xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka ayaa maanta ka dooday akhrinta 2-aad ee Miisaaniyadda dowladda 2022

Date:

MUQDISHO JUUN 28,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa iyo guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 7aad ee wadajirka ah oo Ajandihiisu ahaa aqrinta labaad ee warbixinta guddiga KMG iyo odoroska qoondada miisaaniyadda 2022-ka.
Guddiga KMG ee maaliyada Baarlamaanka ayaa soo gudbiyey warbixinta Odoroska qoondada 2022-ka, waxaana xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodeen warbixinta miisaaniyad sanadeedka islamarkaana ay su’aalooyin ka weeydiiyeen wwasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumadda Xilgaarsiinta JFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gabo-gabada kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta berri ah la isku soo noqon doono islamarkaana si qotodheer loo turxaan bixin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...