Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho.

Date:

Muqdisho June, 04, 2022:- Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.

Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Ugu danbayn, Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...