helay magaalada Bengaluru ee koonfurta Hindiya.

Xaalada kale ayaa sidoo kale laga diiwaan galiyay dhowr gobol oo ka tirsan Hindiya sida Maharashtra iyo magaalada Mumbai, ee caasimada dalkaas.

Hindiya oo ah dalka labaad ee ay ku noolyahiin dadka ugu tirade badan Dunida, ayaa diiwaan gelisay tiro cusub oo cudurkan ah, tirooyinkan cusub ee uu soo ritay xanuunkan ayaa la sheegayaa in ay ku sii fidayaan gudaha Hindiya.

Horaantii sanadkan ayaa lagu dhawaaqay  in hoos u dhac uu ku yimid  guud ahaan tirada  dadka uu ku dhacay  Corona Virus, laga soo bilaabo Sebtember 2020.

Khubarada caafimaadka Hindiya  ayaa sidoo kale xusay in gurmadka xanuunkan  uu hoos uga dhacay 90%, taasi oo keeni karto in markale uu xanuunkan dib usoo laba kacleeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibada Masar oo warqadaha aqoonsiga ka guddoom Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.

0

Ilyaas Sheekh Cumar Abu Bakar, Danjiraha dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar, sidokalana ah wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo guddoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar  Saamix  Shukri.

Ugu horeeyn Danjire Ilyaas ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna  u  gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, isaga oo  sidokale u rajeeyey caafimaad iyo horumar guud ahaan Shacabka Masar iyo hoggaamiyahooda Madaxweyne  Cabdel Fataax Al-Sisi.

Kulanka  kadib ayuu safiirka Soomaaliya  ee Masar sheegay in uu waxbadan ku soo kordhin doona  xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya  shacabka iyo madaxda  labada dal.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa horay u soo noqday Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga iyo sidokale Safiirka Safaaradda Soomaaliiya ee Masar.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal+(SAWIRRO).

0
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga labo geesoodka.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Qin Jian, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Kulankani oo uu goobjoog ka ahaa Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray horumarada la sameeyay, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinac kastaba leh, iyadoo sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada Dal.