Dhagarqabe katirsan Argagixisada Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada Nabad sugida Magaalada Garbahaareey.

Date:

MUQDISHO-JUUN-11-6-2022-:Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa Magaalada Garbahaarey ee caasimada Gobolkaas ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Argagixisada Maleeshiyadka  Al-Shabaab.

 

Cabdicasiis ayaa ka soo goostay kooxdaan, kadib markii uu u adkeysa waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.

 

Ninkaan oo ka mid ahaa dhalinyarada markii hore la marin-habaabiyey ayaa sheegay inuu ku baraarugay fikirka gurracan ee kooxdaas Nabadiidka ah ay ku qaldaan bulshada.

 

Waxaa maalmihii danbe kordhay maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab ee isku dhiibaya cidamada Amniga ee  ku sugan Gobolada Baay, Gedo Iyo Bakool kadib markii koxdaan looga itaal roonaaday dagaalo culus oo ka socda goobo katirsan goboladaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...