Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta.

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Alcusmaan.

Danjiruhu wuxuu Guddomiyaha soo gaarsiiyay salaan sharafeed iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi, taas oo uu uga siday Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaranka ee Imaaraatka Carabta Mudane Saqar Gabaash.

Guddoomiyaha iyo Danjiruhu waxaa kale oo ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka labada Dal, sidii ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta uga qayb qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee haatan ka socda dalka, iyo waliba in la dhiso xiriir wax tar leh oo wada shaqayneed oo dhax mara Golayaasha Sharci dejin ee labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...