Home Blog Page 666

Dowladda Soomaaliya oo dooneysa in la kala diro Guddiga xiriirka ka hortaga Burcad Badeeda Soomaaliya.

0

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha amaanka qaramada midoobay ugudbisay qoraal ku saabsan in la kala diro guddiga xiriirka ka hortaga burcad badeed Soomaaliya kadib markii aan sedexdii sano la soo dhaafay aan dalka laga diwaan galinin kiis afduub ee xaabadaha dalka.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo jeedisay in la kala diro guddiga maadaama sedexdii sano ee la soo dhaafay in xeebaha dalka laga diwaan galin afduub iyo dhacdooyinka iyadoo sanadkii ugu dambeeyay aanan la araga isku day xattaa.

“Sedexdii sano ee la soo dhaafay xeebaha Soomaaliya lagama diwaan galin kiis afduub Burcadeed taasi bedelkeeda dowladda Soomaaliya waxa ay urragtaa in laga maarmo Guddiga isla markaana loo baahanyahay in dib -u-eegis lagu sameeyo.

Sida qorshahu ahaa dhaqaalaha ku baxa guddiga waxaa ka mid ahaa in gudaha Soomaaliya laga dhiso xabsiyo iyo maxkamado lagu qaado dacwadaha dadka loo soo qabto kiisaska burcad badeeda hase ahaate waxa ay ka dhiseen dalalka Kenya Tanzania iyo siishilis waana sababta dowladda soomaaliya ay udooneyso in meesha la taaganyahay laga gudbo ayuu yiri Danjire abuukar Baale.

Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya Amb Abuukar Daahir Cismaan Baale waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyo sidoo loo joojin lahaa kalluumeysiga sharci dara ah oo maraakiibta shisheeye ku hayaan gudaha dalka kuwa ku shuba wasaqda iyo sidii ay dowladda Soomaaliyeed awood ugu yeelan laheyd qaadista dacwadaha xeebadaha dalka ay uqaadi laheyd.

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay ka hortaga kalluumeysiga sharcidarada iyo maraakibta shisheeye ee wasaqda ku shubayo biyaha baddeyna iyo sidoo kale inay muujiso awooda qaadista dacwadaha ka dhasha dambiyada ka dhacda baddeyna gaar ahaa burcad badeeda iyo kuwa kale ee sharcidarada ah.

Danjire Abuukar Baale waxa uu sheegay in la joojiyay lacagtii lagu bixin jiray guddigaan sedexdii sano ee lasoo dhaafay isla markaana dowladda Soomaaliyeed ay golaha amaanka qaramada midoobay ka sugeyso in lakala diro taa bedelkeedana laga shaqeeya dhismaha ciidamada illaalada xeebadaha dalka .

“Waxaan ku guuleysanay inaan xayirno dhaqaalihii lagu bixin jiray waxaana waa bedelkeeda dooneynaa inaan dib udhis ku sameyno ciidanka illaada xeebaha si aan awoodeyna kor ugu qaadno.

Ugu dambeyntii Danjiraha qaramada midoobay ufadhiya Soomaaliya abuukar Daahir Cismaan Baale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ula jeedada ugu horeysa ay tahay in masuuliyadda ilaallinta xeebaha Soomaaliya maadaama ay iyadu xaq uleedahay waajibna ay tahay in la helo ciidanka illaalada xeebadaha dalka.

hadalkaan ayaa yimid kadib markii uu wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan uu khudbad  ka jeediyay golaha amaanka qaramada midoobay oo looga hadlayay cusbooneysiinta hishiiska sanad kasto lagu cusbooneysiiyo howl-galka gudiiga .

 

Warsaxaafadeed ku saabsan doorashada guddoonka guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal.

0
Guddiga Hireglinta Doorashooyinka Heer Federaal ee 2020/21 isaga oo ka duulaya waajibaadkii ay u igmadeen Golaha Watashiga Qaranka ee heshiiska siyaasadeed ku gaaray magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020;
Kaddib markii uu muddo bil ah siiyay tababarka, dajinta habraacyada muhiimka u ah shaqada Guddiga iyo isla jaan qaadka xubnaha gudiga ee Muqdisho ku sugan;
Kaddib markii uu qiimeyay mas’uuliyadda culus ee ka saaran in dalkan ay ka dhacdo doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah, lagana fogaado dib u dhac dheeri ah oo ku yimaadda jadwalka doorashada ee ku xusnaa heshiiskii siyaasadeed ee ay wada gaareen Madaxda Dawladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah Dowladda Federaalka;
Waxa uu Guddigu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga. Sidaas darteed waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 05/12/2020 ku qabsoomay Hotel Decale doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga.
Waxaa soo xaadiray 20 xubnood oo ka mid ah 25 xubnood ee Guddigu ka kooban yahay, waxaana xilka Guddoomiyaha isu soo taagay Dr. Libaan Abuukar Cismaan iyo Mudane Maxamed Xasan Maxamed, halka Guddoomiye Kuxigeenka ay isu soo taageen Mudane Yusuf Maxamed Kheyr iyo Qareen Mowliid Mataan Salaad.
Codku waxa uu u dhacay sidan soo socota;
Wareegii koowaad ee doorashada waxaa Mudane Maxamed Xassan Maxamed uu helay 17 cod, halka Dr. Liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod. Intaas kaddib waxaa la bilaabatay doorashada Guddoomiye Kuxigeenka, balse intii aan codeyntu bilaaban ayaa waxaa tanaasulay Mudane Yusuf Maxamed Kheyr , Sidaas darteed sida Xeer Hoosaadka Guddiga uu dhigayo, waxaa xubnihii Guddigu si gacan taag ah wada jir ugu ansixiyeen in Mowliid Mataan Salaad oo ahaa musharixii labaad uu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
Gunaanadkii, Guddigu waxa uu u ballan qaadayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan daneeyeyaasha arrimaha doorshooyinka in waajibka qaran ee saaran uu u gudan doono si hufan, daah furan oo caddaalad ah., wuxuuna Guddigu ka codsanayaa dhinacyada oo dhan in ay garab ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla Doorasho Xor ah Waa Xalka Dalka.
                                                 DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyey kullan looga diyaar garoobayo madasha Soomaaliya iyo Saaxiibadda Caamalka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shir guddoomiyay kullan ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka soomaaliya iyo khubaro kala duwan oo looga hadlayay u diyaar garowga Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum).

Madasha Soomaaliya iyo Saaxiibbada Caalamka (Somali Partnership Forum) ayaa toddobaadkan lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska ee ka Howlgala Magaalada Dhusamareb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa.

0

Ciidammada Boliiska ee ka Howlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku dhigaan Waxyaabaha Qarxa oo lagu qariyey Meel aan sidaasi uga fogayn Saldhigga Booliiska Magaalada,

Taliyaha Boliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo ka warbixinayay sida ay ugu suuragashay soo qabashada Waxyaabahan qarxa, ayaa waxa uu xusay in ay Ciidammadu wadaan Baaritaan lagu ogaanayo Dadkii ka dambeeyey Falkan.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada si looga hortago Wax waliba oo Amniga ka hor imaanaya sidoo kalana Booliisku u sii Xoojin doono Amniga Caasimadda.

Dhawaan ayaa sidan oo kale Bartamaha Magaalada Xili Habeen ah laga qabtay Dhagarqabe doonayey inuu Fal Argagixiso ka fuliyo Goob Dadka Shacaka ah ku sugnaayeen waxaana Gacanta ku haya Baaritaanana ku samaynaya Ciidamada Amaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta oo kulan la qaatay xubno ka socday Jaamacadaha Dalka.

0
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Eng.Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa maanta kullan isbarasho iyo is xogwareysi kula yeeshay xubno ka socday ururka midowga jaamacadaha Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa xubnaha ka Socday jaamacadaha kula dardaarmay inay laban laabaan dadaalkooda si loo helo jaamacaddo tayeysan.
Wasiirka ayaa u ballan qaaday in uu xilweyn iska saari doono tayeynta jaamacadaha wuxuu kaloo wasiirku soo hadal qaaday kormeerkii iyo hubintii dhawaan ay guddiga Tacliinta Sare ku sameeyeen jaamacadaha.
Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la shaacin doono natiijada ka soo baxday kormeerka uu guddiga ku Sameyay jaamacaddaha.
Waxaa kullanka Goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ,Wasiiru dowlaha waxbarashada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha Tacliinta Sare.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyay shir looga hadlayay xal u helida biyo fariisadka iskuulka Xamar-jadiid+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka deegaanka laanta Xaawo Taako ee degmada Howlwadaag.

Kulanka ayaa yimid kaddib cabasho ka timid ganacsatada iyo dadka deegaanka oo la xiriirtay in xal loo helo biyaha fariista iskuulka Xamar jadiid ee degmada Howlwadaag.

Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada ka dhageystay warbixino la xiriira dhibaatada lagu qabo biyo fariisadka,waxaana lagu ballamay in kulamo kale leyskugu yimaad si wax looga qabto arrintaan.

Kulanka waxa Goobjoog ka ahaa Guddomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka iyo Guddoomiyaha Degmada HawlWadaag.

Shir looga hadlayo shaqo la’aanta oo Muqdisho ka furmaya.

0

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa magaalada Muqdisho ku qabaneysa taariikhdu markey tahay 6 iyo 7 bishaan December shirkii ugu horreeyay ee shaqada (NEC 2020).

Madasha ayaa isku keeni doonta dhammaan dhinacyada ay quseyso oo ay ugu horreeyaan ganacsatada,hay’adaha caalamiga ah,dowlad goboleedyada iyo qeybaha bulshada.

Muddada labada maalin ah oo shirku socdo ayaa lagu falanqeyn doonaa wax ka qabashada shaqo la’aanta, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto dowrkeeda hoggaamineed ee wax ka qabashada shaqo la’aanta dhallinyarada.

Go’aankii golaha wasiirrada Puntland oo maanta lagu wado inuu dhaqan galo.

0

Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii khamiistii kasoo baxay golaha wasiirrada maamul goboleedka Puntland, kaas oo shirkadaha isgaarsiinta lagu siiyay amar ah in hal doollar ama ka yar aan la isugu diri Karin adeegyada Sahal iyo E-dahab.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay Shirkadahaas amar ku siiyay, in ay sarrif ahaan u qaataan Lacagta Shiling Soomaaliga ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Shilin-ka oo hoos u dhac ballaaran ku yimid, taas oo sicir-barar keentay.

War shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa lagu adkeeyay shirkadaha in ay u hoggaansamaan awaamiirtii kasoo baxday shirkii golaha wasiirrada.

Halkaan hoose ka akhriso 

Horjoogihii guud ee argagixisada Al-shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan oo gacanta lagu dhigay.

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Howgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha Degmada Walaweyn ee Gobolka shabellaha Hoose waxa ay ku soo qabteen Madaxii guud ee Dilalka qorsheysan ee Al-shabaab.

Ciidanka Sida gaarka u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa u dhacay guriga Horjoogahaan oo Lagu Magacabo Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida  ayaa sheegay in Howlgalkaan laga fuliyay gudaha Degmada Walaweyn ee gobolka shabellaha Hoose lagu soo qabtay Madaxii Guud ee Dilalka Qorsheysan ee argagixisada Al-shabaab.

Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Xogta Horjogahaan laga warhaaye isla markaana degmada Walaweyn uu soo gaaray Habeen ka hor.

 

Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tayeyneysa adeegyada isbitaalka Cadaado+(SAWIRRO).

0

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug ayaa iyadoo ka duuleysa baahiyaha caafimaad ee ka jira magaalada Cadaado waxey isbitaalka guud ee Cadaado keentay dhaqtar u dhashay dalka Masar oo ku takhasusay qaliimada guud.

Dhaqtarka Ayaa waxaa Garoonka diyaarayaha magaalada Cadaado Kusoo dhaweeyay Shaqaalaha isbitaalka Guud ee magaalada Cadaado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka caafimaadka Galmudug Cabdi wali Cismaan Jaamac Ayaa sheegay in isbitaaka cadaado uu noqon doono isbitaal tusaale unoqda isbitaallada deegaannada Galmudug,isagoo xusay in wasaaradu ay tayeyneyso goobaha caafimaad ee Galmudug si bulshadu ay u helaan adeegyada ay uga baahdaan.

Dr Cabdiraxman Maxamud oo ah dhaqtar ku takhasususay qaliimada guud  ayaa sheegay inuu waqti badan Joogi doono magaalada Cadaado shaqo badana ka qaban doon arrimaha caafimaadka.