Home Blog Page 664

SAWIRO:Ciidamada xoogga dalka oo kooxda argagaxisada Al shabaab dib uga caabiyay Matabaan.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa DG Galmudug ayaa maanta kooxda argagaxisada Al shabaab dib uga caabiyay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay isku dayeen inay weerar gaadmo ah ka geystaan.

Howlgalkan oo ciidamadu ku sugayaan amaanka Magaalada ayaa waxaa hoggaaminayay Saraakiil sare, maamulka degmada iyo madax uu kamid yahay Gudoomiyaha magaalada Guriceel oo halkaaa gurmad u tagey.

Ciidamada xooga dalka iyo kuwa galmudug ayaa Baadiyaha degmada Matabaan waxa ay kawadaan howlgalo lagu baadi goobayo firxadka Argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya Baadiyaha degmadaas.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo maanta kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed .

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed .

SAWIRO:Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Jubaland.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo gudoomiyey shir looga Hadlayey arimaha Abaaraha.

0

Madaxweynaha JFS Mudane Hassan sheikh  Maxamuud ayaa maanta gudoomiyey shir deg deg Ah oo looga hadlayey xaalada abaaraha dalka ka Jira.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo la kulmay Gudoomiyaha Golaha shacabka BJFS.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka BJFS.

kulankaan ayaa ahaa mid ay uga wadatashanaayaan xilligaan kala guurka ah.

Waa kulankii labaad ee ay yeeshaan madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud iyo gudoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan madoobe

 

Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya.

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem.

SAWIRO:Madaxweynaha JFS oo maanta  la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xalay la kulmay Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud. 

Madaxweynaha maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay la kulmay Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

Galmudug oo Caawa shaacisay magacyada 36-qof oo Galmudug u aqoonsatey dambiilayaal.

Taliska Booliiska maamulka Galmudug ayaa Caawa shaaciyey magacyada 36-qof oo Galmudug U aqoonsatey in ay yihiin dambiilayaal, kuwaa oo la Farey laamaha amniga ee Galmudug iyo Muumalada kaleba in ay gacan ka geystaan soo Qabashadooda.

Ragan la baadi goobayo ee baxsadka ah waxaa Ugu horeeya sida qoraalka la baahiyey ku cad Hoggaamiyihii kooxda la baxdey Ahlusunna Sheikh Shaakir iyo 35 kamid ah horjoogayaashii Ciidankiisa.

Xubnahan la shaaciyey ayaa qayb ka ahaa Horjoogayaasha baxsadka ah ee kooxda la baxday Ahlusunna oo qaarkood lasoo wariyey in ay Gaareen Deegaanada Puntland, halka kuwo kale u firxadeen Muqdisho iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Maalmo ka hor kooxdaan ayaa weerer culus ku Qaaday Magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo waxyeelo ka soo Gaartay Dad Shacab ah.

 

Madaxweyne Hassan sheikh oo caawa qaabilay Safiirka Imaaraadka carabta ee soomaaliya.

Safiirka dowladda Imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatay caawa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud.

Safiirka ayaa mudane madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada dalka oo Markale loo doortay.