Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada Nabad sugida Magaalada Garbahaareey.

Date:

MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Magaalada Garbahaarey ee caasimada Gobolkaas ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Argagixisada Maleeshiyadka  Al-Shabaab.

 

Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxdaan, kadib markii uu u adkeysa waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.

 

Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ayaa sheegay inuu ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxdaas Nabadiidka ah ay ku qaldaan bulshada.

 

Waxaa maalmihii danbe kordhay maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ee isku dhiibaya cidamada Amniga ee  ku sugan Gobolada Baay, Gedo Iyo Bakool kadib markii koxdaan looga itaal roonaaday dagaalo culus oo ka socda goobo katirsan goboladaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...