Home Blog Page 664

Madaxweyne Farmaajo Oo Villa Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukumadda Ingiriiska+(SAWIRRO).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa la wadaagay qorsheyaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidamada, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuquraadiyadda iyo dhaqaalaha.

“Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siyaasaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashiga. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, adkeynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda taageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingiriiska Mudane James Duddridge ayaa dowladda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hirgelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabsoomto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda dalkaas ee Somaaliya Mudane Ben Fender Obe.

Madaxweyne Deni: Cidii diida lacagta Shilin Soomaaliga Sharciga ayaan la tiigsaneynaa+(SAWIRRO).

0

Madaxwaynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni aya kula hadlay guriga gobalka, waxgaradka qaybihiisa ,ganacsato ,madaxda shirkasaha isgaarsiinta iyo guddiyada ganacsatada yar ee suuqlayda ah kuwaasi oo maalmihi ugu danbeeyay muujiyay cabasho la xiriirta qaadashada shilin soomaaliga iyo sare u kac baahsan oo ku yimid qiimaha lacageed ee lagu kala badasho lacagaha qalaad.

Madaxwayne Deni oo la hadlayay bulshadaani kala duwan ayaa ku dheeraaday ka hadlida sababta keentay sare ukaca shilin soomaaliga iyo sicir bararka wada jira eeda ugu wayn ee arintaasina dusha u saaray ganacsatada waawayn ee wax soo dajiya ama dhoofiya oo uu sheegay inay yihiin kaliya faa’iido doon aan marnaba eegayn danta bulshada iyo danyarta midna.

Madaxwaynaha puntland ayaa qeexay sababta ay dowladdu u joojisay lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee ay ku qaadi jirtay canshuurta dekada boosaaso kuna tilmaamay inay tallabadaasi u qaadeen si loo yareeyo sicir bararka suuqyada puntlandna ay noqdaan kuwa isu dheeli tiran.

Madaxweyne Deni ayaa gabagabadii fariin adag u diray ganacsatada puntland gaar ahaan kuwa boosaaso sidoo kalana dowladaha hoose ee puntland ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cidii ka hor timaada amarada maamulka ee lagu xakamaynayo sicir bararka iyo qaadashada shilin soomaaliga.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo inta badan deegaanada puntland ay ka jirto jaha wareer baahsan oo uu abuuray diidmada ganacsatada ee shilin soomaaliga iyo sarifka oo tagay halkii ugu saraysay gudaha puntland.

Duqa Degmada Galkacyo oo kormeeray Xaafadaha Magaalada+(SAWIRRO).

0

Duqa dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, ayaa maanta kulan looga hadlayay xoojinta wada shaqeynta la yeeshay guddoomiyaasha xaafadaha magaalada.

Duqa dagmada galkacyo ayaa kulanka ka hor kormeer qiimeyn ah ku sameeyay baahiyada adeegyada bulshada ee ka jira xaafadaasi iyo jidadka xiran oo uu maamulku qorsheynayo in dib loo furo isagoo sidoo kalana kormeeray howlaha shaqo ee ka socanaya xarumaha caafimaad ee loogu adeego bulshada xaafadahaas.

Bulshada xaafada Howlwadaag oo qeyb ka ahaa kulanka maanta ayaa ka warbixiyay adeegyada xaafada, iyagoona sheegay in ay ku faraxsan yihiin kormeerka iyo kulanka maanta ay la qaateen duqa dagmada galkacyo iyo xubnihiisa golaha deegaanka qaarkood.

Duqa dagmada Galkacyo Cabdiraxmaan sheelh xasan jimcaale  ayaa sheegay culeys kasta oo jira looga bixi karo  isku tashi bulshada iyo maamulka ah.

Duqa dagmada Galkacyo iyo xubnihiisa golaha deegaanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay kulama gaar gaar ah la qaadan doonaan bulshada iyo maamulka xaafadaha; Garsoor, Wadajir iyo Horumar ee Galkacyo.

Wadanka UK oo Saaka Meel Mariyay Daawada Cusub, ee Talaalka karoona.

0

Margaret Keenan oo isbuucan noqoneysa 91 jir, ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay guud ahaan dalka UK ee la siiyo talaalka Covid-19.

UK waxaa saakay si rasmi ah uga bilowday talaalka Covid-19 waana dalkii ugu horeeyay ee ansixiya.

Waxaa talaalka qeybtiisa koowaad ahmiyad gaar ah la siin doonaa dadka 80 sano ka weyn iyo shaqaalaha caafimaadka.

Ilaa 50 goob oo caafimaad ayaa la geeyay talaalka.

Waaxda caafimaadka ayaa u yeeri doonta qofka la talaalayo.

Waxaa qorshuhu yahay in la talaalo ilaa 40 malyuun oo qof

Iyadoo cudurka safmareen ka ah ee Covid-19 uu saameen weyn ku yeeshay aduunka oo dhan ayaa  UK waxay noqotay dalkii ugu horeeyay aduunka ee meel mariya daawada cusub, ee talaalka karoona.

 

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo go’aan ka soo saartay Muwaadiniinta Kenya ee soo galaya dalka.

0

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa go’aan ka soo saartay Muwaadiniinta Kenya ee soo galaya dalka Soomaaliya.

Halkan Hoose ka Akhriso.

Wasiirka Hawlaha Guud ee XfS oo kulan la yeeshay shirkadda dhisaysa Waddada Muqdisho iyo Afgooye.

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeyta XFS Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalim (Somali) ayaa maanta kulan isbarasho iyo is xog-waraysi ah xafiiskiisa waxaa uu kula yeeshay madaxa guud ee Shirka dhismaha Turkiga ah ee ANEZ Company oo ah Shirkadda dhisaysa Waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa waxaa uu ka waraystay halka uu marayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxa uga harsan iyo Caqabadaha ay lakulmeen intii uu socday dhismaha Waddadan iyo sidii loo bilaabi lahaa dhismaha Waddada Muqdisho iyo Jowhar.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Aadan Macalim ayaa ugu dambayntii waxaa uu bogaadiyey shaqada culus ee ay hayso shirkadda ANEZ, waxana uu uga tacsiyeeyay dhamman shaqaalihii ku dhintay intii ay socotay shaqada dhismaha Waddada gaar ahaan Injineeradii Turkida ahaa, Inta ku dhaawacantayna waxaa uu u rajeeyey in allaah caafimaad deg deg siiyo.

Xanuun cusub oo aan wali la garan oo dad badan loo seexiyey isbitaal dalka Hindiya.

0

Hal qof ayaa u dhintay 300 oo kale isbitaal ayaa loo seexiyay xanuun cusub oo aan wali la garan kaas oo lagu arkay dalka Hindiya.

Gobolka of Andhra Pradesh ee koonfuurta Hindiya ayaa dhaqaatiirtu sheegeen in xanuunka uu ka jiro.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka Hindiya nin 45 jir ah ayaa xanuunka u dhintay kadib markii isbitaalka la keenay isaga oo loo hayay sida calaamadaha xanuunka qalalka oo kale .

Xanuunka ayaa la sheegay in uu marka hore qofka dareemayo matag marka xigtana uu miir daboolmayo istaagana  ka dhacayo.

Waaxda caafimaadka ee gobalka of Andhra Pradesh ayaa baartay biyaha deegaanka laga cabo balse waa laga waayay wax sun ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si rasmi ah ufuray madasha iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa ayaa daqiiqado ka hor xarunta xalane ka furay madashada iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay furitaanta shirka ayaa ka hadlay arrima badan oo ay ka mid yihiin la daagalanka argagixisada ,Amniga iyo doorashooyinka.

Shirka waxaa ku sugan sidoo kale Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) wasiiro iyo xilidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) qaar ka mid safiirada beesha caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Ergaryga gaar ah ee qaramada midoobay uqaabilsan Soomaaliya James Swan sidoo kale khudbad dhinac Zoomka ah uga soo qeyb-galay

hada waxaa socota khudbada madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Garowwe uga jira aalada fogaan arrga ee Zoomka,waxaana sidoo kale qorshahun yahay inay shirka ka hadlaan xubno ka socdo beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.

Shirka Madasha Iskaashiga ee dhaqaalaha dalka oo goordhaw Muqdisho ka furmayo.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socdo magaalada muqdisho ka furmo Shirka madasha iskaashiga ee Partnership Forum, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Shirka oo ku qabsoomi doono dhinaca Internet-ka ee Aalada Zoomka ayaa waxaa uu ajandihiisu yahay  ka hadlida Arrimaha doorashooyinka, Amniga, sii wadida dib-u-habeynta garsoorka ganacsiga dhaqaalaha, horumarka xagga deynta cafinta laga gaaray iyo  kasoo kabashada duufaan ku dhufatay meel kamid ah dalka.

Shirka ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha beesha caalamka oo ay kamid yihiin Wakiilka QM ee Somalia James Swan, Wakiilka Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Sidoo kale Xubnaha dhinaca dowladda ee shirka ka qeyb-galaya ayaa waxaa kamid ah, Ra’iisul Wasaare Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, & Wasiirada, gaashaandhigga, Amniga, Cadaaladda, Dastuurka, Haweenka & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey.

Doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka oo maanta dalka Ghana ka dhaceysa.

0

Shacabka dalka Ghana ee galbeedka afrika dhaca ayaa saakay u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub.

11 musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha kuwaas oo ku dadaalaya in ay codka dadka helaan .

Musharaxiinta ugu cad cad ee hardanka culus uu dhaxmarayo ayaa ah madaxweynaha iminka xafiiska jooga Nana Akufo-Addo iyo madaxweynihii hore ee uu ka guuleystay sanadkii 2016 John Dramani Mahama.

Ghana oo lagu tiriyo dalka ugu wanaagsan galbeedka afrika marka ay timaado dimuqraadiyada waxaa iminka heysta dhibaatooyin badan oo ay tahay in uu wajaho xalkooda qofkii xilka ku guuleysta.

Shaqo la,aanta dhaliyada, amaanka iyo saameynta dhaqaalaha ee Covid-19 ayaa ah waxyaabaha doorashada salka u ah oo musharaxiinta ay dadku ku xulan doonaan qorshaha uga aadan