Home Blog Page 666

DAAWO-Duqa Magaalada Minneapolis Mudane Jacob Frey oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka somaliya Mudane Hassan Sheikh .

0

Duqa Magaalada Minneapolis Mudane Jacob Frey & Gudoomiyaha degmada lixaad ee Magaalada Minneapolis Mudane Jamal Osman ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka somaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamoud,iyagoo Madaxweynihii ka horreeyeyna ku ammaanay shaqada wanaagsan ee dalka ka qabtay inta uu hayey.

War bixintaan waxaa soo diray wariye Abdihakim Abdi Ismail.

Shil gaari oo ka dhacay laamiga xariiriya Magaaloyinka Galkacyo iyo garoowe ee Maamulka puntland

0

Dad gaaraya 15 ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo gelinkii danbe ee shalay ka dhacay nawaaxiga tuulada Birta-dheer oo qiyaastii 50km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka puntland.

 

Gaari nooca loo yaqaan ‘DYNA’ oo rakaab siday ayaa shilkaas ku galay jid-cadde u dhow tuulada Birta-dheer wax yar kadib markii uu ka leexday laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Dhaawacyo kala duwan oo shilka ka dhashay islamarkaana qaarkood culus yihiin ayaa la keenay xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Garoowe halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

 

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya gudaha Puntland waxaana todobaadkan oo keliya la diiwaan-geliyay ilaa afar shil..

Laba maalin ka hor ayeey aheed markii shil sababay dhimasho iyo dhawac uu ka dhacay wadada xariirisa Magaaloyinka Qardho iyo garoowe.

Recep Tayyip Erdoğan oo dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

0

Madaxweynaha waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 

“Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Erdoğan.

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay sii laba-jibbaarayso taageeridda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Dowladda turkiga ayaa gacan weyn oo milatari iyo dhaqaalaba siisa dalkeena ,iyadoo saldhiga ugu weyn ee qaraada Africa uu ku leeyahay turkiga ku yaal magalaada Muqdisho ,taas oo kumanaan askar iyo saraakiil Soomali ah ay ka aflaxeen

Dowladda mareekanka iyo urururka iskaashiga islaamka oo war ka soo saaray doorashada madaxweyne Hassan Sheikh maxamuud.

0

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhowaysay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud.

Bayaan ka soo baxay wasaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay hadda haysato fursad dib u-habayn loogu samayn karo dhinacyada siyaasadda dhaqaalaha iyo amniga dalka.

“Soomaaliya waxay hadda haysataa fursad ay diiradda ku saari karto dib u habeynta siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga ee lagama maarmaanka u ah horumarinta danaha dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maraykanka ayaa madaxweynaha cusub iyo dhammaan madaxda Soomaaliyeed ku dhiirri-geliyay in ay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimoquraaddiyada ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhammaan madaxda Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan xoojinta dowladnimada iyo hay’adaha dimuqraadiga ah.”

Sidoo kale wuxu ku baaqay in horumarin lagu sameeyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay ula dagaallaman Al-shabaab islamarkaana si buuxda amniga dalka uga la wareegaan ciidamada nabad Ilaalinta ATMIS.

Dhinaca kale ururka  iskaashiga islaamka ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku soodhaweeyey doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya  Hassan sheikh Maxamuud oo markale loo doortay Jagadaas.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan mahad celin ah u sameeyey Saraakisha Booliska.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan mahad celin ah la qaatay saraakiisha sare ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku amaanay dadaalkooda joogtada ah iyo sugiddii amniga dooraashada madaxweynaha oo ku dhacday si nabdoon.

Wuxuuna sidoo kale uga mahadnaqay in markasta ay u taagan yihiin ilaalinta shacabka Soomaaliyeed ayuuna ku dhiira geliyey in aanu marnaba ka seexan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Midowga Jaamacaddaha Soomaaliyeed oo hambalyo u diray Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

0

Midowga Jaamacaddaha Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane: Xassan Sheekh Maxamuud kaasoo xilka Madaxweynimo mar kale loo doortay.

“Mudane Madaxweyne, Midowga Jaamacaddaha waxaa sharaf weyn u ah in mar kale laguu doortay hogaaminta dalka.

Waxaan Illaahay kaaga baryeynaa inuu masuuliyadaas kuu fududeeyo. Waxaan ku hanweynahay inaad karti iyo waayo-aragnimaba u leedahay sidii aad dalka iyo dadkaba uga saari laheyd caqabadaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee xiligaan jira”

Mahadsanid,
Dr. Maxamed Maxamuud Bidey
Gudoomiyaha Midowga Jaamacaddaha Soomaliyeed

Musharrax Nucmaan sheikh Omar oo hambalyo u diray Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

0

Nucmaan Sheikh omar oo kamid ah murashixinta u Tartameysey xilka madxweynaha wadanka ayaa Hambalyo u direy Madaxweynaha cusub ee Dorashada ku guuleystey mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Siyaasi Nucmaan Sh cumar ayaa u madaxweyne Hassan ku tilmaamey shaqsigii mudnaa waqtigan isagoo u mahadceliyey Dhamaan siyaasiyiintii iyo Xildhibaanadii doorka ku lahaa guushiisa.

Hassan shekh waa nin istaahila xilkan waa nin kasoo bixi kara waana shaqsi isku wada kara Qeybaha kala duwan bulshada muxaafad iyo mucaaradba ayuu yiri Nucmaan cumar oo la Hadleyay warbaahinta qaranka.

Siyaasi Nucmaan ayaa ugu dambeyn kula dardaarmey madaxweyne Xasan sheekh in uusan noqon xasan koox gaar ah lagu tiriyo ee uu noqdo xasan soomaaliya dhan wax u qabta .

 

Ra’iisul Waaaaraha XFS oo caawa la kulmay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud .

0

Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho hambalyo iyo salaan ah ugu tagay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay.

Raisulwasaraha iyo madaxweynaha ayaa sidoo kale kawada hadlay xaalada guud ee dalka iyo amniga guud.

Dowladda Mareykanka oo saxiixday in boqolaal ciidankeeda gaarka ah la keeno Soomaaliya.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa saxiixay in boqolaal ciidanka gaarkaa ee Mareykanka la keeno Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka noqon doona dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, sida la sheegey.

Mareykanka ayaa sannadkii hore dalka kala baxay ciidamadiisa, lamana oga hadda oo xukuumad cusub dhalatay waxa soo ceeliyey.

Arintaan ayaa timid iyadoo xalay markale Madaxweynaha soomaaliya loo doortay Hassan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa la kulmay saraakiisha laamaha amniga.

0

Madaxwaynaha dalka Hassan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud ayaa saraakishaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka.

Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda uu hogaamiyo Hassan sheikh Maxamuud.