Home Blog Page 671

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta dib ugu Soo noqday Magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu Soo noqday Magaalada muqdisho kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.

Maamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya Iyo Maamulka Puntland oo iska kaashanaya Arimaha Amniga iyo La dagaalanka Argagixisada.

Waxaa Gobolka Doollo ee ismaamulka Gobolka Soomaalida Itoobiya socdaal ku gaaray wafti balaaran oo ka socda Maamul Goboleedka Puntland.

DEG:DEG-Ciidanka Xoogga Dalka oo Maanta Khaarijiyay Horjoogihii u qaabilsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Jabhada Goboladda Baay iyo Bakool

MUQDISHO-4-6-2022-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa khaarijiyay Horjoogihii u qaabilsanaa Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Jabhada Goboladda Baay iyo Bakool kadib howlgal ay ka sameeyeen Degaanka Ceel-Cuni oo qiyaastii 65-km ujira Degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool.

Midawga Afrika oo Putin oo kala hadlay saamaynta dagaalka Ukraine ee Afrika

MUQDISHO-4-6-2022-Mas’uulka ugu sarreeya Midowga Afrika ayaa Jimcihii la kulmay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Ukraine iyo saameynta uu ku yeeshay dalalka Afrika, gaar ahaan hakinta ku timi dhoofinta hadhuudhka iyo sarreenka, taasoo keentay inay sare u kacaan qiimaha cuntada ee dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana taasi keentay in malaayiin qof oo Afrikan ahi inay gaajo soo foodsaarto.

SAWIRRO:Ciidanka kumaandooska Danab XDS oo  Hawlgalo lagu Xaqiijinaayo Amaanka sameeyey Deegaano katirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidanka kumaandooska Danab XDS  Gaar ahaan Hurinta Gaadiidka Gaashaman Ee MU ayaa Hawlgalo lagu Xaqiijinaayo Amaanka sameeyey  degaanada kala Maracade,galka salimo iyo tuulooyin hoostaga oo kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

DHAGEYSO:Kooxo burcad Koonfur Africaan ah oo xalay dil iyo dhaawac u geystay muwaadiniin Soomaliyeed.

0

MUQDISHO-4-6-2022-Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Xaafadda Strand ayaa ku soo waramaya in xalay halkaas Muwaadiniin Soomaaliyeed loogu geystay  weerar  sababay Dhimasho iyo Dhaawac kadib markii weerer ay ku   qaadeen kooxo burcad koonfur africaan ah dukaamo ay ku ganacsanayeen muwadiniintaan soomaliyeed.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka ee Africom oo laayey Argagixiso katirsan Al-Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Mareykanka ee Africom ayaa howlgal wadajir ay u fuliyeen waxaaa ay ku dileen shan ka mid ah argagaxisada Alshabaab.

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASSAN SHEEKH MAXAMUUD OO KULAN LA QAATAY MADAXDA DHAQANKA EE GALMUDUG.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan la qaatay nabaddoonada iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Madaxweynaha Mareykanka oo qorsheenayo inuu booqasho kutago Sacuudiga.

0
Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu qorsheynayo inuu Sacuudiga ku daro safarkiisa bishan uu ku marayo Yurub iyo Bariga Dhexe.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Biden uu la kulmi doono, inta uu ku guda jiro socdaalkiisa soo socda, isaga oo la kulmi doona Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, marka laga soo tago madaxda Masar, Urdun, Ciraaq iyo Imaaraadka.
Wargeysku waxa uu tilmaamay in laga shaqaynayo tafaasiisha dhinacyada saadka iyo wakhtiga uu Biden la kulmayo Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Shaqaale ka tirsan Laanqeyrta cas oo lagu weeraray Dalka Mali.

Samafale u dhashay dalka Holland iyo darawalkii waday gaari ay la socdeen kooxda Laanqeyrta Cas ayaa la dilay ka dib markii ay la kulmeen weerar gaadma ah oo kadhacay galbeedka Dalka Maali.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Mali ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “Kooxda hubeysan waxa ay saarnaayeen mooto, markii ay rasaas ku furayeen gaariga abbaare 6-dii galabnimo ee Shalay meel u dhow gobolka Kayes”, iyadoo intaa ku dartay in labo ka mid ah shaqaalaha ay ka baxsadeen weerarka gaadmada ah, waxaana gaariga ku xirnaa astaanta Laanqeyrta Cas.

Ururka ayaa u cambaareeyay “si adag, dhacdadan wax u dhimaysa howlgalka bini’aadantinimo ee lagu loogu gurmado dadka nugul.”

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda, laakiin “Minidiinta waxay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan agagaarka Gobolka uu weerarka kadhacay,” sida ay sheegtay Associated Press.

Walaaca laga qabo ammaanka Maali ayaa sare u kacay tan iyo markii Faransiiska oo oo gumeystay dalkaasi uu ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa kala baxayo dalkaas ka dib sagaal sano oo ay “ka caawinayeen Mali la dagaalanka xagjirnimada”.

Ciidamada Mali ayaa weli ku naaloonaya caawinta howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, waxaana sidoo kale ay mararka qaar la kulmaan weeraro hubeysan.