Home Blog Page 665

Ciidanka Xogga Dalka oo burburiyay mid kamid ah maxkamad beenaadyada ugu weyn kooxda Argagixisada ay ku lahaayeen Gobolka Baay .

Ururka 46-aad, Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Baay ku burburiyay mid kamid ah maxkamad beenaadyada ugu weyn kooxda Argagixisada ay ku lahaayeen deegaanka Moodo-moodo ee Gobolka Baay katirsan.

Taliyaha ururka 46-aad, Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka xidigle Cadow Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay howlgalkaas cagta kumariyeen saldhigyo ay maleeshiyadka Shabaab ku lahaayeen deegaanada Buulo-fulaay, iidaale, Raama-cadoy iyo Moodo-moodo.

 

DAAWO:Booliska Soomaaliya oo baaq u diray shacabka Soomaaliyed.

0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Abdifitax Aadan Hassan  ayaa ku wargaliyay shacabka Soomaaliyeed in carruurta lumay iyo kuwa ambadka ah la geeyo saldhigyada Booliska degmooyinka gobolka Banadir .

SAWIRO:Taliska Nabad-sugidda Koonfur galbeed oo soo bandhigay dhagarqabayaal ka soo goostay kooxda Argagixisada Al-shabaab.

0

Taliska Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Koonfur galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo ku soo bandhigay dhagarqabayaal ka soo goostay kooxda Argagixisada oo gacanta dowladda isku soo dhiibay.

Dhagar-qabayaashan ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cali Isxaaq, Mukhtaar Maxamed Ibraahim, Xasan mad kariim sheekh, Cabdulaahi Sankuus Maxamed iyo Maxamed Jeelow Shariif.

Gobolada Jubbooyinka, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa Nabad-diidka Shabaab muddo badan uga soo dagaalameen, iyagoo si gaar ah uga tirsanaa qeybta jabhada.

SAWIRO:Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay madaxda dowlad gobaleedyada dalka.

0
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah u sameeyay madaxda dowlad gobaleedyada dalka, kaasoo ka dhacay hoteelka uu daganyahay Madaxweynaha cusub.

DAAWO: Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo la wareegay deegaanka Ceelbaraf.

0
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ayaa la wareegay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha dhexe ee maamulka Hiirshabelle.
Taliyaha ururka 12-Aad guutada 4-Aad qeybta 27-Aas ee ciidanka dalka Gaashanle Cali Xuubeey oo wareysi siiyay radiomuqdisho ay faahfaahiyay howgalka ay deegaankaas uga xoreeyeen Argagixisada Al-shabaab.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU SOO DHOWEEYEY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD MADAXTOOYADA QARANKA

Muqdisho, May 17, 2022: Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan booqasho iyo salaan ah waxa uu Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo qaabilay safiirka dalka Masar.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta hoygiisa ku qaabilay safiirka dalka Masar Amb. Mohamed El Baz oo u yimid salaan iyo hambalyo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Masar mudane Dr. Ali Abdel-Aal.

Wuxuu safiirku bogaadiyay dadaaladii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ku aaddanaa dhamaystirka doorashada ee ahayd mid xur iyo xalaal ah.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka guddoomay hambalyada uu danjiraha soo gaarsiiyay waxaana uu sheegay in labada dowladood ay kawada shaqeyn doonaan horumarada kala duwan ee labada dal.

MADAXTOOYADA QARANKA OO U GUDDOONTAY MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD DHAMBAALLO HAMBALYO AH OO KA SOCDA DALALKA CAALAMKA

0

 

Muqdisho, May 17, 2022; Madaxtooyada Qaranka ayaa u guddoontay Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-ka bishaan.

Dalalka aan walaalaha nahay iyo kuwa ay naga dhaxeyso saaxiibtinimada ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada qabsiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab.

Dalalka hambalyada u soo diray Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Sidoo kale, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo u soo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistaan oo sheegay inloo qorsheeyey isku day dil.

Ammaanka ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa aad loo adkeeyey, ka dib markii uu sheegay in la qorsheeyey, isku day dil, oo la doonayey in isaga lagu khaarajiyo. Xafiiska ra’iisal wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in uu faray laamaha kala duwan ee dawladda, inay sugaan ammaanka ra’iisal wasaaraha hore, xilliyada uu ku sugan yahay isu-soo baxyada kala duwan iyo shirarka waaweyn.

Xisbiga ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan ayaa abaabulay isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo dawladda dalkaas ka arrimisa, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu baarlamaanka dalkaasi xilka ka qaaday Imran Khan iyo xukuumaddiisa, waxaana lagu bedelay ra’iisal wasaare Shehbaz Sharif.

“Gudaha Pakistan iyo weliba meelo debedda ah, ayaa la iigu maleegay shirqool khaarajin ah” sidaas waxaa sheegay ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo ka soo muuqday isu soo bax ka dhacay magaalada Faisalabad.

“Waxaan hayaa fariin muuqaal ah oo aan duubay, waxaanna ku hayaa meel ammaan ah. Haddii ay wax igu dhacaan, Ilaahay innaguma keenee, waxaa la sii baahin doonaa muuqaalkan duuban, halkaas oo aan ku faahfaahinayo dhammaan dhinacyada ku lugta lahaa isku dayga la doonayey in la igu khaarajiyo” ayuu sii raaciyey Imran Khan, isaga oo aan faahfaahin dheeri ah bixinin.

Ra’iisal wasaaraha hore ee Pakistan ayaa ku adkaysanaya in lagu ciqaabay, inuu qaatay siyaasad dhex dhexaad ah oo ka madax banaan wadamada reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, taas oo ay ka cadhoodeen safarkii uu ku tegey dalka Ruushka, hase ahaatee Maraykanka ayaa iska fogeeyey eedahaas.

Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa howlgalka ATMIS oo maanta la wareegay Deegaanka Ceel baraf ee gobolka shabeeladda Dhexe.

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka ceel Bara fee gobolka shabeelada dhexe ee maamulka Hiirshabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo garab sanaya  kuwo Xooga Dalka  Soomaaliya iyo maamulka Hiirshabelle ayaa dib ula wareegay degaankaas oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo laba todobaad ka hor ay la wareegeen Argagixisada Maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

Ka hor la wareegitaanka degaanka Ceelbaraf Ciidamada huwanta ah ayaa waxaa jirtay inay madaafiic ku duqeeyeen degaanka, waxaana diyaaradaha kuwa Qumaatiga u kaca ee Helacopter-ka ay ku dageen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, iyaga oo aan wax iska caabin ah la kulmin.

Dadka degaanka Ceelbaraf ayaa ku waramaya in Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kana yimid dhinaca degaanka Miirtuugo ay iyana soo galeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen argagixisadii Al-Sbabaab.

Ciidamada Dowladda iyo howlgalka ATMIS ayaa wada baaritaano lagu baadi goobayo argagixisadii maleeshiyaadkooda kuwaas oo ku firxaday baadiyaha deegaankaas.